09/09/2026
๐๐ KASTAN MENTORING: MUSTAQBALKAAGA HA SUGIN QOF KALE โ ADIGA IS DIYAARI!
Arday badan oo Soomaaliyeed waxay doonayaan inay helaan Scholarship, Admission iyo fursado Waxbarasho Dibadda, laakiin mararka qaar waxay waqti badan ku lumiyaan inay qof WhatsApp kala hadlaan, sugaan jawaab ama ay raadiyaan qof u sharxa fursad kasta.
Kastan Mentoring waxaan rabnaa inaan beddelno habkan.
๐ FURSADAHAAGA HALKAAS KA RAADI
Website-keena kastanmentoring.com waxaa loogu talagalay in ardaygu si fudud u helo fursadaha uu u qalmi karo, u akhriyo shuruudaha, una bilaabo diyaar-garowgiisa.
Waxaan rabnaa in ardaygu yiraahdo:
โAniga ayaa marka h**e fahmaya fursadda, kadib ayaan caawimaad raadsanayaa.โ
Waxaad:
โ
Raadin kartaa Scholarship iyo Admission
โ
Akhrisan kartaa eligibility-ga iyo shuruudaha
โ
Diyaarsan kartaa documents-kaaga
โ
Daawan kartaa videos-ka sharaxaadda
โ
Tallaabo-tallaabo u raaci kartaa habka codsiga
โ
Haddii aad talo u baahan tahay, Coach ballansan kartaa
โ
Haddii aad diyaar tahay, codsigaaga kaligaa waad buuxin kartaa
๐ธ๐ด AF-SOMALI AYAA MUHIIM AH
Arday Soomaaliyeed oo doonaya inuu waxbarasho caalami ah gaaro waa inuu helo fursad uu ku fahmo macluumaadka muhiimka ah Afkiisa hooyo.
Sidaas darteed, Kastan Mentoring waxay dadaal ku bixinaysaa in fursadaha iyo hagayaasha muhiimka ah lagu sharxo Af-Somali, si ardaygu u fahmo:
๐ Fursaddu maxay tahay?
๐ Yaa u qalma?
๐ Maxaa loo baahan yahay?
๐ Goorma ayuu deadline-ku yahay?
๐ Sidee loo diyaariyaa documents-ka?
๐ Sidee loo codsadaa?
Laakiin hal arrin ayaan rabnaa inaan caddeyno:
Kastan Mentoring ma rabto arday ku tiirsan qof kale wax walba.
Waxaan rabnaa arday wax fahmaya, wax akhrin kara, is diyaarin kara, fursad hubin kara, kadibna goโaan qaadan kara.
๐ HADDII AAD DOONAYSO JAAMACAD CAALAMI AHโฆ
Ka fikir.
Waxaad doonaysaa inaad tagto jaamacad caalami ah oo:
๐ Macallimiintu yihiin ajaanib
๐ Ardaydu ka yimaadaan dalal kala duwan
๐ Casharradu yihiin luqad caalami ah
๐ Adiga lagaa filayo inaad iskaa wax u akhrido, cilmi-baaris samayso, deadlines ilaaliso, oo aad masuuliyadda waxbarashadaada qaadato.
Haddaba, haddii maanta aad rabto in qof walba wax kuu qabto, sidee ayaad berri ugu guulaysan kartaa jawi caalami ah?
Guushu waxay ka bilaabataa is-ku-filnaanshaha.
๐ TALLAABADA KOOWAAD
Ha sugin qof kuu soo diro fursadda.
Ha sugin WhatsApp reply.
Ha sugin Coach inuu wax walba kuu sameeyo.
Baro sida loo raadiyo.
Baro sida loo akhriyo.
Baro sida loo hubiyo.
Baro sida loo diyaargaroobo.
Kadib codso.
๐ฅ Waxaan sidoo kale diyaarinaynaa videos ku tusaya sida loo isticmaalo website-ka Kastan Mentoring iyo sida loo raadiyo fursadaha.
๐บ YouTube: Kastan Tech AI
๐ Website: Kastan Mentoring
Kastan Mentoring โ Guide. Grow. Succeed.
Ujeeddadeennu ma aha oo keliya inaan arday helno fursad.
๐ฏ Ujeeddadeennu waa inaan dhisno bulsho aqoon leh, isku filan, diyaar u ah caalamka, oo awood u leh inay mustaqbalkeeda dhisato.
๐จKa hel comment YouTube sharxayo
Diyaargarowgaaga wuxuu ka bilaabanayaa tallaabada koowaad.