14/08/2026
MASKAXDAADU WAY ISBEDELI KARTAA
……………………………………………………………………….
Weligaa ma maqashay erayga neuroplasticity?
Neuroplasticity waa awooda cajiibka ah ee maskaxdu u leedahay inay isbedeli karto, la qabsan karto, isla markaana samayn karto isku-xirnaansho cusub tasoo ku xidhan tahay waxa aynu si joogto ah ugu fikirno, u barano, u samayno iyo waxan soo marnay nolosheena( the past).
Tusaale: LEGO.
Waxaad haysata sanduuq ka buuxaan LEGO. Waxaad ka dhisi kartaa guri, hadana wad kala furfuri kartaa, hadana waxad dhisi kartaa gaadhi hadana waad furfuri kartaa, hadana waxad ka sameyn kartaa wax yaalo kala duwan oo kale.
Maskaxdeenu waa sidaa. Waxay awood u leedahay inay wax bedesho oo samaysana xidhiidho cusub ama wadooyin cusub.
Maskaxda gudaheeda waxa ku jira balaayiin unugyo neerfayaal ah oo loo yaqaan neurons. Neuronsku way isla xidhiidhan maanta oo dhan.
Marka aynu si joogto ah wax uga fikirno, wax u barano ama waxku celcelino, isku-xirnaanshahaas neuronskas qaarkood way sii xoogaystaan waxayna la mid noqon karaan wado yar oo si joogto ah loo maro oo isku badesha wado weyn mudo kadib.
Markasta oo wadadaas la isticmaalo waxaa fududanaya safarka wadadas.
Tusaale kale, qofka hadii si joogto ah wax u akhristo oo horay u garanayn wax akhriska maskaxdiisu si tartiib ah ayay ugu sii fiicnaanaysaa akhriska. Hadii uu si joogto ah u barto sida loo maareeyo xanaaqa, wuxuu si tartiib ah ugu fiicnaan doona xak**aynta dareenkiisa. Hadii xaalad adag soo maray si tartiib ah maalin ba maalinta ka danbaysa u fiicnan doona. Hadii uu si joogto ah ugu celceliyo naxariis, isgaadhsiin wanaagsan, inuu dareenkiisa la wadaago dadka kale, dulqaad, salaada ama edeb iyo nidaam, dabeecadahaas mudho kadib u noqon karaan wax dabiici ah qofka.
Dhanka kale, hadii aynaan si joogto ah u isticmaalin qaar ka mid ah wadooyinkaas( neuronskas) maskaxda, way daciifi karaan.
Sidaas darteed, waa inaan nafteena iyo carruurteenaba barnaa fariin aad u muhiim ah:
Ma tihid qof ku xaniman maskaxda aad maanta leedahay. Maskaxdaadu waxkasta way baran kartaa, way kori kartaa, wayna isbedali kartaa hadii negative badan leedahay.
Sidee Fikraduhu u Saameeyaan Dabeecadeheena
Fikir keliya si toos ah ma badelo ficiladeena lakin fikirada si joogto inoogu soo noqnoqda oo dhagaysano oo hirgalino aya saamayn kara dareenkeena, go’aamadeena iyo dabeecadeena, positive ama negative
Waxaan habkan u fahmi karnaa sidan wakhtiga ficilada wanaagsan:
Fikir → fikir soo noqnoqda → aaminaad ama fikrad xoogaysata → go’aan → ficil → ficil soo noqnoqda → caado
Waqti kadib, caadooyinka soo noqnoqda waxay si mudo dheer ugu dhex samaysmi karaan nolosheena. Hadii lakiin noloshada ayna fiicnayn waad badali kartaa taasina waa awoodaha maskaxdeena ay awoodo
FOMULADAN RAAC (waqtiga negative):
Fikir cusub → go’aan cusub → ficil cusub → ku celcelin → caado cusub
Waxay qaadan doonta waqti, waxay kaga baahan tahay dulqaad iyo dadaal, laakin isbedelku waa suurtagal.
Allah swt wuxuu yidhi:
Allah ma beddelo xaalada qoom ilaa ay iyagu beddelaan waxa naftooda ku jira
Qur’aanka 13:11
Aayadan waxay ina xasuusinaysa inan masuul ka nahay doorashooyinkeena, Allahna wuu og yahay duruufahayaga iyo dhibaatooyinka aynu la tacaalayno lakin talaabada kobaad waa ina anagu qaadna ilaahayna talasaranaa.
Sidaa darteed, waa inaan nafteena iyo carruurteenaba ku dhiirigalinaa waxbarashada iyo horumarinta. Midna ogaada Khaladka aad samaysay ma qeexayo qofka aad tahay ama hada yaraan taadii soo martay nolol adag qofka ma ahaan doontiid hada badesho.
Waxa laga yaaba inaad isleedahay k**a gudbi karo noloshaydan negativega ah lakin waad ka gudbi kartaa.
Waxaa laga yaabaa inay wax kugu adkaadaan laakin waad ku celcelin kartaa oo waad horumari kartaa.
Waxaa laga yaabaa inaad guldaraysatay laakin guuldaradu waa qayb ka mida nolosha
Waxaa laga yaabaa inaad samaysay doorasho khaldan laakin marka xigta waxaad samayn kartaa doorasho wanaagsan.
Maskaxdu way isbedeli kartaa. Caadooyinku way isbedeli karaan. Dabeecadu way isbedeli kartaa. Dadkuna way isbedeli karaan.
Maskaxdaadu waxay awood u leedahay inay wadooyin cusub sameyso hadii aad adigu maaanta go’aan gaadho.
WAAN ISBEDELAYAA WAANA AWOODA MASKAXDAADA U SHEEG MAANTA
W/Q: Ayan Askar
Barbaarsame Academy