12/10/2024
Waxaan ummadda Soomaaliyeed, shacab iyo dowladba ugu hambalyeynayaa sannad-guurada 70aad ee ka soo wareegtay 12kii Oktoobar 1954, oo ahayd maalinkii ugu horreysay ee ifka laga taagay calanka Soomaaliyeed.
Munaasabadda calanka oo astaan u ah qarannimada iyo gobannimada ummadda Soomaaliyeed waxa ay na xusuusinaysaa nafhurka halyeeyadii u soo halgamay xornimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, kuwaas oo innaga mudan duco, xusuus, maamuus, iyo in aan nooleyno dhaxalkoodii oo aan ka dhabeyno himilooyinkii ay ku taami jireen.