23/07/2026
Waligay xitaa kuma fikirin qof qaabkan wax uciqaabaya ayaad arkaysaa. Waa dhacdo aan laga aamusi karin.
Ilmo yar ayey leedahay Carabkaaga soo saar kadibna sixooggan bey afka isugu dhufanaysaa. Ilmahaasi wuxuu khatar ugu jiraa in Carabku go'o Subxanallaah.
Runtii Guryaha Soomaalida Dulmi baa buux dhaafiyey, ciqaabta noocan ah waa mid Ilmahaas khatar ugelinaysa in Carabku go'o ama dhibaato xooggani kasoo gaarto Ilkaha iyo Afka.
Meesha dhacdadan ka dhacday waa Gudaha Somalia wallow aan weli la xaqiijin magaalada ay tahay. Ilama aha in ay Hooyadiis tahay waayo Hooyo naxariis ayey leedahay oo marna bahalnimadaas Ubadkeeda kulama kacdeen.
Wiilkaa yari badbaado ayuu rabaa.