21/10/2023
Kulan wacyi-gallin ah oo aanu maanta u qabanay ardayda Dugsiga ayaa waxaa nagu wehelinayey Haa'yadda Caafimaadka Adduun-ka ' WHO '.
Kulankan ardayda ayaa muhiimadiisu ay ahayd ka hortaga xanuun-ka DAACUUN-KA iyo sidii la iskaga ilaalin lahaa.
21/10/2023
Waxaan maanta 30 Ardayda dugsiga ah u qaybinay Agabka waxbarashada kuwaasi oo iskugu jira 12 Buuggaag ah oo Ardaykastaaba helay 30 ka Arday iyo Boorsooyinka Buuggaagta lagu qaato.
Deeqdani ayaanu ka helnay Liiga Haweenka Xisbiga Barwaaaqo ee Heer Deegaan.
16/10/2023
Asc Saaka oo ahayd subaxnimo isniina waxaanu wacyi-galin u qabanay Ardayda Fasaladda 5aad ilaa 8aad kuwaasi oo aanu ku wacyigalinay inay ilaaliyaan habsami usocodka waxbarashada iyo saacadaha waxbarashada.
waxaan sidoo kale halkan fariin uga diraynaa guud ahaan Waalidka Ardayda dhigata Dugsiga Wiil-waal waxaanan leenahay Waalid kasta ubadkiisa xili h**e ha usoo diro waxbarashada si ay saacadaha galista dugsiga u dhawraan ardaydu.
10/10/2023
Asalaama Calaykum
kani waa page ka rasmiga ah ee Dugsiga Wiil-waal fadlan kuso biir, Asxaabtaadana la wadaag mahadsanidin.