27/12/2022
Wajiga labaad ee imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad oo saaka dib uga billowday Jaamacadda Jigjiga.
Wareeggani labaad ayaa imtixaankani laga qaadayaa arday duruufo kale uga habsaantay wareeggii koowaad ee imtixaanka, kaasi oo ay saaka u fadhiisteen 47 arday.
Madaxweynaha Jaamacadda Jigjiga Dr. Bashiir C/laahi oo ka warbixiyay imtixaanka ayaa sheegay in ardayda isku diwaangalisay wareeggani ay intaasi ka badnaayeen balse nasiib-darro ay haddana ka maqan yihiin.
26/12/2022
Galabwanagsan Dhamaan Asxabey
Geedkan Magaceed Utaqanan
23/12/2022
Maamulka Xafiiska Arrimaha Bulshada ee Deegaanka ayaa sheegay in Hay'adaha iyo ururada bulshadu ay door muhiima ka qaateen ka jawaabida abaarihii deegaanka soomaray.
28/11/2022
Xog-uruurin laga sameeyay kaltirsiga Soomaalida ayaa lagu soo bandhigay magaalada Jigjiga.
Xafiiska Dhaqanka iyo Dalxiiska DDS ayaa soo qabanqaabiyay dood-cilmiyeed ku saabsan kaltirsiga Soomaalida, waxaana daraasaad in badan laga soo uruuriyay kaltirsigan loo soo bandhigay xeeldheerayaal dhinaca Afsoomaaliga ah.
Mudane Salaad Dhabbar Yuusuf, Wasiir Ku-xigeenka Xafiiska Dhaqanka iyo Dalxiiska DDS oo furay dood-cilmiyeedkan ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la hirgaliyo kaltirsigan Soomaaliyeed.
25/11/2022
Wakaaladda dabagalka iyo taakuleynta shirkadaha horumarinta dowladda iyo Jaamacadda Jigjiga ayaa kala saxeexday heshiis iskaashi.
Heshiiskan ay wada galeen Jaamacadda Jigjiga iyo wakalaadda dabagalka iyo taakuleynta shirkadaha horumarinta dowladda ayaa ay iska kaaashanayaan dhinacyada daraasaadka, kobcinta awoodda shirkadaha iyo talo'bixinta mashaariicaha si loo tayeeyo shaqooyinka shirkadaha dowladu bulshada u hayaa.
Maareeyaha wakaaladda dabagalka iyo taakuleynta shirkadaha horumarinta dowladda Eng. Maxammed C/laahi ayaa sheegay in heshiiskan uu wax badan ku soo kordhinayo shaqooyinka ay qabtaan shirkadaha dowladdu ee la xidhiidha wax-soo-saarka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada aasaasiga ah.
Madaxweyne Ku-xigeenka Jaamacadda Jijiga Ilyaas C/laahi (Ph.D) ayaa caddeeyay in jaamacaddu ay diyaar u tahay in ay wakaaladda kala shaqayso horumarinta shirkadaha dowladda, iyada oo xoogga la saaray kobcinta aqoonta xirfadleyaasha iyo waliba taageerada dhinaca farsamada iyo cilmi-baadhista si looga midho'dhiyo qeybaha ay ku heshiiyeen labada dhinac.
12/11/2022
Waxaa caasimadda Addis Ababa lagu daahfuray shirkad cusub oo ka shaqeyn doonta ganacsiga casriga ah ee online-ka, kaas oo lagu magacaabo Commercepal.
Shirkaddan oo ay aasaaseen dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa waxay ka shaqeyn doontaa ganacsiga casriga ah iyada oo si fudud oo qaabka online-ka isugu xidhaysa iibsadaha iyo iibiyaha iyo waliba in macaamiisha goobtooda ay ku gaadhsiiso wixii dalab ah ee ay ubaahdaan, islamarkaana shaqo-abuurna ay ka heli doonaan dhallinyaro badan.
Munaasabadda daahfurka shirkaddan ayaa waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiinta shirkadda commercepal, bangiyada gaarka loo leeyahay, hay'adaha wadashaqeynta laleh, xildhibaanno iyo marti-sharaf kala duwan,
08/03/2021
HALLKANI MAHAA SOTH AFRIKA
WAA GAROONKA DDS MAGALADA
JIGJIGA