Safiirka Islaamka

Safiirka Islaamka waa Safiirka islaamka waana pagekeegya rasmika ah,waxaana sidoo Kale Iga helli kartaa you tube safii
(1)

Haweeney muddo dheer nolosheeda u hurtay xifdinta iyo baridda Qur’aanka,65 Sano ayay Nolosheeda Qur’aanka u hibeeysay , ...
26/09/2026

Haweeney muddo dheer nolosheeda u hurtay xifdinta iyo baridda Qur’aanka,

65 Sano ayay Nolosheeda Qur’aanka u hibeeysay , umadana ay la Wadaagtay iyadoo bareeysa.

Waxaa jira dad Qur’aanka akhriya sannadaha ugu dambeeya ee noloshooda, halka ay jiraan kuwo noloshooda oo dhan Qur’aanka la noolaada—xifdiya, bara, dadka u akhriya, oo jiilal kasii dambeeya u fura albaabka Kitaabka Alle.

Xaajiya Tasliima waxay ka mid ahayd dadkaas.

65 sano ayay Kitaabka Alle qalbigeeda iyo nolosheeda ku sidday; mar way xifdinaysay, mar way baraysay, marna dadka kale ayay Qur’aanka ka dhagaysanaysay.

Waxay ka qaybqaadan jirtay majaalisyada Qur’aanka,

Waxaana gacmaheeda ku barbaaray dad iyaguna Kitaabka Alle u sii gudbiyey kuwa kale.

Qur’aanku wuxuu qayb ka ahaa nolosheeda, maalmaheedana waxay u nidaamisay si cajiib ah,

Qur’aanku wuxuu u lahaa meel gaar ah iyo waqti gaar ah

Illaa maalintii ugu dambaysay ee cimrigeeda.

Mid ka mid ah majlisyada Qur’aanka ee Masjidka Al-Barakah Ash-Shaaficiyah, oo ku yaalla koonfurta Jakarta, ee dalka Indonesia, ayay Tasliima haweenka hortooda makarafoonka kaga akhrinaysay Qur’aanka, kaddib markii majlisku dhammeeyey khatmidii oo dib looga bilaabay Suuratul-Baqarah.

Waxay sii waday akhriska, balse xaaladdeedu si lama filaan ah ayay isu beddeshay, ugu dambayntiina akhriskii way joojisay.

Haweenkii meesha joogay ayaa u gurmaday, halka qaar kalena ay Qur’aanka ka sii wadeen meeshii ay ku hakisay.

Aayadihii ay markaas maraysay waxay ahaayeen:

﴿أُولَٰئِكَ عَلَىٰ هُدًى مِّن رَّبِّهِمْ ۖ وَأُولَٰئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ﴾

“Kuwaasi waxay ku sugan yihiin hanuun ka yimid Rabbigood, waana kuwa liibaanay.”

Waxay nolosheeda ku qaadatay Qur’aanka—xifdin, barid iyo akhris—waxayna ku jirtay fadhiyada Qur’aanka ilaa dhammaadkii cimrigeeda.

Sheekadeedu waxay ina xusuusinaysaa macne weyn:

Qofku wuxuu ku noolaado waxa uu jecel yahay, raadkiisuna halkaas ayuu ka harayaa.

65 sano oo Qur’aan ah ma aha oo keliya sannado la tiriyey; waa sannado lagu xifdiyey, lagu baray, lagu akhriyey, laguna gaarsiiyey dad kale.

Ilaahay ha u naxariisto Xaajiya Tasliima, hana ka dhigo Qur’aankii ay xifdisay iyo cilmigii ay dadka bartay nuur iyo ajar u sii socda.

Rabiyoow Qur’aanka ka dhig wehelka nolosheenna, nuurka qalbiyadeenna, iyo hanuunka jidkeenna. Nagu arsaaq inaan xifdinno, fahanno, ku dhaqanno oo dadka kale kheyrkiisa gaarsiino.

Ilaahayow, nagu sug Qur’aanka inta aan noolnahay, qalbiyadeennana ku xidh Kitaabkaaga.

Xigasho......
Mid ka ah Warbaahinta Indonesia

Fariinta Qur’aanka 👍 Waxaa laga yaabaa inaadan waligaa ogaan..Waxaa dhacda inuu qof Qur’aanka u soo dhowaadoKeliya sabab...
26/09/2026

Fariinta Qur’aanka 👍

Waxaa laga yaabaa inaadan waligaa ogaan..

Waxaa dhacda inuu qof Qur’aanka u soo dhowaado

Keliya sababta oo ah wuxuu akhlaaqdaada ku arkay Qur’aan.

In laga yaabo inuu Qur’aanka jeclaado
keliya sababta oo ah wuxuu maqlay adigoo akhrinaya.

Waxaa laga yaabaa inaad akhrinaysay aayadaha…
adigoo aan ogeyn in qalbi meel kale jooga
uu aayadahaas la ooyayo.

Waxaa laga yaabaa inaad mooddo in codkaagu hawada ku lumay…
laakiin Alle ayaa og qalbiga uu gaadhay.

Haddaba, ha yaraysan akhlaaqdaada wanaagsan.
Ha yaraysan aayadda aad akhrido.
Ha yaraysan erayga wanaagsan ee aad tiraahdo.

Waxaa laga yaabaa in raad aad adigu hilmaanto…
uu qof kale Alle dartii weligiis u xasuusto.

Oo haddii Qur’aanku qalbigaaga qurxiyey…
u oggolow in quruxdaas ay qalbiyada kalena gaadho. 👍 saar oo sii share garee ❤️

25/09/2026

Waxaa laga hadal hayaa baraha bulshada ee kenya 30 dameer oo laga soo badbaadiyay kawaan ku yaalla Juja Farm, oo Gobol lagu magacaabo Kiambu ee Kenya

Booliiska ayaa weerar ku qaaday bakhaar ku yaalla waddada Juja Farm Road, halkaas oo ay ka heleen xoolahan oo loo hayay in la qalo.

Saraakiishii Baarayaasha ahaa ee soo qabtay waxay tuhunsan yihiin in hilibka loogu talagalay in loo sarfin rabey Nairobi, iyadoo hay’adaha ammaanku ay hadda baarayaan cidda ka dambaysay hawlgalkan iyo halka hilibka loo waday.

Dhowr kol oo h**e sidaan oo kale waay dhacday waxaana sidoo kale la qabtay,hilib dameer oo suuqa yaala oo la iibinayo.

Iska hubiya meesha aad hilibka ka gadaneeysaan iyo cidaad ka iibsaneeysaan.

Suuradda Al-Baqarah… Waa daawada nolosha, bogsiinta laabta, iyo barako aan dhammaad laheyn Suuradda Al-Baqarah marka ay ...
25/09/2026

Suuradda Al-Baqarah…

Waa daawada nolosha, bogsiinta laabta, iyo barako aan dhammaad laheyn

Suuradda Al-Baqarah marka ay guri gasho, waxay noqotaa sabab khayr iyo barako; marka ay qalbi degto, waxay ka qaaddaa murugada.

Marka addoonku ku dhegganaadana, waxay u furtaa albaabada tawfiiqda iyo khayrka meel uusan ka filayn.

Ma aha oo keliya suurad la akhriyo, balse waa Qur’aan qofka qalbigiisa xoojiya, naftiisana dejiya.

Waxyaabaha lagu sheegay fadligeeda iyo barakadeeda:

Barako iyo rizqi: Qofkii doonaya barako waqtigiisa, rizqigiisa, ehelkiisa iyo caafimaadkiisa, ha ka yeelo Suuradda Al-Baqarah qayb ka mid ah maalintiisa.

Nabiyullaahi Muxamed ﷺ wuxuu yiri:

Isagoo noo tilmaamaya waddooyinka dhibka iyo muragada looga baxo..

«اقْرَءُوا سُورَةَ الْبَقَرَةِ؛ فَإِنَّ أَخْذَهَا بَرَكَةٌ، وَتَرْكَهَا حَسْرَةٌ، وَلَا تَسْتَطِيعُهَا الْبَطَلَةُ»
Akhrista Suuradda Al-Baqarah, waayo qaadashadeedu waa barako, ka tagisteeduna waa qoomamo, saaxiriintuna ma awoodaan in ay kuusoo dhawaadaan.

Nabiyullaahi Muxamed ﷺ Sidoo kale wuxuu yiri:
Guryaha waxaa looga ilaaliyaa loogana difaacaa shaydaanka:

«لا تَجْعَلُوا بُيُوتَكُمْ مَقَابِرَ، إنَّ الشَّيْطَانَ يَنْفِرُ مِنَ البَيْتِ الَّذِي تُقْرَأُ
فِيهِ سُورَةُ البَقَرَةِ»

Guryihiinna ha ka dhigin qabriyo; shaydaanku wuu ka cararaa guriga lagu akhriyo Suuradda Al-Baqarah.

Qofkii habeenkii akhriya labada aayadood ee ugu dambeeya Suuradda Al-Baqarah, way ku filnaadaan.

Fadlan Ha sugin ilaa welwelku kugu cuslaado si aad u raadsato Suuradda Al-Baqarah.

Ka dhig Qur’aanka iyo Suuradda Al-Baqarah qayb joogto ah oo noloshaada ka mid ah.

Akhri subaxda ama habeenkii, kuna dadaal inaad qalbigaaga ku xirto Kitaabka Alle.

Rabiyow Qur’aanka ka yeel Saxiibkeena joogtada ah iyo nuurka laabtayada, rabiyoow nooga qaad murugada iyo welwelka. Aamiin.

Gacan ku dhiigle Netanyahu markuu qudbadiisii bilaabay waxaa la isagu daray buuq iyo in laga yaaco. Markii uu khudbaddii...
24/09/2026

Gacan ku dhiigle Netanyahu markuu qudbadiisii bilaabay waxaa la isagu daray buuq iyo in laga yaaco.

Markii uu khudbaddiisa soo gabagabeeyeyna kuraasta Qaramada Midoobay waxay ahaayeen kuwo faaruq ah waxaana isugu soo haray wafdiyada Maraykanka, Israa’iil, iyo wufuuda boqarada carabta,sida uu sheegay Kanaalka 12-aad ee Cibraaniga Israa’iil.

Rabiyoow qabriyadeenna ka yeel beer ka mid ah beeraha Jannada,Kana buuxi iftiin, nabad iyo xasillooni. Dambiyadeenna dha...
24/09/2026

Rabiyoow qabriyadeenna ka yeel beer ka mid ah beeraha Jannada,

Kana buuxi iftiin, nabad iyo xasillooni. Dambiyadeenna dhaaf, jidka toosanna nagu hanuuni.

Quluubteenana iimaanka ku sug oo ka buuxi, naguna soo kulmi Jannada dhamaan inta aan jecelnahay ee uu ugu h**eeyo xabbiibkeena Muxamed Scw Aamiin Aamiin Aamiin

Qudbadii hadal heynta ka abuurtay hurdadana ka kicisay kolaha lagu Gumeeysto inta itaalka daran ee qaramada midoobay iyo...
24/09/2026

Qudbadii hadal heynta ka abuurtay hurdadana ka kicisay kolaha lagu Gumeeysto inta itaalka daran ee qaramada midoobay iyo africada iska hurada.

Maantana aay Africanku isugu hambalyeeynayaan

Baraha Bulshada ee Kenya lagu falanqeynayo.

Waxaa halkaa ka jeediyay Madaxweynaha kenya William Ruto.

Qudbadii uu ka hadlay waay badnaayeen laakiin haddii aan si kooban usoo bandhigo.

Ruto wuxuu ku baaqay in Afrika loo sameeyo matalaad joogto ah oo caddaalad ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo tilmaamay in Afrika leedahay 54 dal, balse aysan lahayn kursi joogto ah.

Wuxuu madexweynuhu sidoo kale yiri, waa in sharciga caalamiga ah si isku mid ah loogu dabaqo dhammaan xaaladaha, isagoo sheegay in laba-wajiilenimada lagu dabaqo sharcigu ay dhaawacayso kalsoonida caalamka.

Deymaha iyo nidaamka maaliyadeed: Wuxuu dhaliilay kharashaadka sare ee dalalka soo koraya kaga baxa adeegga deymaha, wuxuuna ku baaqay in nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah dib loo habeeyo si uu uga noqdo mid caddaalad badan.

Fariintiisa ugu muhiimsaneyd ee khudbaddiisa ka mid ahayd waxay ahayd in Afrika aysan u imaan caalamka iyadoo wax baryaysa,

Balse ay la imaanayso kheyraad, dad dhallinyaro ah, beeraha, macdanta iyo tamarta la cusboonaysiin karo si ay uga qayb qaadato barwaaqada wadajirka ah.

Warshadaynta Afrika: Wuxuu tusaale u soo qaatay Kenya iyo qorshaha warshad sifaynta shidaalka ee Lamu, isagoo ku tilmaamay qayb ka mid ah dadaalka lagu kobcinayo warshadaynta iyo isku-filnaanshaha Afrika.

Marka si kooban loo dhigo: fariinta Ruto waxay ahayd in hay’adaha caalamiga ah la waafajiyo dunida maanta,

Afrika In la siiyo cod iyo matalaad ka badan, nidaamka maaliyadeedna dib loo habeeyo, Afrika-na loo arko lamaane awood leh oo wax ku biirin kara horumarka caalamka.

Qalbigaaga daallanow  wax yar dhegayso. Murugada aad maanta dareemayso ma aha wax qeexaya noloshaada oo dhan. Maalmaha w...
24/09/2026

Qalbigaaga daallanow wax yar dhegayso.

Murugada aad maanta dareemayso ma aha wax qeexaya noloshaada oo dhan.

Maalmaha way is beddelaan, xaaladuhuna mar walba isku mid ma aha.

Alle wuxuu yiri:

﴿ فَإِنَّ مَعَ الْعُسْرِ يُسْرًا ۝ إِنَّ مَعَ الْعُسْرِ يُسْرًا ﴾

Dhibka waxaa la socda fudayd. Runtii dhibka waxaa la socda fudayd.”
— Ash-Sharx: 5–6

Sidaas darteed, qalbi wanaagsanow, rajada ha sii dayn. Waxaa laga yaabaa in farxadu kuugu timaado qaab aadan filayn, ama in qalbigaaga loo furo xoog iyo degganaansho aad maanta u baahan tahay.

Haddii aad daasho, Rabbigaaga u noqo.

Haddii aad ooydo, hortiisa ku ooy.

Haddii aadan garanayn waxa aad samayso, ducada ku dhegganow.

Ha is odhan: “Wax walba waa iga dhammaadeen.”

Isku day inaad tiraahdo: “Alle ayaan u dhiibtay arrinkayga, waxaana rajaynayaa kheyrkiisa.

Waxaa laga yaabaa in maalmahan adag ay mar dambe kuu noqdaan xusuus aad ku tiraahdo:

“Alxamdulillaah, Rabbigay ayaan ku kalsoonaaday, wuuna ii fududeeyay wixii uu ii qoray.

Ha degdegin qalbigaagana u naxariiso.

Rajo ku hay Alle, samirna yeelo; naxariistiisu way ka weyn tahay waxa qalbigeennu qiyaasi karo.

Rabiyow marka Nafteennu daasho. Gacantaada nagu hay, qalbiyadeennana adkee, oo mar kasta nagu noo soo celi dhankaaga.

Rabbiyow, naga dhig kuwo dib u eega maalmahan adag iyagoo leh.

Ilaahayow, murugadayada farxad u beddel, ilmada dhoolla-caddayn noogu beddel, cabsideennana xasillooni noogu beddel, qalbiyadeennana ku beer rajo aan kaa go’in Amin.

Fadlan ka farxi walaalkaa ama walaashaa oo sii gudbi 👍

Ujeeddada ugu weyn uguna quruxda badan ee guurku waa wehel iyo is-dhexgal qalbiyeed,Caqli garab taagan caqli kale,Qalbi ...
23/09/2026

Ujeeddada ugu weyn uguna quruxda badan ee guurku waa wehel iyo is-dhexgal qalbiyeed,

Caqli garab taagan caqli kale,

Qalbi qalbi ku xiran,

Gacan ku bogsiisa marka aad dhaawacanto,

Ruux ku garab istaagta marka aad tabar-darraado

Iyo naf kuu keenta degganaan iyo xasillooni.

Rabiyoow intii heeysata Jaceylkaa usiyaadi.
Intaan heeysana sii oo dhexdooda kalgaceyl dhig
Intaan guursana guur barakeeysan sii Amiin

Address

1 Frisby Road
Leicester
LE50DB

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Safiirka Islaamka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Safiirka Islaamka:

Shortcuts

Featured

Share