24/01/2026
450 arday oo bartay culuumta caafimaadka dhibloomaha ayaa maanta ka qalinjabiyay Kuliyada Caafimaadka Cali Dhadac ee magaalada Jigjiga.
Munaasabada qalinjabinta oo ah dufcada 18aad ee bartay xirfadaha caafimaadka kala duwan ee dhibloomaha oo ay ka qalinjabiyeen 450 arday oo isugu jira 190 lab iyo 260 dhadig ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiirka Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka DDS, masuuliyiinta kuliyada caafimaadka Cali Dhadac, qalinjabiyayaasha, waalidiinta ardayda, kooxaha fanka iyo suugaanta iyo martisharaf kale.
Wasiirka Xafiiska Shaqo-abuurka DDS Mudane Xuseen Gaydh Axmed iyo Maareeye kuxigeenka Kuliyada Caafimaadka Cali Dhadac Mudane Haaruun Xasan oo munaasabada ka hadlay ayaa ardaya maanta qalin badalatay ugu hambalyeeyay xirfada caafimaadka ay barteen looga fadhiyo in ay bulshada deegaanka ugu adeegaan si daacadnimo ku dheehan tahay, xirfadle kastana uu kasoo dhalaalo goobta lagu qoro.
Gabo'gabadii munaasabadan ayaa abaalmarino la gudoonsiiyay ardaydii ugu dhibcaha sareeyay ee kaalmaha isku xig xiga galay.
Hambalyo Hambalyo Hambalyo.
31/12/2025
waxaaan dhamaan ogaysiinaynaa ardaydii isdiwangalisay kuliyada caafimaadka ee imtixaankii entrance ga gashay islamarkana ku baastay in ay yimaadan bari aroorta 8:30AM kuliyada.
Madama uu jiro orientation tariikhduna tahay 01/01/2026 GC
31/12/2025
Ololeha Dhiig Shubista🩸
​Kuliyada Caafimaadka ee Cali Dhadac, iyadoo kaashanaysa Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed (SPA), waxay si xushmad leh ugu martiqaadaysaa dhammaan ardayda, shaqaalaha, iyo xubnaha kale ee bulshada kuliyada inay ka qaybqaataan ololaha dhiig shubista ee iskaa wax u qabso ah.
​Faahfaahinta Ololaha:
​Taariikhda: 1-da ilaa 2-da Janaayo 2026.
​Goobta: Gudaha Kuliyada Caafimaadka ee Cali Dhadac.
​Ujeeddada:
Ujeeddada ololahani waa in la taageero isbitaallada iyo bukaannada u baahan dhiig, lana yareeyo yaraanta dhiigga, isla markaana la dhiirrigeliyo dhaqanka bani-aadannimo iyo mas’uuliyadda bulsho.
​Dhammaan dadka caafimaadkoodu wanaagsan yahay waa lagu dhiirrigelinayaa inay ka qaybqaataan. Xirfadlayaal caafimaad ayaa joogi doona si ay u hubiyaan badbaadada iyo daryeelka deeq-bixiyeyaasha.
​"Hal mar oo aad dhiig bixiso waxay badbaadin kartaa nolol badan."
​
16/12/2025
Entrance Examination Notification
Dear Candidates,
This is to inform you that the Entrance Examination has been scheduled. You may now check your assigned examination rooms by visiting the link provided below.
https://t.me/jigjigaHealthScienceCollege
Please ensure you review the details carefully and arrive on time.
10/12/2025
Ogaysiis ogaysiis ogaysiis.
Waxa aanu dhammaan ardaydii Isdiiiwaan galisay waxbarashada Diploma Extension ee Sanad dugsiyeedka 2018 ku war-gelinaynaa in uu jiro imtixaankii Gelitaanka (Enterance Exam) Malinka Arbacada niska h**e, oo ay taariikhdu ku beegantay 17/12/2025 GC ama 08/04/2018 EC. Imtixaanka waxaa lagu galayaa Kulliyada.
Wixii faahfaahin ah ee intaa ka baxsan waxaad nagala soo xidhiidhi kartaan 0912266612
FG: Hadaba waxa la idinku wargelinayaa inaad wakhtiga ilaalisaan.
06/12/2025
Wareegga 3aad ee tababarka sanad-miisaaniyadeedka 2018 T.I ee hoggaaminta iskaashiga Xisbiga Barwaaqo ee kiliyada cafimadka jijiga aya ka bilaawday kuliyada.
Inta uu tababarku socdo waxaa lagu baran doonaa mowduucyo la xiriira aragtida dowladda ee ku dhisan fikirka wadajirka ah, beeraha iyo horumarinta reer miyiga, warshadaha, horumarinta magaalooyinka iyo magaaleynta, iyo dalxiiska.
Tababarkan oo halku-dhiggiisu yahay “Horumarka waaxaha kala duwan waa udub-dhexaadka koboca dhaqaale dalka.” ayaa diiradda saaraya xoojinta fahamka hoggaamineed, waxaana uu ka mid yahay tababarada joogtada ah ee xisbigu ku dhisayo garaadka iyo awoodda hoggaaminta.
10/11/2025
Ogaysiis ogaysiis ogaysiis.
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan ardayda dhamaysay fasalka 12aad ee sanad udanbeeyey in aan bilownay diiwaangelinta ardayda cusub ee doonaya inay ku biiraan Kuliyadda caafimaadka ee JIgjiga.
Diiwaangelintu waxay bilaaban doontaa 02 Hidar 2018 E.C waxayna socon doontaa ilaa 22 Hidar 2018 E.C.
Shuruudaha Looga baahanyay ardayga waxay ku cadyihiin warqada hoose.
28/09/2025
Ogaysiis
Waxa aanu dhammaan ardayda wax kabarata Ali Da'da Health Science College (Kulliyada Cafimaadka ee Ali Dhadac) Ogaysiinaynaa in ay ku soo xaroodaan kulliyada 22/01/2018 E.C oo ku began 02/10/2025 G.C.
FG: Haddaba waxa aanu marlabaad idinku wargelinaynaa inaad wakhtiga ilaalisan.
26/11/2024
Ogaysiis Ogaysiis Ogaysiis
Ogaysiis waxa la ogaysiinaya dhamaan ardaydii is diwaan gelisay waxbarsada Diplomada ee kuliyada cafimaadka inay imaadan maalinta barri ah Gelinka/Niska H**e oo ku beegan Arbaca 18 Hidar ama 27/November
FG: Hadaba waxaan Marlabaad idinku wargelinaynaa inaad wakhtiga ilaalisaan.
21/11/2024
Xukuumadda Deegaanka ayaa Kuliyadda Caafimaadka Jigjiga ugu magac dartay Cali Dhadac oo ahaa shaqsi bulshada magaalada Jigjiga maamuus ku dhex leh.
Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo Wasiirka Xafiiska Shaqo-abuurka ayaa daaha ka rogay magac-bixinta kuliyadda iyo dhismayaal lagusoo kordhiyay oo ka qayb'qaadan doona tayaynta iyo kobcinta adeegga waxbarashada kuliyadda caafimaadka ee Cali Dhadac.
Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in ay muhiim tahay marwalba xusuusashada dadkeenii mudnaa ee usoo halgamay jiritaanka ummad-nimo ee bulshada Deegaanka. Ujeeddadu waa in jiilasheena danbe iyo kuwa joogaba ay xasuusnaadaan cid walba oo dadkeena iyo deegaankeedaba wax tartay ayuu yidhi Madaxweynuhu.
" Magac-bixinta Cali Dhadac ee Kuliyadda 2 qoddob ayaa ka danbaysa; Ta koobaad waa inuu ahaa shaqsi Soomaali-nimo jecel, xili ay adkayd in magacaas lasoo haddal qaado, ta labaadna waa in uu ahaa shaqsi Diin jacayl ku suntan ilaa markii danbe uu arrimahaasi dartood dulmane unoqday", Mudane Mustafe Muxummed Cumar.
Qorshaha magac baddelka kuliyadda ayaa ah mid guud oo Xukuumadda Deegaanku ay qorshe uqaadatay si loo maamuuso oo loo sharfo halgamayaashii iyo shaqsiyaadkii hormuudka u ahaa bulshada ee kasoo qayb'qaatay:Ilaalinta diinta, dhaqanka, halganka, xoriyada, midnimada ummadda iyo horumarinteeda.
Ugu danbayn masuuliyiinta ayaa dhir-beeris ka sameeyay gudaha kuliyadda.
Ku Xidhnaaw kuliyada Caafimaadka ee Cali dhadac