Xafiiska Waxbarashada Dagmada Qooxle

Xafiiska Waxbarashada Dagmada Qooxle

Share

Hormar

Photos from Xafiiska Waxbarashada Dagmada Qooxle's post 19/11/2025

Dugsiga Hoose Dhexe Qooxle Iyo Dugsiga Sare Qooxle Ee Degmada Qooxle

............................................................................

Waxaan saaka oogu tagnay taakulayn iyo ogaanshaha geedi socodkooda baris barasho ee labada dugsi

Photos from Xafiiska Waxbarashada Dagmada Qooxle's post 17/11/2025

Dugsiga Hoose Dhexe Iyo Dugsiga Sare Ee Dharaye Ee Degmada Qooxle

Waxaan saaka oogu tagnay taakulaynta labada dugsi iyo ogaanshaha geedi socodkooda baris barasho

Photos from Xafiiska Waxbarashada Dagmada Qooxle's post 31/10/2025

Waxaa saaka Oo ay Taariikhdu Tahay 21/2/2018ec maalin jumca ah

Aan ku Wareejinay Dugsiga Sare Qooxle ee Degmada Qooxle
Maamulaha cusub ee dugsiga
Bashiir Sheekh Cabdi

wuxuuna kala wareegay Maamulihi h**e ee dugsiga Abdulahi Omar

Waxaan Maamulaha cusub U rajaynaynaa
in uu alle ku asturo masuuliyada loo igmaday

Mahadsanidiin

Photos from Xafiiska Waxbarashada Dagmada Qooxle's post 18/07/2025

Xaflada Xidhitaanka Dugsiyada Degmada Qooxle ee sanad dugsiyeedka 2017ec
........................................................................

Waxaa saaka ka qabsoomay hoolka baarlamaanka ee degmada qooxle
Xaflada xidhitaanka labada dugsi ee magaalada ee dugsiga hoose dhexe iyo dugsiga sare ee degmada qooxle

Xafladaas oo uu soo diyaariyay xafiiska waxbarashada degmada qooxle
Ayaa waxay u qabsoontay si heer sare ah waxaana lagu abaalmariyay

ardaydii kaalmaha gashay ee labada dugsi
Waalidkii oogu firfircoonaa sanadkan 2017
Barayaashii labada dugsi ee oogu shaqada badnaa ooguna firfircoona

Waxaa kale oo xaflada lagu dhaxqabtay ruwaad waalidka 20 ka mid ah bakhti nasiib loogu dhigay
Oo qofkasta uu lambar qabsan lambarka bakhshadiisa waxa ku jirana lagu wareejinayo

Xafladan oo ah xafladii 1aad ee degmada sidan ooga qabsoonto ayaa waxaa furay oo goobjoog ka ahaa oo abaalmarinta ardayda,waalidka,barayaasha si wadajir ah u gudoonsiiyay

Gudoomiyaha degmada qooxle
Mudane Bashiir siyaad cali
Madaxa armiha xisbiga
Mudane cawaale yuusuf
Madaxa arimaha siyaasada
Mudane mahad ahmed colhaye
Madaxa xafiiska waxbarashada degmada
Mudane mahamed cabdi cabdulahi
Madaxa xafiiska arimaha dumarka
Marwo Ardo sheekh cabdi

Intaas ka dib waxaa xaflada soo xidhay oo bulshada,ardayada, iyo macalimiintaba la dardaarmay gudoomiyaha degmada

Mahadsanidiin

Photos from Xafiiska Waxbarashada Dagmada Qooxle's post 05/05/2025

Tiimka abaabulka iyo wacyigalinta waxbarashada ee degmada qooxle

Waxaa 4ta santar ee Kala ah muldhato,dharaaye,haardheer,iyo sideetaale soo maray tiimkan

Tiimkaas oo ay hogaaminayeen
Madaxa armaha siyaasada ee degmada iyo madaxa xafiiska waxbarashada degmada

Tiimka oo la soo kulmay bulshada 4taa santar ayaa kala soo hadlay Qodobadan
1. Isku xidhka bushada iyo dugsiyada
2. Soo celinta ardayda looxtuurka ah
3. Cashirada kabista ah ee fasalada 6aadka iyo 8aadka
4. Dhisida guddi abaabulka waxbarashada ka shaqeeya

Oogu danbayntii tiimkan ayaa waxay la soo kulmeen maamulka santaradaa iyo maamulka dugsiyadaa iyada oo la Isla qaatay jihooyin cusub oo wax ka badalaya nidaamka waxbarashada ee degmada

Photos from Xafiiska Waxbarashada Dagmada Qooxle's post 18/02/2025

Waxaan maanta qabanay
Xafladi furitaanka simistarka 2aad
Iyo abaalmarinta xubnihii galay kaalmaha ee imtaxaamka teeramka 1aad

Waxaana abaalmarinay 3da kaalmood ee oogu sareeyay
Anshaxa,nadafada,iyo 4ta fasal ee dugsiga fasal walba ardaygii oogu firfircoonaa dhanka raacashada iyo lasocoshada macalimiinta

Dugsiga sare ee Degmada Qooxle

Waxaana xaflada noo furay ardaydana abaalmarinta Nala gudoonsiiyay
Gudoomiyaha Degmada Qooxle
Mudane:Bashiir siyaad cali
Waxaana ka soo qaybgalay waalidka,bahwadaagta,kormeerayaasha xafiiska,gudiga u.w.m.i.a

Waxaana goobta lagu dhiirigaliyay dhamaan ardayda abaalmarinta heshay
Waxaana lagudoonsiiyay wixii loogu talagalay

Mahadsanidiin 🙏

27/09/2024

Waxaa Dugsiga hoose dhexe qooxle
Soo gaadhay tabletki uu usoo dhiibay
Xafiiska Waxbarashada DDS

Waxaana lagu wareejiyay maamulaha dugsiga

Masha allah dugsiga aad ayuu oogu baahnaa xili fiicana wuu soo gaadhay
Dugsigana wax badan ayuu ka badali doonaa kaydinta xogta iyo dirista xogaha guud ee dugsiga

27/08/2024

OGAYSIIS OGAYSIIS OGAYSIIS

Waxaa dhamaan bulshada ku nool guud ahaan degmada qooxle la ogaysiinayaa in maalinta barito ah oo ah arboco taariikhduna tahay 22/12/2016ec ay bilaabanayso diwaangalinta sanad dugsiyeedka cusub ee 2017ec
Waxayna socon doontaa 22/12/2016ilaa iyo 5/13/2016ec

Waxaan bulshada kula dardaarmaynaa in ay dugsiyada geeyaan ubadkooda ayna ka faa'idaystaan wakhtiga ay diwaangalintu socoto

Waxbarashadu waa furaha noolosha bani'aadamka

Jiil waxbartay Ayaan saboolnimada kaga bixi karnaa

Mahadsanidiin

Photos from Xafiiska Waxbarashada Dagmada Qooxle's post 20/06/2024

Waxaa galabta si nabad galiyo ah noogu soo dhamaaday imtaxaamki shahaadiga ahaa ee fasalka 6aad ee degmada qooxle

Oo 4dugsi oo degmada ah ka socday labadan bari

Waxaan dhamaan ardayda urajaynaynaa natiijo wanaagsan I.a

Want your school to be the top-listed School/college in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Qooxle
Jijiga