28/09/2025
Kooxda Abaabulka waxbarashada & dib-ufurista Dugsiyada sanad-dugsiyeedka 2018.TTI
Ee gobolka nogob
_________________________________________
Kooxda abaabulka waxbarashada
Ayaa maanta kulan balaadhan layeelatay qaybaha kala duwan ee bulshada dagmada cayuun
Kulankan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Hogaaminta ugu saraysa dagmada Cayuun & Sidoo kale bulshada qaybaheeda kala duwan sida
Odoyaasha
Hooyooyinka
Dhalinyarada
Culumaa'udiinka
& Gudiyada waalidiinta
Ujeedka Kulankan ayaa ahaa
Abaabulka waxbarashada & dib ufurista dugsiyada
Waxuuna ahaa kulan muhiim ah oo si faah-faahsan loogaga wada hadlay ahmiyada Waxbarashada & doorka muhiimka ah ee bulshada & waalidiinta looga baahanyahay
Gabagabadii xubnaha kasocday xafiiska Waxbarashada DDS & isku-duwaha waxbarashada Gobolka nogob
Ayaa waxa ay oogu baaqeen bulshada dagmada Cayuun ee ay maanta layeesheen kulankan
(1) in uu dhamaaday xiligii diwaangalintu
Lana bilaabay waxbarashadii
Sidaas daraadeed hadii ay jirto caruur ilaa iyo hada aan lakeenin dugsiyada
Waalidiintu in dugsiyada ay ukeenaan
Sida ugu dhakhsaha badan
(2) waalidiinta iyo dadka waa wayn laftooduu inta aan waxbaranin
in ay yimaadaan iskana soo diwaangaliyaan Xarumaha waxbarashada dadka waawayn
(Adult Education)
halkaas oo ay sheegeen in ay diyaar oogu yihiin barayaashii wax idin bari lahaa
(3) in lakeeno goobaha waxbarashada caruurta Baahida gaarka ah qabta (Special need) maadaamo xaq uleeyihiin in ay helaan waxbarasho
(4) in bulsho ahaan kor loo qaado doorka Lahaanshaha wax muuqdana lagu darsado Dugsiyadeena waxbarasho
(5) waalidiintu ubadkooda in ay kusameeyaan Dabagal joogta ah & kawarhayn Waxbarashadoodana ogaadaan
Sidoo kale k/s gudoomiyaha dagmada cayuun Ahna madaxa Arimaha xixbiga
Mudane:-Nur Abdulahi haji oo kulankan shir-gudoominayay
iyo madaxa xafiiska waxbarashada dagmada Cayuun Mudane: Maxamed mukhtaa
Ayaa dhankooda balanqaaday inay hogaamin Ahaan qaadanayaan doorka kaga aadan abaabulka Waxbarashada sidoo kalana ay soo xaraynayaan Ardayda cusub ee dada waxbarasho gaadhay & kuwii h**e ee fasaxa kujiray
Labada masuul ayaa bulshada kula dardaarmay
in waalidiinta looga baahanyahay dabagal joogta ah & kawarhaynta waxbarashada ubadkooda caruurta dada waxbarasho gaadhayna ay keenaan dugsiyada
Gabagabadii
Dhankooda waxgaradka bulshada dagmada Cayuun iyo gudiyada waalidiinta
Ayaa waxa ay si buuxda 100%
Ay ubalanqaadeen inay diyaar uyihiin doorkoodana Ay kaqaadanayaan waxbarashada
Dhamaanba qodobada lagala hadlay ama loosoo jeediyayna ay yihiin danakooda & mustaqbalka Ubadkooda taasoo bulshadu ay si wadajir ah Gacanta oogu taagtay
✍️Kuxidhnaw page-ka
Xafiiska waxbarashada Goboka Nogob