25/11/2021
Faallo
Waa maxay Private Military Companies ( PMCs )?
Shirkadaha Ciidamada ee Gaarka ah
1. Goormaa la yagleelay shirkadahan noocaan ah?
Waxaa la yagleelay shirkadaha noocaan ah sanadu markay ahayd 1960
2. Yaa hal abuurkeeda lahaa?
Waxaa hal abuuray nin la oran jiray David Stirling oo Scottish ahaa kana tirsanaa ciidamada boqortooyadii Ingiriiska ( British Army )
Wuxu dhashay sanadu markay ahayd 15-Nov-1915 wuxuna bakhtiyay 04-Nov-1990
Shirkaddii U horaysay waxa la oran jiray uu sameeyay Special Air Service ( SAS )
3. Sharci ahaan maxay yihiin shirkadahaan?
Ma jiro xeer caalamiya oo la aqbalay ama lagu dabaqo shirkadahaan.
1989 ayaa Qaramada Midoobay u aqoon sadeen Shirkadahaan Calooshood u Shaqaystayaal ( Mercenaries ) shir kale oo la isugu yimid 2007 waxa diiday inay saxiixaan wadamada USA, UK iyo wadama badan in sharci caalamiya laga soo saaro shirkadaha noocaan ah.
4. Maxaa ka mamnuuca inay si gaar ah u maamulaan shirkadahan?
Xeryaha Tababarada iyo Jeelasha maxaabiista marka ay goobahaas maamulayaan waa in madaxa u sareeyaa uu noqdaa Sarkaal ay dowladu magacowday oo ka yimid ciidamada qalabka sida maadaama masuuliyada guud ay saaran tahay dowlada markaa ka jirta wadanka. Reference buuga Regulation of Private Military Companies PMCs Aug-2001
5. Yaa hashiis la geli kara?
Dowladda dhexe kaliya ayaa hadhiis la geli karta maamul goboleedyada hashiis lama geli karaan kaliya waxa ay ku yeelanayaan xubin kor-joogtayn ah.
6. Shirkadahan ma madax bannaan yihiin?
Shirkadahan maamul ahaan waa madax banaan yihiin laakiinse waa inay ogolaansho ka haystaan dowlada, qandaraaska ay ku shaqaynayaana waa in dowladu siisaa kaligood ma madax bannaanaan karaan oo waxay rabaan ma samayn karaan, Ruqsada ay ku shaqaynayaan dowladu waa kala laaban kartaa.
FG: Shirkadaha Noocaan ah ma jiro wax xeera oo caalamku isku raacsan yahay oo lagula tacaamuli karo, waxa jira aragtiyo badan oo ka kala hadlaaya shirkadahaan.