Ururka fadereshinka dhalinyarada deg jarati

Ururka fadereshinka dhalinyarada deg jarati

Share

I like to be happy for every minite

07/05/2026

📢 OGAYSIIS MUHIIM AH 📢
Waxaa dhammaan bulshada degmada Jarati, taageerayaasha ciyaaraha iyo kooxaha ka qaybgalaya la ogeysiinayaa in uu si rasmi ah u furmi doono tartanka ciyaaraha kooxaha degmada Jarati maalinta Sabtida ah taariikhduna ku beegan tahay 1/9/2018 E.C oo bari dambe ah.
Tartankan ayaa noqon doona mid xiiso gaar ah leh, isla markaana lagu ciyaari doono habka Knockout (Neckout), iyadoo kooxdii laga badiyo ay si toos ah uga harto tartanka.
Waxaan rajaynaynaa in tartanku ku qabsoomo jawi wanaagsan oo ay ka muuqato:

Photos from Ururka fadereshinka dhalinyarada deg jarati's post 05/05/2026

DEG DEG: Ogaysiis dhamaan kooxaha sportiga degmada jarati waxaa la ogaysiinayaa bari 8:00 AM subaxnimo waxaa jira shir uu soo diyaariyay xafiiska dhalinyarada iyo ciyaaraha deg jarati.

Shirkaas waxuu ka dhici doonaa hoolka baarlamaanka degmada jarati sidaas darteed dhamaan kooxaha iyo gudiyada iyo kabtanada waa inay soo xaadiraan wakhtigaas loo cayimay.

Xafiiska dhalinyarada ciyaaaraha degmada jarati

19/03/2026

🌙✨ CIID MUBARAK ✨🌙

Ciid Mubarak dhamaan muslimiinta deegaanka, dalka iyo dunidaba.
Ku ciida caafimaad qab, llaahay ciiddan ciddeeda ha inagu gaadhsiiyo caafimaadqab iyo cibaado san.

Photos from Ururka fadereshinka dhalinyarada deg jarati's post 02/02/2026

Waxaa maanta qaabilaad iyo maamuus loo sameeyay Xulka Kubadda Cagta Degmada Jarati, kuwaas oo matalayay degmada kana qayb qaatay tartamada ciyaaraha gobolka.

Maamulka Degmada ayaa uga mahadcelinayaa ciyaartoyda, tababarayaasha iyo dhammaan intii gacan ka geysatay ka qaybgalka xulka, kuwaas oo muujiyay dadaal, anshax iyo wada-shaqayn wanaagsan.

sidoo kale maamulka Degmada waxuu xoojinayaa ahmiyadda ay dhalinyaradu u leeyihiin horumarka bulshada, iyada oo ciyaaruhu ay kaalin muuqata ka qaataan dhismaha maskaxda dhalinyarada, kobcinta is-dhexgalka, edbinta iyo ka fogaanshaha waxyaabaha lidka ku ah horumarka.

Ugu dambayn, Maamulka Degmada Jarati wuxuu mar walba diyaar u yahay dhiirrigelinta iyo taageeridda dhalinyarada, gaar ahaan dhinacyada isboortiga iyo ka qaybqaadashadooda hawlaha horumarineed ee degmada.

30/12/2025
Photos from Ururka fadereshinka dhalinyarada deg jarati's post 01/11/2025

bari ayuu si toosa u bilaaban doona 8 dhamaadka kooxa degmada jarati
tartanka kubada cagta oo ay ku tartamayeen 14 koox ayaa 8 koox u soo gudbay 8 dhamaadka tartanka .
-------------------------------------------------------------
Iftiin vs al-qamar
elextion by. vs. Alsa by
Elman. vs. mustaqbal
Horsed by. vs. al ahl

Photos from Ururka fadereshinka dhalinyarada deg jarati's post 21/10/2025

Teamkii samariidka ee qabalaha 01 ayaa booqasho ku sameyay xarumaha adeeg bixinta sida dugsiyada hoose dhaxe iyo sare ee jarati bay iyo xanaanada xoolaha 01
--------------------------------------------------------------------
Teamkan ayaa ukuur galay geedi socodka adeeg bixinta iyadoo xooga la saaray shaqo galka file systemka.

Photos from Ururka fadereshinka dhalinyarada deg jarati's post 21/10/2025

Teamkii samariidka ee uu hogaaminayay -aadan ayaa saaka booqday dugsiga hoose dhaxe ee weeb
----------------------------------------------------------------
Teamkan ayaa ukuur galay geedi socodka waxbarasho ee dugsiga hoose dhaxe ee weeb

Photos from Ururka fadereshinka dhalinyarada deg jarati's post 20/10/2025

Teamkii samariidka ee qabalaha 01 ayaa saaka olale nadaafadeed ka sameeyay dugsiga sare ee degmada jarati
---------------------------------------------------------------------
olalaha nadafada ayaa xooga lagu saarayay dabar goynta geedka garan waaga ah maadama la galay wakhti roobaad.

Photos from Ururka fadereshinka dhalinyarada deg jarati's post 20/10/2025

Hogaaminta deg jarati iyo madaxa arimaha xisbiga gobalka afdheer ayaa dhir beeris ka sameeyay dugsiga sare ee degmada jarati
------------------------------------------------------------------
Hogaminta gobalka iyo hogaminta degmada jarati oo uu hor kacayay gudomiyaha degmada jarati mudan -cabdulahi diiriye ayaa saaka dhir beeris ka sameyay dugsiga sare ee deg jarati.

Want your school to be the top-listed School/college in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Kaah Street
Jijiga