Madarasatu Najah Garissa

Madarasatu Najah Garissa This is the official page of Madarasatu Najah Al-Islamiya Garissa Kenya . Please follow for updates and information
Thank you .

21/10/2025

Mamulaha Madarasada Najah Sheikh Khalif Malawi ayaa ka hadlay tartankii Qur'anka Kariimka ah ee socday muddo laaba maalin ah ee lagu qabtay magaalada Garissa, Wuxuu amaanay dadaalka ardayda .

Tartan Qur'anka Kariimka ah ee socday muddo laaba  maalin ah ayaa lagu qabtay magaalada Garissa. Tartankan ayaa si rasmi...
21/10/2025

Tartan Qur'anka Kariimka ah ee socday muddo laaba maalin ah ayaa lagu qabtay magaalada Garissa.
Tartankan ayaa si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay iyadoo ay soo qabanqaabisay dowladda Sacuudi Carabiya. Sidoo kale, xaflado tan la mid ah ayaa lagu qabtay ismaamulada kala duwan ee dalka si loo xuso tartankan qiimaha badan.
Gobollada dalka ayaa laga doonayaa inay soo gudbiyaan afarta qof ee ugu sarreeya imtixaanka kuwaas oo ka qayb gali doono imtixaanka heer qaran oo la qaban doono bisha December ee 2025 laguna qaban doono magaalada Nairob ee Casimada dalka si ay u matalaan gobolladooda.

20/09/2025

Sheekh Abu Dalxa ayaa si weyn u muujiyay farxadda iyo kalgacalka uu ka qabo halka uu marayo dabaqa-waqfka ah ee loo dhisayo Madarasada Najah Al-Islamiyah ee magaalada Garissa.

Sheekh Abu Dalxa wuxuu tilmaamay in mashruucan barakaysan uu yahay mid wax weyn ku soo kordhin doona waxbarashada diinta iyo kobcinta aqoonta bulshada deegaanka.

Waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyay shacabka iyo taageerayaasha khayrka inay sii wadaan garab istaagga iyo kaalinta ay ku leeyihiin dhamaystirka waqfkan si loo xaqiijiyo danaha jiilalka soo socda.

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ"إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ"يتقدم إدارة ومعلمو وطلاب مدرسة النجاح ...
18/09/2025

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ

"إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ"

يتقدم إدارة ومعلمو وطلاب مدرسة النجاح بخالص التعازي والمواساة إلى أسرة وأهل الشيخ محمد داود، مدير مدرسة السلام الإسلامية، الذي انتقل إلى رحمة الله في دولة الهند بعد معاناة مع المرض هناك.

نسأل الله العلي العظيم أن يتغمده بواسع رحمته، ويسكنه فسيح جناته، ويرزق أهله وذويه الصبر والسلوان. آمين.

اللهم اغفر له وارحمه وعافه واعف عنه وأكرم نزله ووسع مدخله واغسله بالماء والثلج والبرد ونقه من الخطايا كما نقيت الثوب الأبيض من الدنس. آمين.

إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَMaamulka, macallimiinta iyo ardayda Madarasada Najah waxay tacsi tiiraanyo le...
18/09/2025

إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ

Maamulka, macallimiinta iyo ardayda Madarasada Najah waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska iyo ehelka Sheekh Maxamed Daud, mudirkii Madarasada Salaam Al-Islamiyah, oo ku geeriyooday dalka India. xanuun halkaas lagula tacaalay awgiis.

Waxaan Alle uga baryaynaa in uu naxariisto, Jannatul Firdowsna ka waraabiyo. Ehelka iyo asxaabta uu ka baxay samir iyo iimaan Allah ha ka siiyo.
Aamiin.

Address

Garissa
01

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Madarasatu Najah Garissa posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share