Xaqiiqdu waxay tahay inuu wakhtigu soconayo, xitaa haddii aanad adigu ka faa‘idaysan. Haa, wakhtigu wuu soconayaa, xitaa haddii aanad qiimihiisa ku baraarugsanayn. Wakhtigu wuu soconayaa, haddii aad seexato iyo haddii aad soo jeedo labadaba. Kuma sugayo, haddii aad dhalinyar tahay iyo haddii aad waayeel tahayba. Wakhtigu waa noloshaada. Inaad ka faa‘idaysato iyo inaad raadiso meel aad ku lumiso, ogow dookheeda adigaa iska leh.
Mohamed Faisal
Bokolmanyo district student's research foundation
Boggani waxaa loogu talagalay in dhinac kasta loogu hormariyo ardayda degmada bk,adeegyada kala duwa
10/10/2023
Ma og tahay inay jiraan dad aan awoodin inay wax dhadhamiyaan, maadaama ay xannuusanayaan?
Ma og tahay inay jiraan dad aan cuni karin cunto kasta oo ay jeclaadaan, maadaama ay xannuusanayaan?
Ma og tahay inay jiraan dad aan xor u ahayn sidaada oo kale, maadaama ay xabsiyo ku jiraan?
Ma og tahay inay jiraan dad aan lugahooda ku socon karin, maadaama ay lugaha curyaan ka yihiin ?
Ma og tahay inay jiraan dad xasaasiyad ku qaba waxyaabaha qaar, maadaama ay la nool yihiin xannuuno?
Ma og tahay inay jiraan dad geeriyooday, oo aan dib usoo laaban doonin?
Ma og tahay inay jirin dad aan akhrin karin qoraalkan, maadaama aannay indho qabin?
Ma og tahay inay jiraan dad tiro badan oo aan nabad ku seexanayn, maadaama ay daggaalo ka jiraan meelaha ay ku nool yihiin?
Haddaba,
adigoo og dhamaanba inay xaaladahani jiraan, oo aad dhamaanba ka nasiib wanaagsan tahay dadkan, maxaad uga cabanaysaa noloshaada? maxaad ugu samri la’adahay xilliyada adag ee kusoo maraya? Maxaad u nacaysaa qof kale sabab la’aan? Maxaad u dulminaysaa qof kale ujeedo la’aan? Maxaa kaa qaaday farxadii, ee aad uga wer-weraysaa wax aan gacanta kuugu jirin? Bal ka yara fikir arrimahan.
Is-xisaabi intaan lagu xisaabin!
xigasho:- Mohamed Faisal
09/10/2023
NATIIJADA IMTIXAANKA FASALKA 12AAD SANAD-DUGSIYEEDKA 2015KA T.I , LINKIGAAN KUDUL DHUFO KADIBNA KA EEGO DHIBCAHAAGA https://eaes.edu.et/
FIIRO GAAR AH:- haddii aad isticmaalin internetka udir messeage lambarkan 6284,natiijadaadana fariin ahaan ayay kugu soo gaareysaa ,waana inay lacag aad messageka kudirto kuugu jirtaa taleefanka. ILAAHAY HA IDINKU ASTURO INSHAA ALLAAH
11/04/2023
عَنْ عَائِشَةَ قَالَتْ قُلْتُ يَا رَسُولَ اللَّهِ أَرَأَيْتَ إِنْ عَلِمْتُ أَيُّ لَيْلَةٍ لَيْلَةُ الْقَدْرِ مَا أَقُولُ فِيهَا قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قُولِي اللَّهُمَّ إِنَّكَ عُفُوٌّ تُحِبُّ الْعَفْوَ فَاعْفُ عَنِّي
3513 سنن الترمذي كتاب الدعوات باب منه
247 المحدث النووي خلاصة حكم المحدث إسناده صحيح في الأذكار
HALKAN KA EEGO NATIIJADA IMTIXAANKA FASALKA 12AAD
KUDUL-DHUFO LINKIIGAN https://eaes.edu.et
ALLAHA KUGU ASTURO INSHAA ALLAAH
16/05/2022
16/05/2022
Waddanka Denmarka waxaa jira maktabado aad ka amaahan karto qof halkii aad ka qaadan lahayd buug si aad u dhageysato taariikh nololeedkooda muddo 30 daqiiqo ah, ujeedadu waa in lala dagaallamo nacaybka. Qof kastaa wuxuu leeyahay ciwaan ,shaqo la'aan, qaxooti, bipolarka iwm.
Laakin marka aad sheekadooda dhegeysato waxa aad garanaysaa in aadaan buug ku qiimayn Karin jaldigiisa. Mashruucan hal-abuurka leh waxa uu ka shaqeeyaa in ka badan 85 waddan. waxa loo yaqaan maktabadda aadanaha.
07/11/2021
Guud ahaan ardayda dds ee ufadhiisanaysa imtixaanka fasalka 12aad barrito 29/2/2014 t.i
idimka alle ilaahay ha idiin fududeeyo imtixaanka.
25/10/2021
Ixtiraam macallimiintaada; ma ogid inta dadaal ah ee ay noo geliyeen inay naga dhigaan dad.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Website
Address
Komata
Jijiga