Grassy
DDSI students in India
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from DDSI students in India, Education, Hyderabad.
16/10/2018
Dds 😍😍😍
26/10/2016
Deg deg ah
Madaxweynaha iyo Shacabka fiiq oo hada kulan
Ufadhiya iyadoo shacabku ay suaala iyo Mahad celin u jedinayaan madaxweynaha
Gudiga Soo Dhawaynta Qurbajoogta Oo Kulan Deg-deg ah Yeeshay
Jigjiga(Cakaaranews) Jimce, 21ka October 2016. Shir deg-deg ah oo ay maanta yeesheen Gudiga soo dhawaynta qurbajoogta ee shirwaynaha 9, aad ee XDSHSI oo uu gudoomiye uyahay mudane Farxaan Maxamed Cali ujeedadiisuna ahayd sidii marti-sharafta qurbajoogtu ay uga soo qaybgali lahaayeen shirwaynaha 9, aad ee XDSHSI ayaa falanqayn iyo dood dheer oo ay dhan walba ka eegeen kadib wuxuu gudigu islaqaatay go’aanadan hoos kuxusan:
1.Wuxuu gudigu mahadcelin balaadhan kasameeyay sida ay qurbajoogtu uga qaybqaadatay mudaaharaadyadii lagaga soo horjeeday ururada nabad-diidka ah ee Onag, Ginboot7, Alqushaash, Ubbo IWM. Wuxuuna xusay kaalinta libaax ee ay qurbajoogtu kulahayd kaguulaysiga cadawga naftanyaaga ah iyo inay sidoo kale dastuurka dalka iyo calankaba kor uqaadeen. Sidaadarteed, ayaa waxay gudigu go’aamiyeen in lasharfo hadii ay dibada jiraan iyo hadii ay gudaha joogaanba.
2.In mar kasta ahmiyad lasiinayo xubnaha sida gaarka ah guulaha uga soo hoyiyay ladagaalanka Ubbo, Alqushaash, itixaad, Onag, Ginboot7 IWM.
3.Xubnaha wadanka gudihiisa hantida kusoo maalgashaday islamarkaana sameeyay shaqo-abuurka.
4. Xubnaha wadanka gudihiisa kasameeyay hawlaha samafalka.
5.Saraakiisha sar-sare ee social mediaga kadhex-halgama. Kuwaas oo isugu jira: janaralo, kornelo, shaalaqeyaal iyo shaambalo rag iyo dumarba leh.
6.Guurtida odayaasha madaalayaasha ah ee wadaninimadu lafta kaga jirto islamarkaana tooshka kushiday dhibaatadii iyo xasuuqii dhargigu kuhayay shacabka soomaalida itoobiya.
7.Xubnihii kaqaybgalay mudaaharaadyadii kor loogu qaadayay dastuurka, calanka iyo nidaamka federalismka ah islamarkaana lagaga soo horjeeday dhargigii, Onag iyo Ginboot7.
Hadaba iyadoo ay sidaas tahay ayaa wuxuu gudigu islaqaatay in qurbajoogtu ay mutaysteen inay kaqaybgalaan shirwaynaha 9, aad ee XDSHSI islamarkaana ay jaaliyad kasta usoo dirsato wakiilo. Wuxuuna gudigu maanta ukalaqeexay mas’uuliyada gudiga iyo waajibaadka xubnaha qurbajoogta ah ee kasoo qaybgalaya shirwaynahan 9, aad sidan:
Gudigu: wuxuu qaadanayaa laga bilaabo 25ka October ilaa 5ta November ee sanadkan kharashka kubaxaya xubnaha qurbajoogta ah ee kaqaybgalaya shirwaynaha sida: jiifka, cuntada iyo Ticketka Go and Back from Addisababa to Qabridahar.
Xubnaha Qurbajoogtuse: waa inay iskabixiyaan ticketka wadanka ay ka imanayaan ilaa Addisababa oo Go and Back ah.
FG: Qoondaha tirada jaaliyad kasta uga qaybgalaysa shirwaynuhu waa 5 qof. Ugu badnaana 7 qof oo kakooban 4 dumar ah iyo 3 rag ah. Waxaanse iyagu tiradan kujirin oo kadheeri ah: gudoomiyaha jaaliyada, gudoomiyaha xisbiga iyo gudoomiyaha ururka horumarinta soomaalida itoobiya oo 10 kunoqonaya tirada lasoo xulayo.
FG: waxaa xubnaha soo xulaya wakaalada xidhiidhka arimaha qurbajoogta DDSI iyo gudoomiyaha qurbajoogta oo kali ah. Balse, waxaa maamulada jaaliyadaha looga baahan yahay inay xubnaha lasoo xulay soo gudbiyaan kahor wakhtiga imaanshaha.
FG: shirkada duulimaadyada hawada ee Ethiopian Airlines waxay qurbajoogta ugu deeqday 30% oo discount ah. Laakiin waa marka ticketyada laga goosto xafiisyadeeda ee ma aha marka laga goosto agencyada(not agencies). Qurbajoogtuna waxay bixin 70%.
01/10/2016
Halkan ka akhriso qayb ka mida Mashaariicaha MEGA PROJECT AH ee ay xukuumadu fulisay sandkii h**e ee 2008 T.I.
1. Madaxtooyada cusub.
2.Garoonka diyaaradaha kabri dahar..
3. Buundada waangay...
4. 96 Half dam oo laga fuliyey guud ahaan degmooyinka oo dhan
5. Warshada hilibka
6. Warshada caanaha
7. Warshada saliida
8. Warshada furaashyada..
9. Maxjarka doofinta xoolaha...
10.masnooyinka waraabka wijiwaaji.. maracaato iyo
11. 7 buundo oo ah kuwa waaweyn....
12. 6 kulliyadood..
13. Hal jaamacada...
14. Real stateka jigjiga ee dulqabaw...
15.laydh galinta Gode iyo Fiiq oo ah kuwa ugu quwada weyn bariga ethiopia.
16. 25 dagmo,laba gobol iyo 2 ismaamul magaalo.
17. Shaqaalaysiinta 7000 oo aqoonyahan.
18. Socdaaladii qurbaha ee sida AUSTRIALIA.
19. 45,000 qof oo Shaqo abuur iyo daymo la siiyey.
20. Soo iibinta 200 oo cagafyada dhulka qoda, 20 kuwa gooya beeraha, baldoosaro ama caqli badanta, iskaragooyin iyo mechinary kale oo waaweyn.
21. Soo iibinta 10 baabuur oo ah kuwa dab damiska.
Halkani kuma soo koobi karo ee waa intaan la xasuustay oo kaliya.
29/09/2016
Hormuudkii Hogaaminta Degmooyinka Loo Soo Xulay Oo Bakhtiyaa-nasiibkii Qaatay
Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis, 29ka September 2016. Waxaa saaka hoolka shirarka muhiimka ah ee xarunta madaxtooyada bakhtiyaa-nasiib kuqaatay hormuudkii hogaaminta degmooyinka loo soo xulay oo kakooban 34 xubnood . Kuwaas oo noqonaya gudoomiyeyaasha degmooyinka cusub iyo qaar kamid ah degmooyinkii h**e.
Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo hogaamintan ugu duceeyay in xilka ilaahay ku asturo ayaa kula dardaarmay inay iska ilaaliyaan musuqa, eexda iyo nin-jeclaysiga islamarkaana ay si cadaalad ah oo sharciga ku salaysan ugu adeegaan bulshada iyagoo ilaalinaya hantida dawlada iyo ta shacabka gaar ahaan gaadiidka iyo miisaaniyada degmada .Wuxuuna ku booriyay inay noqdaan kuwo unugul islamarkaana kadamqada baahida shacabka.
Bakhtiyaa-nasiibkii kadib ayaa waxaa madasha kahadlay qaar kamid ah xubnihii hormuudka hogaaminta degmooyinka loo soo xulay ee bakhtiyaa nasiibka qaatay iyagoo sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin nidaamka cadaaliga ah ee loo sameeyay islamarkaana bogaadiyay qaab-socodka XDSHSI iyo xukuumada DDSI ee uu hormuudka kayahay madaxwayne CMC iyagoo kutilmaamay nidaamka loo soo xulay, tababaradii ay qaateen iyo bakhtiyaa nasiibka meelaynta shaqooyinkooda inay tahay mid taariikhi ah oo kudhisan cadaalad islamarkaana ay kamadhan tahay eex iyo nin-jeclaysi. Hogaamintan cusub ayaa intaa ku dartay inay shacabka ugu shaqayn doonaan si daacadnimo, wadaniyad iyo xilkasnimo ku dheehan tahay iyagoo balan qaaday inay noqonayaan kabihii shacabka. Waxayna madaxwaynaha kacodsadeen inuu u duceeyo si xilka allah ugu asturo.
Kulankan ayaana kusoo gabagaboobay jawi wanaagsan iyagoo hogaamintu niska danbe ee maanta qaadan doona magacaabistoodii.
31/08/2016
Dooxyo roob heloo wabiyadu durduri
dihin ciida hooyaa u wacan dunidaa
Dayma nuur lahoo lagu dayrsadiyo
dalsan weyee jigjiga kaalay Ila dakeey
Viva jigjiga
03/07/2016
Eid Mubarak to all Muslim
30/06/2016
BREAKING NEWS #
HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO
190 wadan ayaa hada ucodaysay in ay Ethiopia kamid noqoto golaha amaanka ee qaramada midoobay. 185 wadan ayaa cod dheer kutaageeray wadankeena. Hambalyo hambalyo dhamaan shacbiwaynaha reer Ethiopian meelkasta oo ay joogaanba guushan taariikhiga ah ee inoo soo hoyatay wadan ahaa.
Ethiopia elected to UNSC with overwhelming support
28 June 2016
===========================
The President of the General Assembly just announced the results of the election. Ethiopia, Bolivia and Sweden are elected in the first round to serve in the Security Council for the next two years. Ethiopia received an overwhelming support of 185 countries out of 190 countries present and voting. # EthiopiaforUNSC
Source : Ethiopia @ UN
19/06/2016
Viva liyuu police
18/06/2016
Tababar uu so agasimay xafiska arimaha haweenka iyo
caruurtaa jamuriyada dimuqradiga fadaralka talkena itobiyaa
aya kafurmay xamda huteel waxa furitankii qudbado
dhaxalgala kaso jedisay madax wayne kuxigenka ahna wasirka
xafiska beraha ddsi marwo s Sucad Axmed Farax iyo
wasirada hawenka ddsi maxamud haybe iyo wasirada
hawenka ee heer fadaral marwo
Horaa Loo Soconayaa👍👍❤❤❤ walee
18/06/2016
Awbare fiiq iyo qabridahare oo shacabka dagan
Ay tageero u mujiyeen safarkii madaxweynaha ddsi ee australia gaar ahaan melbourne
Waxaa ka hadlay masuuliyiin sare sare iyo odayaal iyo wax garad waxaana cod dheer lagu shegay in 100kiba 100 ay madaxweynaha taagersanyihiin iyo mamulka suuban ee ddsi ka hana qaaday
Horaa loo soconayaa
DDSI ddsi
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Telephone
Website
Address
Hyderabad