22/08/2020
Madasha AGA ee bisha Sebtembar
Dhammaanba aqoonyahanka, dhallinyarada & waxgaradka daneeya afka hooyo iyo hal-abuurkiisa; waxay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaligu ku martiqaadaysaa Madasha AGA oo qabsoomaysa Sabtida ugu horreysa bisha Sebtembar.
Mawduucu waa “Xaaladda Afsoomaaliga ee DDS,
Adeegsiga Rasmiga ah ee Maamulka, Waxbarashada & Adeegga Guud";
Waxaa soo jeedinaya
1- Macallin Maxamuud Maxamed Cabdillaahi oo ah Madaxa Machadka Daraasadka Af-Soomaaliga & Suugaanta, Jaamacadda Jigjiga, ahna wakiilka AGA ee Itoobiya
2- Dr. Cabdinaasir Axmed Ibraahim cilmibaare ka tirsan Jaamacadda Addis Ababa, ahna Kuxigeenka Guddoomiyaha AGA.
Waxaa hagaya Md Maxamed Xasan "Cirro", Xarunta Dhaqanka ee Awjaamac, Nayroobi;
ahna Wakiilka AGA ee Kiiniya.
Taariikh: 5/9/2020 Sabti
Saacad: 7:00 - 9:00 fiidnimo, Waqtiga Bariga Afrika
Kaga soo qaybgal Barta ZOOM ama kala soco Facebook LIVE
Kulanka Zoom-ka kaga soo qaybgal - Join Zoom Meeting
https://us02web.zoom.us/j/7866050646
Meeting ID: 786 605 0646
Ka soo qaybgalkaagu waa muhiim