Waaberi College

Waaberi College

Share

Our Difference is quality

19/03/2026

EID WANAGSAN

Photos from Waaberi College's post 16/03/2026

Abaal marino 🎁

Ugu dambayn, ardaydu waxay guddoonsiiyeen abaal-marinno xubno ka tirsan kuliyadda, iyagoo ku maamuusay dadaalka iyo kaalinta muuqata ee ay ka qaateen howlaha iyo taageerada ardayda. Hadiyaddan muhiimka ah ayaa ahayd astaan muujinaysa mahadnaq, ixtiraam, iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya ardayda iyo kuliyadda.

Photos from Waaberi College's post 16/03/2026

Kuliyadda Waberi iyo East Africa College waxaa si wadajir ah uga qabsoomay Afur Wadareed ay ka soo qeyb galeen ardayda, macallimiinta, iyo maamulka kuliyadda.

Munaasabaddan oo ku dhacday jawi midnimo, xushmad iyo wadajir ah oo xoojisay xiriirka iyo isdhexgalka ka dhaxeeya bahda kuliyadda, iyadoo lagu muujiyey qiimaha wadajirka inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan.

Maamulka kuliyadda waxay si gaar ah ugu mahadcelinayaan ardayda kuliyadda oo si buuxda u qabtay qaban-qaabada iyo diyaarinta afur wadareedkan, kuwaas oo door weyn ka qaatay hirgelinta munaasabaddan qiimaha leh.

β€” Maamulka Kuliyadda

Photos from Waaberi College's post 10/03/2026

πŸ”¬ Ardayda Laboratory Level III – Batch 2018 ayaa si firfircoon uga qayb qaadanaya Practical Assessment ee Solution Course, iyagoo muujinaya xirfad, feejignaan, iyo faham dhab ah oo ku saabsan shaqada shaybaarka.

Tababarkan wax-ku-oolka ah wuxuu xoojinayaa aqoonta ardayda, wuxuuna u diyaarinayaa inay noqdaan xirfadlayaal caafimaad oo leh karti iyo kalsooni shaqo.

Photos from Waaberi College's post 07/03/2026

WABERI COLLEGE

Waxaan si rasmi ah u soo gabagabaynay tartankii ardayda ee Ramadan Cup, oo ay ku tartamayeen ardayda ka kala socotay qaybaha kala duwan ee kuliyadda, gaar ahaan Midwifery iyo Clinical Nurse.

Tartankan oo socday muddadii bisha barakaysan ee Ramadan, wuxuu ahaa mid kor u qaaday iskaashiga, xirfadaha, iyo wadajirka ardayda, iyadoo ay ka muuqdeen dadaal iyo dhiranaan wayn.

Ugu dambayn, labadii group ee ku guulaystay tartanka ayaa si sharaf leh u casuumay dhammaan group-yadii ay la tartameen, maamulka kuliyadda, iyo macallimiintooda. Waxa ay u diyaariyeen afur wadareed aad u qurux badan, taas oo muujisay midnimo, isqadarin, walaaltinimo ee ka dhex jira ardayda macalimiinta iyo maamulka kuliyaddaba.

Maamulka Waberi College wuxuu u mahadcelinayaa dhammaan ardaydii ka qayb qaadatay tartanka, iyo sidoo kale ardaydii soo qabanqaabisay afurka wadajirka ah.

Waberi College β€” Building Knowledge, Skills, and Professionalism. Ramadan krim πŸŒ™

Photos from Waaberi College's post 26/02/2026

Ramadan Cup 2026 – Waberi College

Ardayda Midwifery iyo Clinical Nursing ayaa ka qaybgalay tartanka Ramadan Cup 2026, kaas oo kor u qaadaya tayada xirfadeed iyo iskaashiga kooxeed. πŸ†

Tartanku wuxuu dhiirrigelinayaa horumarinta xirfadaha iyo is-dhexgalka bulshada ee ardayda mustaqbalka caafimaadka.

23/02/2026

OGAYSIIN

Waxaa lagu wargelinayaa bulshada Degmada Aware in si rasmi ah looga furay Waberi College, oo bixisa xirfadaha Caafimaadka iyo Social-ka.

Qorshaha kuliyaddu waa inay waxbarashada xirfadeed gaarsiiso deegaan kasta oo u baahan, iyagoo ardaydu waxbarashadooda ku qaadanaya halkaas, si aanay ugu baahanin inay u safraan magaalooyin kale.

Diiwaangelintu way socotaa.

Photos from Waaberi College's post 18/02/2026

Hambalyo Bisha Barakaysan ee Ramadan πŸŒ™

Maamulka iyo Macalimiinta Waberi College waxay ummadda Muslimka ah meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyaynayaan soo galitaanka bisha barakaysan ee Ramadan.

Ramadan waa bil cibaado, samir, is-cafis iyo is-garab istaag. Waa xilli qof walba uu dib isu xisaabiyo, wanaagga kordhiyo, qalbigana nadiifiyo.

Ilaahay ha naga aqbalo soonka, salaadda, ducada iyo dhammaan camalka suuban. Ha inaga dhigo kuwii ka faa’iidaysta fadliga iyo kheyrka ku jira bishan qiimaha badan.

Ramadan Mubarak πŸŒ™

17/02/2026

Ramadan Mubarak πŸŒ™ dhaman umada muslimka ah

Photos from Waaberi College's post 17/02/2026

Ardayda *Clinical Nurse level IV* ,ayaa waxay qaateen casharkoodii , demonstration ka ahaa

,kaas oo daarnaa habka loo ,ilaaliyo (sterile) ka iyo walibana habka xidhashada, Gloves ka iyo Gown, ka

xiliga intra Operative ka lagu gudo jiro, kaas oo , ay ardaydu fahan buuxda ka qaateen

Waxaana u wada macalin Aidarus Abdi, oo kamid ah macalimiiinta waaberi collage ahna macalin khibrad badan u leh waaxda (OR)

Ardayda Clinical Nurse level IV waxaan leenahay halkaa kasii wada dadaalkiina.

Photos from Waaberi College's post 11/02/2026

Waxaa la soo afmeeray tartankii Waaxda Clinical Nursing and Midwifery – Section B, tartan qiimo iyo ahmiyad weyn u lahaa kobcinta aqoonta, xirfadda iyo wada shaqeynta ardayda.

Tartanku waa hannaan waxbarasho oo kor u qaada aqoonta iyo fahamka maadada, isla markaana dhiirrigeliya dadaal iyo diyaargarow joogto ah. Wuxuu xoojiyaa kalsoonida ardayga, dhisaa hoggaan iyo mas’uuliyad, kana abuuraa jawi wada shaqeyn iyo isku duubni. Sidoo kale, wuxuu kobciyaa tartan caafimaad leh iyo is ixtiraam, soo saaraa karti qarsoon iyo hal-abuurnimo, isla markaana ardayda u diyaariya mustaqbal shaqo iyo horumar joogto ah.

πŸ† Hambalyo Group 4

Waxaad muujiseen dadaal muuqda, karti sare, iyo isku duubni dhab ah. Guushiinnu waa mid ka dhalatay shaqo adag, diyaargarow iyo wadajir.

Waxaad tusaale u tihiin dhammaan ardayda kale, waxaadna caddeyseen in guushu raacdo kuwa dadaala oo is aamina.

Sidoo kale, kooxihii kale ee ka qayb galay tartanka, waad ku mahadsan tihiin ka qaybgalka iyo tartanka quruxda badan. Guul iyo guul-darro labaduba waa qayb ka mid ah horumarka.

Waaxda Clinical Nursing and Midwifery waxay ku faanaysaa arday firfircoon oo himilo sare leh.
Halkaan haka sii socoto dadaalka iyo horumarku. πŸ‘

Photos from Waaberi College's post 08/02/2026

Xaflada caleema sarka Gudomiyaha kuliyada

Want your school to be the top-listed School/college in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Jijiga