07/12/2026
Geerida Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani… Ninkii beddelay wajiga Qatar iyo Khaliijka
Waxaa maanta geeriyooday Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani, oo ahaa amiirkii h**e ee Qatar, sida ay dawladda Qatar ku dhawaaqday.
Sheekh Hamad oo geeriyooday isagoo 74 jir ah waxaa loo arkaa mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii Carabta ee sameeyay isbeddel weyn oo ku yimid jihada siyaasadeed, dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ee Qatar, kaddib markii uu xukunka kala wareegay Aabbihii Sheekh Khalifa bin Hamad Al Thani afgambigii dhacay sanadkii 1995.
Wuxuu ahaa Amiirkii talada hayay ee Qatar intii u dhexeysay sanadihii 1995 ilaa 2013, markaas oo uu xilka ka degay, isaga oo awoodda ku wareejiyay wiilkiisa afraad, Tamim bin Hamad Al Thani, oo ay dhashay xaaskiisa labaad, Moza bint Nassir.
Wargeyska New York Times ayaa warbixin uu qoray 28-kii bishii Juun 1995 , wuxuu ku tilmaamay isbeddelkaas inuu ahaa isbeddel laga yaabo inuu ruxo gobolka Khaliijka.
Wargeysku wuxuu sheegay in hoggaamiyaha cusub uu qaadi karo siyaasad ka madax-bannaan tii h**e, gaar ahaan xiriirka uu la yeelan karo Iiraan, Ciraaq iyo Israa’iil, taas oo ka duwan jihadii siyaasadeed ee Sacuudigu ku hoggaamin jiray Khaliijka.
Markii uu talada qabtay, Sheekh Hamad wuxuu Qatar u horseeday siyaasad dibadeed oo madax-bannaan, isaga oo ka faa’iidaystay kaydka weyn ee gaaska dabiiciga ah ee dalkaasi leeyahay. Khayraadkaas ayaa Qatar ka dhigay mid ka mid ah dalalka ugu qanisan dunida, isla markaana sare u qaaday heerka nololeed ee shacabka Qatar.
Mid ka mid ah tallaabooyinkii ugu waaweynaa ee lagu xasuusto xukunkiisa waxay ahayd aasaaska Telefishinka Al Jazeera sanadkii 1996. Shabakaddan warbaahineed waxay beddeshay sida dunidu u aragto doorka dal yar oo Khaliijka ku yaalla.
Al Jazeera waxay noqotay mid ka mid ah warbaahinta ugu saameynta badan Bariga Dhexe, iyadoo tebisa arrimaha siyaasadda, dagaallada iyo dhacdooyinka waaweyn ee gobolka iyo dunida. Tani waxay Qatar siisay saameyn siyaasadeed oo ka weyn cabbirkeeda juqraafiyeed