21/04/2016
Muddo sanad ah kadib, amiina waxay yeelatay
uur, se ninkeeda waxay jeclaysatay inay kadis
ahaan ugu sheegto aadna uga farxiso waxayna
dajisay qorshayaal dhawra.
Waa habeenimo saacaduna waa todobadii iyo
toban,
Hadahaa shaqada ayuu ninkeedu ku jiraa, se may
wicin ee waxay u dirtay fariin (message)
waxaanay ka dalbatay inuu h**e u soo dhaqsado.
Fariintii markay dirtay ayey dagdag isu soo
diyaarisay, kalsooni aad u wayna way ku qabatay
in ninkeeda soo ajiibayo oo uu imanayo xiligay
rabto inuu yimaado giriga.
Waxay sii diyaarisay kadis ama ka farxin dhawr
qaybood ah,
cunto tii uu ugu jeclaa ninkeedu ayey karisay
Dhar ay dookheeda ugu doortay iyadu oo aanu
wali isagu arkin xidhana waxay u saartay sariirta,
Qolaalka cuntada iyo fadhigana aad ayey u
habaysay.
Abaaro sideedii ayuu xaajigii guriga yimi,
albaabku waa furan yahay, yaab!
H**e ayuu u galay aqalkii, markuu xoogey socday
ayuu galay madbakha ama kijada oo xaaskiisu ku
jirtay.
Waa uu salaamay isagoo yaaban sababta uu
albaabku u furanaa.
Waxay ugu war celisay xabiibi waan yara
hawlaysanahay, qolka gal oo dharka badalo.
Waxa uu galay qolka jiifka markuu dharkii iska
bixiyey ayuu arkay dhar aad u qurux badan oo u
diyaarsan dushana ay warqadu ka saaran tahay.
Waxa uu dagdag u qaaday warqadii oo uu
akhriyey waxaana ay u dhignayd sidan
" gacaliyahaygii aanjeclaayow soo xidho dharkaa
iiguna kaalay qolka fadhiga"
Intaa markuu arkay ayuu dagdag u labistay soona
baxay isagoo ku sii jeeda qolka fadhiga, judhiiba
waxa uu qac indhaha ku siiyey xaaskiisii oo aad u
bidhaaamaysa quruxna ifay, iyadoo xidhan dhar
kiisa u egg oo aad u qurux badan.
Alle ayuu u mahad naqay, h**e ayuuna u socday
xaaskiisa oo fadhida kuraasta mid kamida ayuu
ag tagay.
Sirta lamaane kadib, gacanta ayey qabatay oo
qolkii cuntada ayey tageen
Laydhkii kolkii ay daareen
Mise waa cuntooyinkuu u jeclaa oo diyaara loona
sameeyey.
Kaftan iyo sheeko kalgacayl leh ayaa layla
mushaaxay, waana la cunteeyey.
Amiina waxay ninkeedi ku tiri gacaliye ina mari
qolkeeni,
Haye macaan ina mari.
Qolkii goortii ay tageen ayey u dhiibtay nuskhad
sawiradoodi arooska ah,
Daawasho jacayl leh waxay socotaba, markii uu
marayey sawirka 76aad ayuu arkay warqad ku
dhex jirta.
Dagdag ayuu u furay oo uu akhriyey, waxaana ku
qoraa.
" gacaliyahaygaan jeclaa, eebbe haykaa daayo
Muddo ayaa arooskeeni laga jooga
Farxad iyo maalmo sareedo lehna kula soo
qaatay, allaana mahad leh
Xabiibi waxaa la gaadhay waqtigaad qalbiga aad
uga farxi lahayd ood dareemi lahayd waxaan
kuugu abaalinayo allena inoogu deeqayo,
Wax kale maaha macaane waa ubuxii jacalkeena
iyo gurigeena,
Noloshaydiiyow uur ayaan kuu leeyahay
Ilme magacaaga sitaa aduunyada imanaya inshaa
alaah.
Waxaan dareemayaa farxad iyo inaanad igu
khasaarayn, dushaydana ay tahay farxadaadu
Guulayso xayaati
Waa inoo habeen kale oo farxadeed ee ila
wadaag"
Xaaax alla macaana oo xaxanto badanaa,
Intaa markuu ka dhargay dhawr jeera uu ku
noqnoqday ayuu fahmay sirta habeenkan ka
danbaysa.
Kalmado uu dareenkiisa ku cabiro ayuu carabku u
qaban waayey, fikirkiisu waxa uu ahaa maxaad
ugu mahad celisaa xaaskaaga.
Amiina way fahantay ninkeedu inuu muraaqooday
oo intay u soo dhawaatay ayey laabta galisay,
iyadoo ku leh...
Xabiibi ma sugayo mahad naq waan ogahay
kalgacaylkaad niyada iigu hayso kaas ayaa iga
badan macaane,
Waa sharaf iyo guul nololeed inaan xaaskaaga
ahay.
Amiina meel wayn ayey taabatay ninkeedi
waanay ka farxisay aad.
Xaajigii intii h**e ayaa intana loogu diray, waxa
uu go'aansaday inuu salaad mahad naq u tukado
eebbe waynu ku arsaaqay ooridaa saa u dajisay,
filkiina dharaar dhaafisay.
Macaaney alle haykaa daayo, ifkayga ayaa kaa
bilowda kuguna dhamaada mahadsanid in badan
ruuxi ayuu ku yidhi xaaskiisi intaanu salaada
galin.
Habeenkii lamaanahaas sidaas ayuu farxad ugu
dhamaaday, waxaana lagu wada seexday farxad
aad sal iyo gun dheer
Waxaana qofba qofka kale qalbiga ugu hayey
raali ahaansho aan xad lahayn.
Waxaana halkaa lamaanahaa ugu bilowday waji
kale oo nololeed oo aad qurux badan.
Ujeedka sheekhada:
Guri kastoo lagu aasaaso
Raali ahaanshaha eebbe iyo kalgacayl waa guriga
lagu dhex arko uun farxad, jacayl iyo kala
danbayn.
Xaaska iyo guriga oo kuu hagaagaa waa libinta
noloshaada iyo noolaanshahaaga,
Waxaan laga dhaxlaa uun horumar iyo farxad aan
sal guurayn,
Ubadka gurigaa oo kale ku dhashaana waxay
noqdaan ubad nolosha aad u fahmsan oo filkood
aad uga h**eeya dhan kasta.
"Eebbe guryo aan ku dagno, raali ahaansho iyo
nasteexo ku dareeno hayna siiyo
dhamaanteenba."
Allaa Mahad Leh.