05/03/2026
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, madaxda Qaranka, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, aniga oo ugu hambalyeynaya maalintan taariikhiga ah ee ku aaddan ansixinta iyo dhammaystirka cutubyada kala duwan ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dhammaystirka Dastuurku waa tallaabo weyn oo lagu xoojinayo dowlad-dhiska, dimuqraadiyadda, iyo hirgelinta nidaam ku dhisan sharci iyo isla xisaabtan. Waa guul ka tarjumaysa dadaal dheer, wadatashi Qaran iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan in la helo dastuur dhammaystiran oo hagaya mustaqbalka dalka iyo dadka.
Waxaan ku boorrinayaa dhammaan hayβadaha dowladda in ay ilaaliyaan, isla markaana ay dhaqan-geliyaan Dastuurka, si loo xaqiijiyo midnimo, caddaalad, iyo horumar waara oo ay ku naaloodaan jiilasha hadda iyo kuwa mustaqbalka.
Marka dib loo eego marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka cutubyada kala duwan ee dastuurka la dhammaystiray, waxa ay ahaayeen Qorshe Qaran oo lagu hiigsanayay halka maanta aynu u soconno.
Maanta laga bilaabo dastuurkii waa dhammaystirmay, dowladnimadeennana wixii hadda ka dambeeya waxa ay noqotay mid ku taagan asaas sharci oo adag, oo aan ku-meel-gaar ahayn.
Guusha ugu weyn waxa leh Baarlamaanka, waxaa guulaystay Baarlamaanka 11-aad oo fursad u helay in uu noqdo kii dhammaystiray dastuurka, Waxaa kale oo guulaystay shacabka Soomaaliyeed oo uu dastuurkani u celiyay awooddii soo xulashada metelayaashooda iyo hoggaankooda.