18/04/2026
18 ,april 2026
Maalintii 1aad
Tababar ku saabsan Leadership iyo Time Management Skills ayaa loo qabtay ardayda, iyadoo ujeeddadu ahayd in kor loo qaado awooddooda hoggaamineed iyo maaraynta waqtiga si ay uga miro-dhalaan waxbarashada iyo noloshooda guud.
Intii uu socday tababarka, ardayda waxaa la baray muhiimadda hoggaaminta wanaagsan, sida loo noqdo qof leh aragti cad, karti go’aan qaadasho, iyo sida loo dhiirrigeliyo koox. Waxaa sidoo kale xoogga la saaray sifooyinka hoggaamiye wanaagsan sida masuuliyad qaadashada, isgaarsiinta wanaagsan, iyo la shaqeynta dadka kale si wadajir ah.
Dhanka kale, qaybta maaraynta waqtiga (time management), ardayda waxaa lagu tababaray sida loo qorsheeyo waqtigooda, loo kala hormariyo hawlaha muhiimka ah, loogana fogaado dib-u-dhaca (procrastination). Waxay barteen farsamooyin ay ka mid yihiin samaynta jadwal maalinle ah, dejinta yoolal cad, iyo sida loo isticmaalo waqtiga si wax ku ool ah.
Ugu dambayn, tababarku wuxuu ardayda siiyay xirfado muhiim ah oo ka caawin doona mustaqbalkooda waxbarasho iyo mid shaqo, iyagoo noqday kuwo leh kalsooni, qorsheyn wanaagsan, iyo hoggaan wax ku ool ah.
Mahadsanidiin.
Saleban Hajji