Jacfar Mohamed

Jacfar Mohamed

Share

Specializing in Political Issues in East Africa, the Middle East and Social Affairs

10/01/2022

Maxamed khudbadiisa yaan lagu kadsoomin weli waxaa jira kaarar kale oo uu ku carqaladeeyo doorashada.

Maalintii la diiday muddo kororsiga saas oo kale ayuu u jeediyey khudbad oo ku muujinaayo inuu wax kasta oo jira la dhamaynaayo carqaladana joojin doono, waana la ogaa carqaladii uu ku ahaa doorashada.

Maxamed doorashada far farayn ka dayn maayo isaga iyo musharrax kale oo qarsoon, balse qof walbaa doorashadaa wuxu ka gaysto taariikhdaa qori doonta.

25/11/2021

Faallo
Waa maxay Private Military Companies ( PMCs )?
Shirkadaha Ciidamada ee Gaarka ah

1. Goormaa la yagleelay shirkadahan noocaan ah?
Waxaa la yagleelay shirkadaha noocaan ah sanadu markay ahayd 1960

2. Yaa hal abuurkeeda lahaa?
Waxaa hal abuuray nin la oran jiray David Stirling oo Scottish ahaa kana tirsanaa ciidamada boqortooyadii Ingiriiska ( British Army )
Wuxu dhashay sanadu markay ahayd 15-Nov-1915 wuxuna bakhtiyay 04-Nov-1990
Shirkaddii U horaysay waxa la oran jiray uu sameeyay Special Air Service ( SAS )

3. Sharci ahaan maxay yihiin shirkadahaan?
Ma jiro xeer caalamiya oo la aqbalay ama lagu dabaqo shirkadahaan.
1989 ayaa Qaramada Midoobay u aqoon sadeen Shirkadahaan Calooshood u Shaqaystayaal ( Mercenaries ) shir kale oo la isugu yimid 2007 waxa diiday inay saxiixaan wadamada USA, UK iyo wadama badan in sharci caalamiya laga soo saaro shirkadaha noocaan ah.

4. Maxaa ka mamnuuca inay si gaar ah u maamulaan shirkadahan?
Xeryaha Tababarada iyo Jeelasha maxaabiista marka ay goobahaas maamulayaan waa in madaxa u sareeyaa uu noqdaa Sarkaal ay dowladu magacowday oo ka yimid ciidamada qalabka sida maadaama masuuliyada guud ay saaran tahay dowlada markaa ka jirta wadanka. Reference buuga Regulation of Private Military Companies PMCs Aug-2001

5. Yaa hashiis la geli kara?
Dowladda dhexe kaliya ayaa hadhiis la geli karta maamul goboleedyada hashiis lama geli karaan kaliya waxa ay ku yeelanayaan xubin kor-joogtayn ah.

6. Shirkadahan ma madax bannaan yihiin?
Shirkadahan maamul ahaan waa madax banaan yihiin laakiinse waa inay ogolaansho ka haystaan dowlada, qandaraaska ay ku shaqaynayaana waa in dowladu siisaa kaligood ma madax bannaanaan karaan oo waxay rabaan ma samayn karaan, Ruqsada ay ku shaqaynayaan dowladu waa kala laaban kartaa.

FG: Shirkadaha Noocaan ah ma jiro wax xeera oo caalamku isku raacsan yahay oo lagula tacaamuli karo, waxa jira aragtiyo badan oo ka kala hadlaaya shirkadahaan.

30/09/2021

Qofku markay naftu qaarka sare kusoo uruurto dadka la jooga ee yaasiinka u haya rafashadiisu ma dhibto qof sii socda bay u arkaano waa iska dulqaataan,
Marka Walaalaheen ina ka h**eeyay waa saas oo kale waa loo dul qaadan hadallada kasoo yeeraya waa rafashadii ninkii naftu kasi baxaysay.

Taageerayaasha Ururka Caddaalad iyo Sinnaan yaasiinka aynu u hayno walaalaheen waa ambadeene

28/09/2021

“Kaah ka yeeli mayno inay sumcadeena iyo mustaqbalkeena ku cayaarto”

19/08/2021

Politics has Revenge

Photos from Xisbiga Sincad's post 04/02/2021
08/10/2020

"إنا لله وإنا إليه راجعون"
"كل نفس دائقة الموت"
Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay Prof. Cali Khaliif Galayr Alle ha u naxariistee Ra'iisul Wasaarihii h**e ee dalka.

Waxaan lagu xasuusan doonaa kaalintii muhiimka aheyd ee uu kasoo qaatay dadaallada dib u dhiska dalkeena iyo xal u raadintii ummada soomaliyeed.

Want your school to be the top-listed School/college in Nairobi?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Nairobi