22/09/2025
Dalka Eswatini πΈπΏ oo ah dalka ugu Aids-ka badan caalamka ayaa ciidamo boolis ah usoo dirtay Somaliya.
Dalkaan ayaa 5tii qof saddex kamid ah ay qabaan cudurka dilaaga ee HIV, AIDS.
Welcome to my page
22/09/2025
Dalka Eswatini πΈπΏ oo ah dalka ugu Aids-ka badan caalamka ayaa ciidamo boolis ah usoo dirtay Somaliya.
Dalkaan ayaa 5tii qof saddex kamid ah ay qabaan cudurka dilaaga ee HIV, AIDS.
12/08/2024
Ankara ayaa la iskugu tagay. Waxeey u badantahay inuu maanta Xasan Shiikh bixin doono baddii iyo biyihii soomaaliyeed ee xabashidu ku soo duushay.
Tan waa qayaano qaran iyo fadeexo horleh.
Halka ammaan ee uu Xasan lahaa waxeey aheyd sidii nafti-hurnimada laheyd ee uu qadiyadda badda u difaacay iyadiina maanta ayuu dhiibayaa sida xogtu sheegeeyso.
Xasan waxaa lagu qanciyay in la siiyay qandaraaska dhismaha dekadda xabashidu dhisan doonto, oo ay dowladda Imaaraadka bixineeyso qarashka ku baxaya wuxuuna u wakiishay nin soomaali wada garaneeyso.
Gef labaad oo gobollada Waqooyi laga galay ayay tani noqoneeysaa.
Xasan wuxuu ka fekerayaa inuu Fiqi ku qasbo inuu heshiiska saxiixo waloow Fiqi uu aad u xasuusanyahay fadeexadii Abdirahman Abdishakur ka qabsatay heshiiskii Badda.
Waxaan Fiqi kula talin lahaa inuu is casilo intuu uu heshiiskaas gacantiisa ku saxiixi lahaa.
Ummada Soomaaliyeed dhegtaadu ha taagnaato maanta.
09/08/2024
: Waa lasoo saaray wiilkii oo meyd ah. Allah ha unaxariisto, kadib dadaal dheer oo ciidamada dabdamiska Laascaanood ay sameeyeen.
Naftii hurahaas ayaa soo bixiyay wiilkii yaraa ee ku dhacay godka musqusha .
09/08/2024
XOG; Itoobiya ayaa ka noqonaysaa heshiiskii Is afgaradka ahaa ee ay ku dhantaalaysay dawladnimada Soomaaliya ee Korneyl Biixi ku damcay in uu ku wareejiyo qayb kamid ah badda Soomaalida.
Kaddib dedaaladii Dawladda Turkeyga waxa Itoobiya ku qanacday in lasoo dedejiyo kulankii loo balansanaa September ee wada xaajoodka arrintan.
Sida aan xogtan illo looga qaateen ah kaga helayna bilowga isbuuca soo socda ayaa markale shir heer Wasiiro arrimo dibbadeed ahi ka dhacayaa Ankara kaas oo la filayo in labada dhinac ee Soomaaliya iyo Itoobiya is afgarad buuxa ka gaaraan is maandhaafka jira.
Shirkaas Itoobiya waxa laga sugayaa inay ku dhawaaqdo inay ixtiraamayso midnimada, xuduudaha iyo dawladnimada Soomaaliya kana laabatay is afgaradkii ay la gashay maamulka Somaliland taas bedelkeeda ay qadiyadaha noocan ah kala xaajoon karto dawladda sharciyada leh ee Soomaaliya.
Waxa sidoo kale kulankaas looga hadlayaa soo celinta xiriirkii wanaagsanaa ee labada dal iyo sidii laysaga kaashan lahaa la dagaalanka argagixisada.
09/08/2024
Laascanood; 20 saacadood kaddib weli waxa socda gurmadka wiilkii yaraa ee shalay Suuliga [Musqusha] ku dhacay. Madaxweyne Firdhiye ayaa hadda booqday.
F.G; Lama oga geeri iyo nolol xaalada wiilka yar. Xalay askari ka tirsan ciidamada Dab-damiska Dawladda SSC ayaa hawlgalkan ku geeriyooday.
Dedaal ayaa socdaa.
09/08/2024
Laascanood: Madaxda dawladda ayaa goobta yimi, welina waxa socda gurmadka. 18 saacadood kaddib lama oga nolol iyo geeri Wiilkii yaraa ee shalay 4-tii galabnimo Suuliga [Musqusha] ku dhacay waxaana laysku dayayaa in la gaadho mase suuragelin ilaa hadda.
Xalay askari ka tirsan Ciidamada dab-damisia ee SSC ayaa hawlgalkan ilaa saaka soo gaadhay ku geeriyooday.
Mobile keda ayey u ebisay si uu rerkoda ugusodonta balse muxusameyay
War Dag Dag : Caawa 11:40 waxaa si rasmi ah loo xirayaa Tiktok, Telegram iyo 1xbet. Sidaas waxaa goordhow sheegay Wasiirka Isgaarsiinta.
MRA Welcome to my page
Jimca wanagsan inta samaha jecl ππππ