08/09/2022
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO WARQADAHA AQOONSIGA DANJIRENIMO KA GUDDOOMAY SAFIIRKA CUSUB EE KENYA
Muqdisho, Sibteembar 08, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kenya u fadhin doona dalkeenna Mudane Thomas Kipkosgei Chepkuto.
Danjire Thomas ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu kaga siday dhiggiisa dalkaas, isagoo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran ay u fidiyeen, waxa uuna ballanqaaday in uu ka shaqeyn doono horumarinta iskaashiga labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay ahmiyadda ay dowladda Soomaaliya siineyso hagaajinta xiriirka diblomaasiyadeed, siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo ganacsi ee dalalka gobolka, taas oo ku saleysan dheef-wadaag iyo iskaashi wadajir ah oo ku aaddan xoojinta amniga, xasilloonida iyo la dagaallanka argagixisada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Danjire Thomas Kipkosgei Chepkuto u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka gacan-siinayso gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed, waxa uuna u rajeeyey in uu si wanaagsan uga shaqeyn doono danaha ay wadaagan labada Jamhuuriyadood ee dariska ah.
facebook
Twitter
08/09/2022
Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS, ayaa maanta Qorshehagaha 25 Magaalo si rasmi ah ugu wareejiyay Hogaaminta Dawladaha hoose.
Munaasabada wareejinta Qorshe-hageyaashan, oo ay kasoo qaybgaleen Masuuliyiinta Magaalooyinka Dawladaha hoose ee dhawaan loo sameeyay Qorshe-hagaha, ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Xafiiska Mudane Cabdiraxman Iid Daahir, Wasiir kuxigeenka Mudane Dayib Muxumed Jaamac iyo agaasinka Waaxda Qorshe-hagaha Mudane Maxamed Aadan.
Wasiirka oo halkaas kula Hadlay hogaaminta laguwareejiyay Qorshe-hagaha Magaalooyinkooda, ayaa kudheeraaday ahmiyada uu Qorshe-haguhu uleeyahay Magaalada iyo kaalinta ay kuleeyihiin Maamulka Degmada iyo Kuwa Dawlada hoose. Wasiirka oo arintan ka hadlaya ayaa sheegay, in ay dhibaatooyin badan kajiraan dhina kudhaqanka Qorshe-hagaha Magaalooyinka taas oo ay sabab utahay fahan la'aan iyo dhayalsi ka jira dhinaca maamulada Degmooyinka iyo Dawladaha hoose, waxa uuna intaas kudaray in hada kadib, laiskula xisaabtami doono arimahan.
Wasiir kuxigeenka oo isaguna dhankiisa ka hadlay munaasabada ayaa Masuuliyiinta Magaalooyinka kuladardaarmay in ay shacabka wacyigalin balaadhan kasiiyaan Qorshe-hagaha si ay u fududaato dhaqangalinta Qorshe-hagaha Magaaladu. Wasiir ku xigeenka ayaa intaas kudaray in Maamulka Degmada iyo kuwa Dawladaha hoose, ay kasoo dhalaalaan kaalinta kaga aadan ilaalinta iyo kudhaqanka Qorshe-hagaha Magaalooyinka ay masuulka kayihiin.
21/08/2022
Markasta oo uu oday soomaaliyeed dhintaa waxaa gubtay buug soomaali ah
21/08/2022
Wellcome all my friends the Fecbook page