Fursadaha Dhalinyarada

Fursadaha Dhalinyarada The first Somali platform dedicated to connecting Somali youth with the latest life-changing opportunities! Since 2020.
(1)

Educational opportunities

📍Ugu dambeyn waxa lashaaciyey natiijada guulaystayaashii deeqda waxbarasho ee Türkiye Burslari. Haddii aad kamid ahayd c...
21/08/2026

📍Ugu dambeyn waxa lashaaciyey natiijada guulaystayaashii deeqda waxbarasho ee Türkiye Burslari. Haddii aad kamid ahayd codsadayaashii fadlan dib ufiiriya emaialdiina iyo akoonadiinii

Nasiib Wacan🫡

🚨Fursad Maalgalin🇪🇹,Ma tahay ganacsade dhalinyaro ah oo leh fikrad ganacsi oo cusub oo aad dhawaan bilaawday ama fikrad ...
20/08/2026

🚨Fursad Maalgalin🇪🇹,

Ma tahay ganacsade dhalinyaro ah oo leh fikrad ganacsi oo cusub oo aad dhawaan bilaawday ama fikrad ganacsi oo aad damacsan tahay in aad bilaawdo? Tani fursadda aad ku soo bandhigi karto fikraddaada ganacsi, taas ood ku heli karto taageero iyo talo ganacsi.

Fadlan si taxaddar leh u buuxi foomkan.
Kaliya codsadeyaasha shuruudahaaa buuxiya ee la soo xusho ayaa lala soo xidhiidhi doonaa. Insha Allaah.

⏰ Mudada Codsiga: Ilaa 27/08/2026
đź”— Halkan kacodso: https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLSdMRzeObxq4SMh8xSCmsMbbERLcC_JlHzHAkgTEq-kEiTITmw/viewform?usp=publish-editor
——————————————
Lawadaag saaxiibo badan, Sidokale kusoobiir kanaalka telegramka: https://t.me/Fursadaha_Dhalinyarada

🚨 Deeqda Waxbarasho Ee Chevening Scholarship UK🇬🇧!Chevening Scholarship UK waa mid kamida deeqaha waxbarasho ee ugu caan...
20/08/2026

🚨 Deeqda Waxbarasho Ee Chevening Scholarship UK🇬🇧!

Chevening Scholarship UK waa mid kamida deeqaha waxbarasho ee ugu caansan, uguna sumcada fiican, sidokale ugu nacfiga fiican marka lajoogo seeraha ardaynimo, Waana deeq waxbarasho oo ay bixiso dawlada wadankaasi United Kingdom🇬🇧.

Tirro qiyaastii dhan 1,500 arday ayaa si sanadle ah loo qaataa ama kuguulaysta deeqdan waxbarasho, kuwaasi oo kasoo tartama inkabadan +150 waddan oo ay kamid yihiin Somalia 🇸🇴, Ethiopia 🇪🇹, Kenya 🇰🇪 iyo Djabouti 🇩🇯. Deeqdan waxbarasho oo runtii ah mid tartan adag ayaa waxaa heerka labaad ee waraysiga [interview] u gudba qiyaastii 5,000 qof, waxaana ugu dambayn laga xushaa qiyaastii 1,500 qof.

Guulaystayaashu waxay fursad u helidoonaan deeq waxbarasho oo heerka labaad ee Master’ta ah [Master Degree Program] waxayna waxbarasho aqoon xirfad kudheehan tahay ka bilaabi doonaan jaamacadaha ku-yaala Carriga ingiriiska (United Kingdom-UK), waxayna durruustaasi kusoo afmeeraan mudo sannad gudaheed ah.

🔹FiiroGaara:

→ Dirsashada codsiga koowaad passportku muhiim maaha.
→ Ujeedka deedqan kaliya ma’aha sida arday baranaya waxbarasho ee waxa loodiyaariyaa sidii hogaamiye mustaqbal oo aragti fog leh.
→ Haddii aad heerka Master’ta h**ey u diyaarisay, markale waad codsan kartaa[balse waa inaad cadaysaa sababta aad markale u baranaysid].
→ Qoraaladaadu waa in ay noqdaan kuwo heersarre ah [Inaad ka soo xigato internetku waxa ay sababi-kartaa in codsigaagu diidmo lakulmo].
→ Dirsashada codsiga kadib waxad xidhiidh la samayn doontaa 3dii jaamacadood ee aad dooratay si aad uga hesho waraaqda aqbalaada jaamacada oo bilaa shardi ah [unconditional admission].
→Haysashada Shahaado luuqadeedka IELTS marka h**e muhiim maaha inaad haysato blse waa shardi kaa-hortaagan inaad hesho aqbalaada jaamacada ee [unconditional admission]. Blse waa diyaarin kartaa later on

🔹Shuruuda Codsadaha lagarabo:

→ Waa inaad kasoo-jeedo wadamada loo ogol yahay ee codsan-karro deeqdan sida: Somalia 🇸🇴, Ethiopia 🇪🇹, Kenya 🇰🇪 iyo Djabouti 🇩🇯.
→ Shahaadada heerka koowaad ee [Bachelor degree plus transcript]
→ Waa in aad leedahay ama haysataa ugu yaraan 2,800 saacadood oo waayo aragnimo shaqo ah [una dhiganta 2 sano khibrad ah].
→ Diyaarso jawaabahaaga essay’ga kuwaasoo kala ah:
•faahfaahinta aragtidaada hogaamineed iyo saamaynteeda togan, adiga oo tusaalaynaya dhibaatooyin aragtidadu soomartay iyo kartidaada hogaamineed qaabkay uxalisay (Leadership and Influencing Skills ).
•Hoggo-tusaalee sida u samaysatid saaxiibo, ugana faaiidaysatid, sida aad ugu horumarisid noloshaada, aqoontaada iyo shaqadaada [Networking skills].
•Waxa aad xaq-uleedahay doorshada sadex jaamacadood oo ku yaala jaamacadaha wadanka ingiriiska[UK] iyo doorashada mid walba kuliyada aad rabtid inaad ka dhigato! Sbbta aad ku dooratay iyo sida ay ula xidhiidho waayo aragnimadaadi h**e, shahaadadii h**e iyo hanka aad nolosha ka leedahay.
•Qorshahaaga waxbarashada master-ta ka dib marka aad ku soo laabatid wadankaaga, sida aad ugu anfaci doontid naftaada iyo wadankaagaba [Career plan].

🔹Faa’iidada Barnaamijkani koobsadey:

→ Guud ahaan waxa lagaa dabaraya qarashka waxbarashada, deegaanka, cunnada, caymiska caafimaadka, safarka iyo waliba lacag guno ah oo sijoogta ah laguu-siinayo bilkaste. Iyo waliba damaanada viisada oo ah 100%
→ Aqoon kuhabaysan hogaamiye mustaqbal fogleh.
→ Kamid noqoshada bahda qalinjabiyayasha ee Global Chevening Alumni network oo ay ku midaysan yihiin +5k

⏰Mudada codsiga: October 6, 2026.
đź”—Halkan kacodso: chevening.org/apply
đź”—Lifaaqan raac doorashada jaamacada iyo takhasuska: https://www.chevening.org/scholarships/find-a-course/
——————————————
Lawadaag saaxiibo badan, Sidokale kusoobiir kanaalka telegramka: https://t.me/Fursadaha_Dhalinyarada

19/08/2026

Dantaada adigaa iga-yaqaan !

19/08/2026

📍Isniin, habeenka talaadadu soogalayso waxanu qaban doonaa kulankenii xog-waranka ee ku saabsanaa deeqda waxbarasho ee Chevening Uk🇬🇧
Wuxu udhici doona qaab Oonleyn ah. iA

12/08/2026

📍Dhalinyarro,
Maanta ma ogtihiin iney tahay maalinkeenii “Maalinka Caalamiga Ee Dhalinyarada”

Maxay ahaan lahayd talada aad siin-lahayd dhalinyarada soomaaliyeed?

10/08/2026

📍Dhawaan waxaanu qaban doonaa kulan xog-waran ah oo aanu kaga hadli doono
sida loo codsado deeqda waxbarasho ee UK🇬🇧(Chevening scholarship)
Waxa marti inogu-noqon doona dhalinyarro h**ey ugu guuleystey

🚨 Gudaha Jaamacada Jigjiga🇪🇹,Maanta oo ay taariikhdu tahay August 10’ ah waxa sitoos ah u furmey qabashada codsiyada boo...
10/08/2026

🚨 Gudaha Jaamacada Jigjiga🇪🇹,

Maanta oo ay taariikhdu tahay August 10’ ah waxa sitoos ah u furmey qabashada codsiyada boosas shaqo oo ee Shirkada Duulimaadka Itoobiya si sanadle ah u qaadato tiro-shaqodoon ah kuwaasoo lagasoo kala xusho guud ahaan dalka.

Boosaska shaqo ayaa kala ah:
1. CABIN CREW
2. AMT

🔹Dhocumentska larabbo qofka codsanaya Cabin Crew:

1. Da’ahaan jirra 21 ilaa 30 jir
2. Waa in aad haysataa shahaadada 12aad, ama cadeynta natiijada: dhibcaheeduna yahay ugu yaraan 200 iyo wixi ka sareeya.
3. Dhererka:
• Dumarka: Ugu yaraan 1.58 mitir, isla markaana gacanta marka la fidiyo ay gaarto 212 cm.
• Ragga: Ugu yaraan 1.70 mitir.
4. Waa in heerka luuqadaada ingiriisigu fiican tahy ilaa heerka 3aad, Haddii aad taqaan luuqado kale waa kuu-fursad !
5. Cadeynta deganaanshaha iyo mida da’da

🔹FiiroGaara:
• diwaangalintu waxay socon doontaa inta u dhaxaysa: August 10-14, 2026.
• Fursadan shaqo ayaa ah mid sanadkiiba hal-jeer tiro dhalinyaro ah laga qaato guud ahaan deegaanada dalka.
• Wixii faahfaahina we intaa dheer booqo goobta codsiyada lagu qabanyo e gudaha jaamacada jijiga.

Aynu gaadhsiino saaxiibo-badan !
Sidokale kusoobiir kanaalka telegramka: https://t.me/Fursadaha_Dhalinyarada

09/08/2026

📍Maalinka berri ah waxa toos u furmaya qabashada codsiyada boosaskii shaqo ee Ethiopian Airline. Waxa codsiyada lagu qabanayaa gudaha Jaamacada Jijiga !

Nasiib Wacan🫡

📍Hambalyo,Waa mid-kamida dhalinyaradii cadsatey barnaamijkii bandhiga dhalinyarada aduunka oo ay isugu imaan doonaan ink...
08/08/2026

📍Hambalyo,
Waa mid-kamida dhalinyaradii cadsatey barnaamijkii bandhiga dhalinyarada aduunka oo ay isugu imaan doonaan inkabadan 10kun oo dhalinyaro ah. Bilo-kahor baa barteenan ku baahinay, ugu dambeyn isaga iyo dhalinyaro kale oo dhawr ah baa nalasoo wadaagay in codsigoodii la aqbalay !

Guulaysta🫡

Address

Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Fursadaha Dhalinyarada posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Fursadaha Dhalinyarada:

Shortcuts

Share