20/06/2026
Qabridahare: 1,529 arday oo baranayay xirfadaha kala duwan ayaa ka qalinjabiyay Kulliyadda Xirfadaha Kala Duwan ee Qabridahar
Xafladdan qalinjabinta oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo ahayd dufcadii 9aad ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiir kuxigeenka Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka DDS Marwo Hibo Axmed, Maareeyaha kulliyadda xirfadaha kala duwan ee Qabridahar Mudane C/qaadir Maxamed Cali, guddoomiyaha gobolka Qoraxay Mudane Shaafi Muxumed Cabdi, Duqa Maamulka Magaalada Qabridahar Eng. C/risaaq Cawil Muxumed, guddoomiyaha degmada Qabridahar Mudane Maxamed Yuusuf, maareeye kuxigeenada kulliyadaha, masuuliyiin kale, odayaasha dhaqanka, macalimiinta, waalidiinta ardayda iyo marti-sharaf kale.
Masuuliyiintii kasoo qaybgalay xaflada ayaa ardayda u jeediyay hadalo dhiirrigalin iyo bogaadin isugu jira, iyagoo hambalyo u diray qalinjabiyeyaasha oo tilmaamay inay ardaydu muujiyeen dadaal iyo dulqaad intii ay ku jireen barashada xirfadaha waxayna sidoo kale ku boorriyeen in xirfadahan ay barteen si ugu haboon bulshada ugu adeegaan maadaama gobolka Qoraxay uu hodan ku yahay fursado u baahan xirfadlayaal aqoon leh.
Ugu dambayntii, munaasabadda waxaa lagu abaalmariyay macalimiintii iyo shaqaalihii dadaalka muujiyay iyo sidoo kale ardaydii hormuudka ka noqotay waxbarashada ee kaalmaha kala duwan galay.