Naadiga Maan-Wadaag

Naadiga Maan-Wadaag

Share

Naadiga akhriska iyo kobcinta garaadka ee Maan-Wadaag

04/11/2022

WEERARKII XARAMKA

20-Noofember-1979 salaaddii subax kaddib xilli dadka qaar ay Quraan akhrisanayeen qaarna digriyayaan, ayaa 200 qofi ka soo dhex baxeen dadkii. Goobtu waa dhulkii barakaysnaa ee Xaramka. Raggani waa ay hubaysnaayeen waxaana hoggaminayey Juhayman Al-Cutaybi. Juhayman waxa uu shaaciyay in uu Mahdigii la wada sugayay soobaxay. Dadka waxa ay ka dalbewn bayactan. Ciddii diida bayacaada waxa ay ugu hanjabeen dil. Arrinku waxa uu gilgilay dhammaan Caalamkii Islaamka. Waayo, balaayadan horay looma arag lana hilmaami maayo. Mahdigu yuu ahaa? Maxaa soo saaray?

Juhayman waxa uu dhashay 16-Sebtembar-1936. Wuxuu ku dhashay magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga. Yaraantiisii ma uuna helin waxbarashada aasaasiga ah. Tani waxa ay keentay in aqoontiisu ay noqoto mid aad u yar weliba sii gabaabsiya. Waxbarashada aasaasiga ah waxa uu kaga tagey fasalka afraad ee dugsiga hoose. Muddon 18 sano ah ayuu ahaa darawal baabuurta u wada dawladda. Dhammaan dadkii yaqaanay Juhaymaan waxa ay ka marag-kaceen in uu ahaa nin awood badan oo weliba dadka maamuli kara. Dad abuubulka aad buu u yaqiin. Afyaqaan siibtay ayuu ahaa tan baana u sahashay in uu dhallinyaro badan afkaartiisa ka dhaadhacsiiyo. Firfircoonida dhallinyarnimo ee ku jirtay Juhayman waxa uu ku bartay Maxammed Cabdullaahi Al-Qaxdaani. Maxammed aqoon ka balladhan tan Juhayman ayuu lahaa se fikradda iyo haladaygga mabda'eed ee Juhayman waa uu ku qancay. Saaxiibtinnimo ballaadhan ayaa dhexmartay labadooda illaa ay isku beddeshay seeddinnimo. Maxammed ayaa walaashii u guuriyay Juhaymaani. Tani waxa ay dhidibbada u sii adkaysay xidhiidh iyo kalsoonida Maxammed iyo Juhayman.

Hawlgal ku saabsanaa ballaadhinta fikraddooda ayay galeen. Dhallinta in ay aruursadaan ayay bilaadeen illaa ay gaadheen heer ay yeeshaan masaajiddo yaryar oo xambaarsan mabda'ooga. Meelaha ay weerar mabda'eedka saareen waxa kamid ahaa dawladda iyo warbaahinta. Waxa ay dadka u sheegeen in labaadsi ba ay lunsanyihiin. Waa ayna uga digeen. Sannaadkii 139 Hijriga ayuu Juhayman sheegay in uu riyooday. Waxa uuna sheegay in uu ku riyooday; riyana ku arkay in MAHDIGU uu yahay Maxammed Al-Qaxdaani. ”Mahdigii aan wada sugaynay ee innoo xorayn lahaa Jasiiradda Carabta iyo dhammaan adduun weynaha ba; kana xorayn lahaa dulmiga iyo fahasaadku waa Maxammed,” hadalkaas ayuu yidhi Juhaymaan. Maxammed si dhib yar ayuu u rumaystay hadalkaas Juhayman.

Hawlgalka qaybtiisii labaad ayaa ay galeen oo ah in dadkan laga dhaadhiciyo lana aaminsiiyo in Maxammed uu yahay mahadiga. Sannadka cusub ayayna ku beegeen shaacinta. Qorshaha shaacinta mahdiga waxa ku hoos lammaanayd la wareegidda baydka Eebbe ee Xaramka. 20-Noofember-1970 oo ku beegnayd 1-Muxarram-1400 ayay salaaddii subax kaddib naxash ay ku wadewn garbaha kana dhigaan mid ay mayd ku sidaan soo galeen Baydka. Dadka waxa ay ka dhaadhiciyeen in lagula tukado maydka. Naxashka gudihiisa waxa ku jiray qoryo, seefaf iyo qaybaha kale ee hubka. Sidaadii salaadda looga baxay ba waxa maykarafoonkii la booday Juhayman. Waxa uu sharraxay Mahdigii la sugayay iyo in uu soo baxay. Waxa kale oo uu sheegay in Mahdigu uu soo magangalay Baydka Eebbe. Cabbaar hadala kaddib waxa uu soo kiciyay Maxammed uuna ku sheegay Mahdigii la sugayay ee soo cusboonaysiin lahaa diin Eebbe ee daciiftay. Kooxdii Juhayman waxa ay bilaabeen in ay la baayactamaan Mahdiga iyo dhammaan dadkii ku sugnaa Baydka Alle. Dadkii laba qaybood ayay noqdeen: qayb oggolaatay iyo qayb lagu qasbay.

Dawladdii Sacuudigu waxa ay is aragtay iyada oo gacmaha ka xishan waxbana aan qaban karin. Waxa ay go'aansadeen in ay ka hortagaan dhibtan. Qaabka keliya ee looga hortagi karaa waxa uu noqday isticmaalka awood milatari. Cabad baa ka hortimid. Guriga Eebbe-Weyne dhiig ma la gu daadin karaa? Ma la gu dhex weerari karaa Xaramka? Ma xalaal baa mise? Dawladdu waxa ay bilowday la tashiga culumada si ay ugu fadwoodaan. Culimadu waxa ay ku fadwoodeen la dagaalan iyo iska dhicinta kooxdaa. Dawladdu, bilowgii wada hadal ayay ku dayday se Juhayman ayaa diidday wada hadalka dawladda. Laba wiig kaddib ayay dawlddu weerar ku qaadday. Dagaal, socday 24 saac ayaa dhexmaray Juhayman iyo dawladda. Dagaalkaas waxa ku dhintay 28 qof oo ka tirsan kooxdii meesha haysatay iyo labaatameeye ka dhaawacmay dawladda. Dadkii lagu haystay Baydka waa la furtay. Dagaalkii dawladda ayaa awood badatay oo soo qabqabatay kooxdii qaybteeda kale iyaga oo nool. Dadkii nolasha la gu qabtay ayuu Juhayman ku jiray; Mahdigii na dagaalkii ayuu ku dhintay.

9-Janaweri-1980 ayaa dil la gu fuliyay dhammaan dadkii ku lug lahaa falka. Dilka seef baa la gu fuliyay. 61 qof ayay ahaayeen dadku dilka maalinkaa la gu xukumay. Juhayman ayaa ugu horreeyay dadkii la xukumay. Kooxda inteedii kale xabsi daa'iman ah ayaa loo taxaabay.

Fg:- Sawirkan hoose waa juhaymaan

18/06/2022

DHAYIHII LABADA NAFOOD

Waan soo baraarugay. Daal badan ayaa iga muuqda. Waalid iyo asxaab badan oo aan aqoon u leeyahay ayaa korkayga ka buuxa. Gacanta midig qaad baan is idhi oo waa ay i duubantahay ba. Lugta bidixna culays baan ka dareemayaa in wax cadi ku duuban yahay na waan arkaa. In aan laba habeen soo jeeday ayaad moodaa se ku dhawaad wiig ayaan adduunkan ka maqnaa aakhira na aanan arag! Tuunbo bilowgeedu ay irbad tahay dhammaadkeeda na aanan aad u arkin, ayaa gacanta bidix igaga rakiban. Dhiig baa tuunbada dhex socda. Maya e, aniga igu socda.

Askari! Surwaal iyo shaati isku midab ah__cagaar uu madawgu ku badan yahay waxoogaa tiixtiixa na leh weeye. Waa dharkayga caadiga ee aan lebbis ahaan iyo shaqo ahaan ba u xidho. Waa haybad marka aad isku taagto lebbiskaa. Dhammaan dadku waxa ay u muuqanayaa ama ba ay yihiin kuwa ku ixtiraamaya. Oo maxayna noo ixtiraameyn saw k**a dambaynno nabadda ay ku ladaan? Xuduudku waa hoygayga rasmiga ah, hadda Noloshayda inta ugu badan isla goobtan ayaan ku qaatay. Waan jeclahay askari walba oo dadkiisa dartood u dhinta. Haddii aan u dhiman lahaana, waan ku farxi lahaa. Marka adiga oo dabalaabkaaga codowga ku ridaya kuna lebbisan tuutaha, xuduudkuna uuro kicinayo aad ka dhex muuqato qurux weynaa! Dhag.

Wiig kahor habeen jimcaha ah xilliga culumadu salliga Xabiibka isla heshay; xaaslayaashu na huwadeen buste laba nafara oo uu weheliyo udgoonka guriga iyo gabadh lixdii makhribnimo sii uunsatay, haday caruuri jirtana la seexiyay, ayuu cadaw na soo weeraray. Waan laamadoodsanaa oo fakar adduunyo ayaan ku jiraye, waan soo booday. Dabalaabka oo barkin ii ahaana waan soo gundhistay. Rag naga tira badan dagaalna u soo oloostay ayaannu foodda is darnay. Markii ay culimadii aamustay; buuqii xaasluhuna hoos u dhacay ayaannu cadawgii jabinnay. Allaylahe bagga!

Taliyihii maamulka kooxdayda hayay ayaa go’aansaday in aannu ka daba baxno fallaagada deedna aannu badhna layno badhna soo qabanno. Jidka toosan ha nala arkaanne. Ummadda intii Eebbe u tukanaysay waa ay tukatay. Casaan baa bari naga soo qabtay. Markii geed iyo qof la kala gartay ayaannu qalabkayagii iyo laba baabuuur qaadannay. Taliyaha, aniga iyo saddex kale ayaannu ku ambabaxnay. Sida mugdigii xalay ay qorraxdani u fayday ayaannu rabnaa in hadhaagii fallaagada u soo qabqabanno.
Cagahaygaa dareemaya diirrimaadka sagxadda gaadhiga. Ma liicayo oo waan u soo tababbartay. Cumaamad ayaan indhaha iyo badi madaxa ku duubtay. Laba askari oo mid ahaan iga dambeeyo; kan iga horreeeya na badhamaantu ka maqanyihiin ama isagaa ogaan u ufurtay. Waa nin aad u feedha weyn! Mar aannu shalay quraac sugeynay ayuu igu lahaa "Macsaradaan cabbaa!" Gaadhigu dhanka galbeed ayuu u socdaa jilaal ba'anna wuu jiraa inuu gaadhigo wax kaa noqdo waxaad uuga baqanaysaa inuu ciiddo galo! Jeexyo waaweyn oo boodha ayaa dillaacay. Jidku dheeraa, inta aan ka gaadhayo ayaan raagsaday. Heestii aan heesaha ugu jeclaa ayaa gaadhiga laga shiday:

Ma nastoo habeen qudha
Nafis kuma casheeyeea1
Naakhuudayaasha iyo
Nacabkaan ilaashaa!

Maxabada heesta ayaa ila fogaatay. Sawirro aanan suuroobayn ayaan maskaxda ka buuxsaday. Xalay sidaan bilaa casho u ahaa iyo saaka sida aanan quraac u tabin ayaan isweyddiiyay. Mar qudha ayaan ku war helay baabuurka banjaray ee ku dhacay shirqool laga sii baaraan degay. Tolow ayaa sirta gudbiyay? Hadda jawaabta su’aashaa uma baahni ee iska caabinta fallagada ayaa muhiim ii ah.

Culays awooddayda ka weyn ayaa isaarmay. mar kaliyuu culayskii iga fududaaday! Waa alx. Ma gaadhigaa bilaa biriig ahaa? Ma dirawalkaan xirfad fiican lahayn? Ma? Ma.....?
Waa su'aalahaan is wayddiinayay intuu igu soo maqnaa. Dhowr jeer ayuu kolba dhan noola booday waddaduu ka baxay kusoo noqday xaaladdu farahay ka baxday! Fogaatay! Jiidatay! Waa markii aan is wayddiinayay su'aalihiii h**e. Waxa aan sugayaa inay iga kiciyaan janbigan igu habsaday. Cuuc, caac, ax, way, aah, aah...! Oo ayaa i maqla? Waa rag sida adhi uu waraabe ku soo dhex dhacay midba meel iska shubay e!

Ma garanayo goortaan halkan imid. Oo sideen u garan maba miyir qabain e. Gidaar midabkiisu caddaan u badanyahay, dad marooyin caddaan ah xidhan iyo gacantayda iyo lugtayda oo maro cadi ku duuban tahay ayaan miyirsaday. Laanbadda korkayga dul heehaabaysa ayaan mar cadceeddii moodey! Marna kulaylkeedan yar ayaan la yaabay! Malaha waan dhintay oo adduun ba ma joogo? Ma hadli karo oo waxa iminka idiin warramaya waa niyaddayda. Si'aan u ogaado inaan noolahay iyo inkale ayaan farta midig dhaqdhaqaaji is idhi ma awoodo oo gacanta ba haddaan qaado ka warran ayaan is wayddiiyay? Waan ku qancay, ku dhiirraday, ku dhaqaaqay. Show gacanta ba waxaa iga haysta [kanooole] ma garanyo soomaali waxaan ku idhaa.

Halmar ayaan arkay dad i wada dul tuban! WUU SOOO MIYIRSADAY! KOOMADII WUU KA SOO KACAY! WAA ALLE MAHADII............
Waan kuu sheeko dhaafay e, In aan qaylyo ayaan rabay se afka waxaa igaga xidhnaa afsaab. Maya e, waa ogsajiiin[ naqaska ayaa i haya oo waa naqas dheeriya]. Si is jiid ah waxaa igaga soo baxay "HOOYOOY AAH!" Laba sano ka hor ayay hooyo dhimatay sababtay u dhimatay anba ma garanayo! Dhar wada giirgiir ah ayaa ii muuqda. Waa dharkii ciidanka. Haa waa iyagii. Waa lebbiska aan dartii sariirtan u saaranahay.

Sideed iyo afartan saac ayaa ka soo wareegtay markii aan gidaar iyo dad kala gartay. Hal cod baan aad u maqlaa. Dhag! Dhag! Waa sacad darbiyeed ku taal gidaarka horteyda ku beegan. 3:27 gelabnimo ayaa ay sheegaysaa. Dhawaqa bannaanka ka baxaya waxa aad moodaa in duufaani dhacayo se hillaaca weheliya ayaa tilmaan u ah roobka da’aya. Lixdaydii dareen shan kamida waxa aan isugu geeyay daaqadda. Dhibco roob ayaa ka tifiqlaynaya! Balanbaalis midabkeeda caddaanku ku badan yahay ayaa si kedis ah u joojisay ciyaartii ay ku haysay dhibicda roobka ee daaqadda ka tifilaynaysa. Duulmo xarrago leh ayaa aybilowday. Caafimaadkeeda taamka ah ayaa ay iigu faanaysaa malaha. In ay iska hooyato ayaa ay go’aan ku gaadhay. Duushay!Durba libdhi ogaa ma ballan ayay leedahay? Ma ogi!

Jiiq! Waa dhawaqa albaabkan looxaanta ah. Waan dhibsaday. Qab! Haba eegin la haydaa? Culeys ayaa iga fuushan qoorta dhinaca albaabka xigta. Laba farood ayaa si naxariisle iiga taabtay qoorta. Cabbaarbay ku haysay iyada oo daqiiqadda saacadda tirsanaysa. Raaxo; qabowgu ku badan yahay ayaan dareemay. Markii ay sidaa gacanta iiga qaadday ayay i hafeefatay goobtii! Waan is rogey is moogaan. Midh culeysa ma dareemin. Af qalin madow lagu xardhay. Bishma ma dhunkataa ay kaa qabanayso iyo horaaddo giigsan ayay indhahaygu mar wada qabteen. Nafisay!

Inta ay iga kor dhaqaaqday ayaa ay wiilka sariirta koonaha jiifa u tagtey. Tobanneeya maalin waa uu jiifaa meesha. Waxa caddayn kuu ah sida loola macaamilayo. ”Fu’aad seed ka tahay farahii?” ayaa ay weyddiisay. Isaga oo muunsoonaya ayuu u jawaabay. Cabbaar bay dul taagnayd, sheeko iyo shaqa ba waa ay u haysay, isna qosalka ayuu u jiibanayay. In uu berri subaxa baxayo ayaa wargelisay. Magaalada in aan la dheeraynna waa ay kula dardaarantay. Malaha waa walaashii, maya e waa dhaqtaraddiisa; may haddaan fahmay oo ina adeertii. Siddeeddii subaxnimo ayaa wiilkii Fu’aad laga saaray hosbitaalka. Bagay sareen!

Dhaawicii h**een qabay
Waxaad tahay dhaqtaraddii
Muddo iga dhayaysoo
Waad i dhiirrigelisee

Heestan Fu’aad aad buu u jeclaa. Dhawrka maalin ee aan meesha guri wadaagga ku nahay maalin qudha k**a aan maqli waayin__ ugu yaraan halmar maalinkii waa in uu sh*taa. Si kale heesta ISAGA ayaan ku bartay. Waa hees wakhtigaa cusbeyd se qiima uu u yeelay Fu’aad. Heestan haddaan anigu heysan lahaa, aniga ayaa maanta weheshan lahaa! Aroor kasta oo aan yartan arkaba baahida aan u qaadayo waa ay sii siyaadaysaa. Habka ay ii dhayaysay ayaan ka helay, maya e muuqeeda ayaan la dhacay, illaa heer aan jeclaystay in aan si gaara u barto. Subax ka tilmaaman subaxyada ayaan si khaasa magaceeda u weyddiiyay. Hadda aniga ayaa ay i mashquushaa oo ay i siisaa wakhtigii ay Fu’aad ku lumin jirtay__aniga ayaa sidaas iska dhaadhacsiiyay. Nuura Cali in la yidhaa ayaa ay cod xarrago badan iigu muujisay. Aroor qudha haddii ay ka maqnaato goobta caafimaad waan dareemi jiray. Anigu waan kala daadsanaan jiray.

Saaka Nuura waa ay ka dhalaal badan tahay subaxdii h**e. Dharka ay haysato malaha kan baa ugu qurxoon. Goonka cad ee ay xidhantahay waxa u weheliya: fuwaal madaw, cabbaayad casaan xigiina iyo kabo degan oo dhawaq cajaa’iba tilmaamaya marka ay dhankaaga u soo dhaqaaqdo. “Subax wanaagsan Salaad.” ayaa ay cod toonkiisu sarreeyo igu tidhi. Waan ka gaddooman salaanta se cabbaar baan ku dhaygagay qaybo jidhkeeda ka mida. Markii ay xaaladdayda caafimaad baxnaaninteeda ka dhammaatay ayaa ay ii soo dhawaatay, dhawaatay, weliba aad iigu soo dhawaatay. Waan baqay! Waan farxay oo in ay i shumminayso ayaan mooday! “Salaadoow, walaal Eebbe ha ku caafiyo. Aniga karraankaygu waxa uu noqday in aan intaa kuu qabto. Waan dedaalay intii aan awoodayay se halkaa waan dhaafin waayay caafimaadkaaga. Hadduu Eebbe idmo berri.....” hadalka oo halkaa maraya ayaa albaabka laga soo galay. “Nuuraay, dhaqtarku degdeg iigu imo ayuu ku yidhi ee inna mari” ayaa ay mid baasi tidhi. Gacanta inta ay qabatay ayaa iga dul dhaqaajiyay.

Saddex sanno ayaa ka soo wareegtay aroortii iigu dambaysay Nuura. Waan u xiisay! Ugu yaraan bariidadeedii macaanka badnayd ayaan u xiisay. Qofkii aan arkaba iyadaan moodaa. Inkasta oo aan jidh ahaan caafimaaday, qalbigayga dhawaqii kabaha Nuura ayaa ka baxaya. Indhahayga fuwaalkeeedii madoobaa ayaa hor jooga. Waan cidlooday! Shan sanno ayaan bilaa hooyo ahay. Saddexdii ugu dambaysayna bilaa Nuura ayaan ahay. Haddii aan adkaan jiray oo aan xuduudda joogi jiray, hadda waan jilcay oo guriga k**a baxo. Haddii aan cadawga iska caabbin jiray, hadda kabahaa qalbigayga ka baxaya ayaa iga adkaaday. Waa tan Nuura. Waa ay qoslaysaa. Farxadda waa ay u dhalatay. Dharkii ay igaga tagtay ayaa ay xidhan tahay. Acuudubillaah.

Qorre: Dek

Photos from Naadiga Maan-Wadaag's post 11/06/2022

Galabta waxa ay qaar ka mid aha xubnaha naadigu gorfeeyeen sheekada gaaban ee Toogashadii Maroodiga. Sheekada waxaa qoray George Orwell(Eric Arthur), waxaana turjumay Abshir Umal.

Maxamuud Alhaaddi iyo Cabdiraxmaan Raees ayaa ahaa gorfeeyayaasha sheekada tan, dhallinta kalana su'aalo iyo faallooyin ayay kaga qaybqaateen.

Photos from Naadiga Maan-Wadaag's post 17/04/2022

Qaar ka mid aha dhallinta naadiga ayaa gorfeeyay buugga Baylinta Buuqa ee uu qoray Maxamed Yuusuf. Baylinta Buuqa, waa buug lagu naqdinayo buugga Diin iyo Dawlad ee uu qoray qoraa Cabdisiciid C. Ismaaciil

12/04/2022

SALDHIGI WAYDAY

Waxaa ka soo wareegatay saddex sanno. Waa habeen isniin ah. Farriin ayaan ugu tagey whats up-ka oo aan furay. Farriin aan ugu imaaddo mobile-kayga xilligan oo kale waa h**e ayaa iigu dambaysay. Farriinta waxa igaga daran waa lambar igu cusub. Horey uma aan arag lambarkan. Yaabkayga ayaa sii siyaaday! Waa maxay lambarkan igu cusubi iyo farriintan la yaabka badani?

Farriintu habka ay u taal iyo sida lagu bilaabay ayaan ku aqoonsaday in ay tahay saaxiibtaydii h**e ee aannu sheeko wadaagga ahaan jirnay. Muddo ayaa farriinteeda iigu dambaysay. Xataa hadalkeeda mudda ayaanan maqal, oo waxa ay ii tahay walaashay oo kale. Gabadha hadduu xidhiidhkiinnu xumaado waxa uu iska noqdaa xasuus iyo mahadinta tagtada nolashiinna. Dhammaan dadka isku fahmi waaya waayaha nolasha ama xishiidhka jacayl ayaa ku soo gabbada erayga walaashay/kay. Ummaddeennu waa aafo!

Maalin fog oo fog ayaa xidhiidhkayaga isugu dambaysay. In ay safar tahay maya e, ay safar yihiin oo ay Iswiidhan u socdaan ayaa ay ii sheegtay aroortii hadalkaga ugu dambaysay. Aroortaasi aroor nacdalan ayaa ay ahayd oo waan kacaa fadhiistay se waxa aan ka baaqan waayay go’aanka waalidkeed. Iyada ayaa qaadatay go'aanka ah in ay baxdo anna waan fasaxay se dardaaran ayaan u sii dhiibay. Adkee oo ha ku amban waayaha adduun ayaannu ku kala tagnay. Hadal iyo hugun toona dib ugama aan maqlin se in ay nabad yihiin ayaan isku qanciyay. Wax walba waxa aan ku illaaway ballantii na dhex taal. Lumin mayso ballanta! Bil markii aan ka waayay jawaab ee ay ii soo jawaabi wayday ayaan go’aansaday in aan Unfreind i dhaahdo. Idhina!

Naag waa lagu yiqiin in ay isbeddeshaa marka ay dhooftaaye, baggay sidaa yeeshay. Uma xuma naag dhooftay. Xataa hadduu qofku iabeddeli waayo, waayaha adduun ayaa beddelaya. Waayuhu waa najaas mararka qaar oo waa ay la googo'aan bani'aadamka. Gabadh ka tagtay dunida saddexaad waxa ay moodaysaa in qofkii soo xidhiidhiyaa ba baahan yahay. Anigu uma aan baahnayn lacag se codkeeda ayaan u baahnaa. Iyada ayay u taal!

Farriintu sidan bay u taallay:

“Asc gacalle. Seetahay? Saw ma nabdoonid? Muddo ayaan kaa maqnaa oo aan ku maqnaa danahayga. Adduunkan ayaa ila fogaaday oo ii saamixi waayay in aan kula soo xadhiidho. Waxa aan la daalaa dhacayay nolal maalmeedkayga iyo sidii aan ula qabsan lahaa adduunkan cusub. Waa adduun ka socod, sawaxan iyo suuq badan adduunkii saddexaad. Waa adduun qaylada iyo buuqu ku badan yahay. Se adiga ayaan ku tabay oo ka maqnaa dunidan koowaad. Marar badan oo aan is idhi la hadalna waan kaa baqay oo waxa aan ka baqay in aad soo qoddo waayihii inna kala kaxeeyay. Waan ku jeclahay qaali”

Cabdiraxmaan Caana-Geel

25/02/2022

SAFARKIII TOG WAJAALE

Wakhtigu waa xilli h**e oo aroor ah, taariikhdu waa 23/ 2/2022, goorsheegtu waxay caga-cagaynaysaa abbaarihii 8:30am. waxaan ka soo kallahay qolkaygii anigoo ku sii jeeda magaalo xududeedka Togwajaale, waxaan ku soo dhacay bajaajtii u kicitimaysay halka laga raaco baska Togwajaale aada, 15 daqiiqo kaddib waxaan isa soo taagay astaanka Togwajaale, anoo kolba jalleecaya gaari aan si dagdaga oogu boodo ayaa baskii oogu horreeyay een foodda gasho waxay durba indhahaygu qabteen gabadh aad mooddo xuuralcayntii la sheegi jiray, durba waxaan la ashqaraaray midabkeedii dahab lamoodka ahaa dhalaalka wajigeeda ka soo ifaya eed mooddo dayax shan iyo tobnaad ah(15 aad) waxaa u dheeraa indhaheeda iyo sunniyaheeda lagu dhigay ee aad la dhaygagayso, ee uusan dhanna ooga jeedsan karin qofkii mar dhugtaa.
Waa gabadh jir keedu uu ishaysto aadna u buurnayn aadna u dhuubnayn, waxay ahayd meel dhaxaad, waxay xirnayd muraayado ama ookiyaale aad mooddo in dahab laga sameeyay, sida uu quruxda wajigeeda u soo saaray, waxaa ay fadhiday kursiga iga dambeeya. Intaa kaddib waxaan isku hubsaday kursigaygii, daqiiqado kooban ayuu gaarigu taagnaa, kolba dhanka ay iga jirto ayaan jalleeco daymo ku ladhantahay dhuganayay. Gaarigii waxa uu cagta saaray jihadii ay naga jirtay Togwajaale, saacad kaddib waxaan joogsannay bar kantaroolkii Togwajaale, nasiibku muxuu isaaciday hadana aan dheefsan waayay! Waxaa isla Kobtii kantaroolka ku dagay 4 qof oo i ag fadhiday, hadda kursigii wa kaligay. Waxaa isla amminkiiba soo kacday gabadhii aan maanta dhan jallrecayay, waxay so fadhiisatay garabkaygii, gabadh kale ayaa iyaduna kursigii ku soo fadhiisatay oo iga durug ku tiri. Say inta garabkayga taabatay i tiri walaal maan ku cidhiidhyay? Afkuba juuqdii wuu gabay oo jawaabba waan oran waayay, si hoose ayaan u iri anoo daymoonaya walaal waa caadi imaadan ciriirinin.
Niyaddayda waxaan iska dhahay saakad heshay middii ku daryeeli lahayd.
Waxaa kaloo ii baxaysay, Heestii beer lula ee Abwaan Hadraawi uu sameeyay ee Xasan Aadan Samatar uu ku luuqaynayay, erayada aan dhagaysanayay waxaa kamid ahaa sidan soo socoto.
'iwaa jaceeloow, Boodhari inuu dilay, been baan u haystee.
'iwaa jaceelow, boogaan ladhayinoo, cidi baanan karinoo, beerka iyo wadnaha iyo bogga kaaga taalliyo, in uu yahay bir caashaqu been baan u haystee.
Intaasi waxy ahayd xasuusti Hadraawi heestii beerlula oo ii baxaysay.

Waxaan kasoo dhaqaaqnay bar kantaroollkii Togwajaale, waxa uu gaarigu ku socdaa xawaare aad u dheereeya, naftaydu waxay hoosta ka leedahy darawalkan baas ee war moogaha ah muu marjada koowaad ku socdo muxuu oogu dagdagayaa magaalada galitaankeeda, balse maysan dhicin in uu gaarigu xawaare hoose ku socdo.

Waxaan soo gaarnay astaankii magaalada Togwajaale, waan soo dagnay waxaa isla amminkii Cuddoon ay gashay bajaajtii tagaysay suuqa, waxaan si dhaqso leh oogu soo dhaqaaqay dhankay iga jirtay bajaajtii ay Cuddoon gashay, bajaajtu waxay ahayd mid labada dhinacba ka furan oo aan lahyn albaab, waxaan kasoo galay dhankay fadhiday mahane dhankii kale ee bannaanaa, isla sidii hadaayay oo kale waxaa nasoo raacday gabadhii nala fadhiday, oo ayadana soo kortay bajaajtii, Cuddoon hadda waxay u soo durugtay dhankii aan ka fadhiyay bajaajta.
Waxaan soo abbaarnay dhankii uu suuqu naga jiray, waxay naftaydu inbadan i waydiinaysaa maad hal mar oo kali ah tiraahdid lambarkaaga ii qor balse carrabkaygu wuu awoodi la'yahy in uu ku dhawaaqo eraygaas, kolba waxaan is dhihi geesinimo iska soo saar aad ku waydiiso numberkeeda, balse waan awoodi waayay.

Waxaa lasoo gaaray xariggii xuduudda u ahaa Itoobiya iyo Soomaalilaan, deetana intaan balow iri on ka dhaadhacay bajaajtii ayaan si dagdag ah u siiyay lacagtii wiilkii bajaajta waday, anoo meelaan u socda hilmaamay ayaa waxaan durbadiiba is arkay anoo bangiga Abaysiiniya dhaxtaagan.

Waxay naftaydu igu canaanatay maxaad ooga reeban wayday lambarkeeda, balse waxaa qornayd in aan sidaas u kala hayaanno. Waxaan dhax wareegay suuqii dharka ee Togwajaale, anoo gabadhii muraayado madow qabtaba dhankeeda u jeedsanaya misa Cuddoon ma ahanba.
Waxaan qorshaystay in aan anbabaxo galabta anoo soo xasuustay hees dhahaysay, Cuddoon way tagtaye galabtaba carrow.
Waxaan ka soo ambabaxay magaalo xuduudeedka Togwajaale xilli sadexdii galabnimo ah, waxaa halkaa kuso afjarmay safarkii Wajaale ee ku bilaabmay Farxadda, kuna dhammaaday shallaytada.

Qore: Nuunne Cabdi Xasan

22/02/2022

Balallawga caashaqa
Bar billawshe mooyee
Baxnaan gollan wayn iyo
bulbul saada loo waa.

Biqil kiisa waagaan
Abuur kiisa beeree
Biyihiisa siiyaan
God libaax ku beeg samay.

Barniyeey gadashaa
Beekhaan jacaylkii
Iyo beehannawgii
Miyay baahi ii qaban?

Balse waxaan iloobayn
Barashadii car foonnayd
Isku beer naqeenii
Iyo bari samaad kii.

Billaw waa in dhoolee
Birriq-baarruqdiisii
Biimadii cuddoonayd
Balo saw kumay dhicin!

Bohol yawgu waa gare
Waayadan baqoolee
Afartee bidhaan samay
Maan beenin doonaa?

Baal-baalintaadii
Baybiyo wanaaggii
Habeen bulqankeenii
May baaqi noo noqon?

Adu waad se bogatee
Bogsigayga goormuu
Dhayidayda boogeed
Sidaadaa bal soo noqon?

Balbashaye se goor maad
Igasoo bariidini
Saadanbiyo barray noqon
Mise waa barkumataal?

Dhaaxaan mid kaa bilan
Bilcan sooran oo badan
Bay adaan ku noolahay
Joogtaa se buuxdaa.

Adigaa burhaan iyo
Balwad iyo macaaniyo
Bacorroor dhanaaniyo
Burcad la'igu kaawadhay.

kolleey busteyaashiyo
Kalararannay buulkii
Waxaan bawd wadaagnaba
Isku ballanfur weeyee.

Nin rageed ku waa bade
Bulshadaa gobtee wacan
Boqor kaad sugaysaa
Wuu kaaga soo bixi.

Aniguna bar xuma iyo
Ka bannaani qiiroo
Bir lab baan u noqon taa
bogga taa bal siigali.

Gabdhahaa bogaad lihi
Boqolaalan kee jira
Jimidhee bulaalka ah
Mid i'baanan waan heli.

buuriyo candhuufiyo
badaw nimo xajiin lihi
Bari baan ka joogaa
Boorri taa naftaadana.

~ Cabdifataax Bile Dhawre

16/02/2022

Mililico!
W/Q: Yacqub-nasr Abdihakim

Laamiga bajaajtu ceeryaamisay ayaan gees ka lugaynayay, inamadda rakaabinaya basaska xaafadaha iyo suuqa u kala gooshaya ayaa midba magac ku dhawaaqaya; "Jaamacadda, Jaamacadda...Jeelka, tagayow wuu dhaqaayayaa."
Anigu midna uma socdo ee maasajidka ayaan ku cararayay, may waan tallaabo dheeraynayay. "Waar maad waalantahay xageed noo jiidhay?!" Gabadh ayaan gaadada inta aan ku qaaday laamida qaniinsiin gaadhay. Si aan kas ahayn ayaan is kugu dhacnay. May aniga ayaa jiidhay. Raalli noqo in aan idhaa ayaan u holladay mase afka waan soo marin kari waayay. Cajiib! Qurux aanan h**e dhaayo uga qaadin ayaan ku dhaygagay jalleecadii koowaad. Daymadii Mililicada lahayd een ku dhuganayay samayskeeda macaan, waxaa maankayga dhuftay muhashada dareenka leh ee i maanqaadday, miyirkaygii iyo ishayda ayaa muuqeeda si mug weyn u eegay. Mise, sunniyaha aad mooddo in farshaxamayntoodii lagu talaxtagay, waxaa ka hooseeya laba indhood oo wiilka iyo baarrimuhu ay tikhil ka madow yihiin. Sanqaroorka la dhilay waxa weheliya dhabannada qorqoran ee dhexdana ka godan. Bishimuhu waa inta ay dheertahay aynigeed. Cirrid madow baa dibnaha ka hooseeya iyo ilko caddaankooda muraayad aad mooddo. Dherer kuma tilmaami karo way gaaban tahay na idinma odhan karo. Jidh is wada haya oo cuddoon ayaa buuxiyay intii ka dhinnayd quruxdeeda.
"Walaal iga raalli noqo, ma waxbaa ku gaadhay?!"
"Waxba ma qabo walaal."
"Quruxdaada ninkii arkaa naftiisa ayaa halis ku jirta, yacnii inta uu ku daawanayo in ay baabuurtu jiidho ayaa dhici karta!" Qosol iska keen keen ah ayaan usii raaciyay.
"Mahadsanid walaal." Inta ay i tidhi ayay dhoollacaddayn qalbiga taabatay igu sagootisay oo ay baskii ku dhacday.

Dirawal aan iga shaqaysan duco ayaa laamiga ku hubsaday taayirka. Anna halkii ayaa la igaga tagay. Ilaa inta uu ku libdhayay baabuurku waan sii eegayay. Ma dhacdaa qof aad si kadis ah u aragtay inuu kaa libdho, dabadeed dareenku kaa raaco? Ma dhacdaa isla markaas inaad isu canaanato, maxaad lanbarka uga reeban wayday? Waydiimo badani dhimirkaaga ma usoo dheelmadaan, dabadeed dhaawac aadan is ku ogayn ma dhaaddaa? Dabadeed ma ku tidhi naftaada: iga daa naftaydaay hadal nuxuusta?

Mar dambe ayaan masaajid ka ku hubsaday qalfoofkaygii oo qudha, ruuxdii inantii baaburka raacday ayay la safartay. Salaad in aan la aqbalin aan maleeyay ayaan tukaday. Shilkii kadiska ahaa iyo quruxdii shidnayd ayaa marba mid i hor imanayaa anoo salaadda ku jidha. In aan Faataxada akhriyay u malayn maayo, ragcad iga tagtayna in aan ka imid ayay u badan tahay. Inta aan salaama naqsaday ayaan isla markiiba kabaha illaday, irridka masaajidka halhaleel uga soo baxay. Halkii ayaan kusoo noqday. Miyay joogtaa? Waa maya. Miyaan waalanahay maxaan halkan kasoo doonay. Oo haddaa miyaan fayoobahay, saw miyirkii iyo maankiiba mar la arag aanan aqoon may qaadan. Saw indhahayga oo shan ah bas igamay raacin. Dirawalka waday saw maan habaarin, saw daciifnimadayda xataa magaceeda maan waydiin kari waayin.

13/02/2022

Buugga: Dabadeed Qofna Ma Hadhin
Qore: Agatha Christie
Turjumidda : Jacfar Suldan Yusuf Iyo Aadan Sahan

Tixda Sheekada :

10 askari oo yaryar ayaa casho tagay
Midkood ayaa saxday , dabadeed 9 ayaa hadhay!

9 askari oo yaryar ayaa saamalaylay illaa soo dhawaadkii,
Midkood ayay hurdadu la tagtay, dabadeed 8 ayaa hadhay!

8 askari oo yaryar ayaa u safray Devon,
Mid ayaa yidhi halkan ayaan ku hadhayaa, dabadeed 7 ayaa hadhay!

7 askari oo yaryar ayaa xaabo jarjarayay,
Mid ayaa laba isu kala jaray , dabadeed 6 ayaa hadhay!

6 askari oo yaryar ayaa ku ciyaaray awlal shinniyeed ,
Mid ayay qaniintay shinni yuusaysaa, dabadeed 5 ayaa hadhay!

5 askari oo yaryar ayaa aaday garsoorka,
Mid ayay la hadhay maxk**addu dabadeed 4 ayaa hadhay!

4 askari oo yaryar ayaa aaday badda,
Mid ayuu kalluun casi liqay dabadeed 3 ayaa hadhay!

3 askari oo yaryar ayaa aaday beerta xayawaanka,
Mid ayay butti weyni laabta galisay, dabadeed 2 ayaa hadhay!

2 askari oo yaryar ayaa cadceedda fadhiistay,
Mid ayay fallaadhihii ku dhufteen, dabadeed 1 ayaa hadhay!

1 askari oo yar oo kaliya ayaa soo hadhay,
isagiina wuu is deldelay .... DABADEED QOFNA MA HADHIN!

Buuggu wuxuu tibaaxayaa si qoto dheerna uga sheekaynayaa fal dambiyeed ka dhacay jaziirad lamadegaan ah oo go'doonsan laguna magacaabo Jaziiraddii Askarta oo uu dilay qof aan la garanaynin oo lagu dilay tuhunsanayaal dil iyaguna horaan soo dilay shaqsiyaad aan waxba galabsannin.
waxaa kale oo uu tibaaxayaa sidii ay u dhinteen dhamaantood oo uu dilaagu dhimashadooda saldhig uga dhigay qasiiddadaas kor ku xusan.
Moris, lambord, Armstrong, Vera, Brent, Rogers iyo xaaskiisa mss Rogers, Blore, Wargrave iyo janan Macarthur.

Sookoobid yar :

Buugga waxaa aan ka fahmi karnaa in uu macno guud innaga siinayo in dagidda aad qof dagtaa ama dhibaataysaa dhibaato noocay dooniba ha noqotee ay tahay mid adigana aakhirka ku sugaysa, waxaa kale oo uu buuggu macno guud innaga siinayaa in qofi haddii uu naftiisa aaminaa misena ku kalsoonaada uu ka dhabayn karo wax marka loo fiiriyo dadka kale aragtidooda ay adagtahay in laga dhabeeyaa.
sida uu garyaqaan Wargrave ba naftiisa ugu sheekeeyey inuu sameeyo hal xidhaale ku adag xiitaa ciidanka dambi baadhista inay soosaaraan dambiilaha gaystay dilkan.

Ugu danbayn, wixii qalday waxay u ahaadeen shaydaan iyo ehelkiis wixii aan saxayna Alle Weyne dhankiisa.

Waa sookoobid yar oo fahamkayga ka turjumaysa oo aan ka qaatay buuggan dambi baadhista ah.

Mahadsanidiin jaalleyaal

W/Q: Suldaan Cabdiwali

05/02/2022

BUUGGAYGII BISHA

W/Q: Aamiin Muqaddin Maxamed

Salaam saaxiibbayaal, waxaan jeclaystay inaan bil kasta dhammaadkeeda idin la wadaago, waa hadduu Rabbi idmee, waxa aan bishaas akhriyo buugga iigu cajiibsanaada.

Saddex sababood ayaan arrintan u samaynayaa. Midi waa mide, buug marka aad rabto inaad wax ka dhahdo waxaa qasab kugu noqonaysa inaad ku noqoto buuggaas marka aad dhammayso, nuxurkiisa baadhbaadho oo aad adigu si fiican u fahanto, markaa ujeedka koowaad ee aan arrintan u samaynayo waa inaan anu buuggaas si fiican u fahmo. Ta labaad waa inaan ku barto hab-qoraalka iyo wax soo gudbinta, ta saddexaadna, waa inuu qof uun waxtaro waxaas aan soo qorayo.

Fadliga Eebbe, bishan (Janaayo) waxaan akhriyay lix buug oo kala ahaa:
Jidkii Loo Soo Maray Falsafadda Runta ah
Qofku waa Sida uu u Fakaro
Qudh-Bax
قواراب النجاة في حيات الدعات
Warsame iyo Wariyenimo iyo
Fakar oo Hodan Noqo.

Kan u danbeeya, waa Fakar oo Hodan Noqo e, ayaan u gartay inuu noqdo buuggaygii bisha. Buuggan waxaa qoray Napoleon Hill, magaciisuna waxa uu ahaa Think and Grow Rich. Waxaa afkeenna u soo rogay, khayr badan Alle ha siiyee, Dr Jaamac Sahal, oo runtii sidii ugu mudnayd u turjumay.

Buuggan oo ka mid aha buugta caalamka loogu iibsiga badan yahay, waxa uu ka hadlayaa sidii hanti(lacag) loo samayn lahaa, balse tallaabooyinka uu jeexayo waa kuwo loo isticmaali karo ka dhabaynta hadafyo badan oo aan hanti samayn uun ahayn.

Si guud buuggu waxa uu ka koobanyahay 15 cutub, cutubka u horreeya oo hordhac aha iyo ka u danbeeya oo gunaanad aha marka laga yimaaddo, 13ka cutub ee kale ayuu qoruhu ku soo bandhigayaa 13ka tallaabo ee hanti lagu samayn karo, ama hadaf kalaba lagu dhabayn karo.

Horumar kasta waxa uu ka billawadaa fikrad, taas oo lagu xoojiyay ujeeddo cad, dhabar-adayg iyo himmad ama doonitaan aad u heer sarreeya. Haddaynu isla garanay in hodannimadu ama horumar kasta ka billawdo fikrad, maxay yihiin tallaabooyinka hodannimada ee qoruhu innala wadaagayo?

1. DOONIS (HIMMAD)
Guul kasta waxay ka billaabataa doonis, doonis aanu qofku inuu guulaysto mooyeen dookh kale isu furayn. "Qofkii doonaya inuu guulaysto waa inuu gubo fursad kasta oo u furan aan ka ahayn tan dhabta ah." Taliye ayaa ciidankiisu waxay wajahayeen ciidan aad u xoog badan, xaalad adag ayaa soo foodsaartay, go'aan adag ayuuna qaatay, ciidankiisii ayuu doomo saaray dhinaca cadawgana u tallaabiyay ka dibna doomihii gubay, askartiisiina waxa uu u sheegay inaanay jirin si ay ku badbaadaan aan ka ahayn inay guulaystaan, wayna guulaysteen sababtoo ah waddo kale uma furnayn.

Waxa jira lix tallaabo oo aad doonistaada hanti ugu baddali kartid, waxayna kala yihiin:
Tallaaba 1-aad: Go'aanso oo maskaxdaada gali inta lacag ee aad doonayso, kuguma filno inaad dhahdo kaliya "lacag badan".
Tallaabada 2-aad: caddee waxa aad doonaysid inaad qabato si aad lacagtaa u hesho. Wax bilaash lagu helo ma jiree wixii aad ku baddalan lahayd sheeg.
Tallaabada 3-aad: caddee taariikhda aad doonaysid in ay lacagtaasi gacantaada ku jirto
Tallaabada 4-aad: la imaw qorshe dhab aha oo aad ku gaadhaysid yoolkaagaas, ku na dhaqaaq.
Tallaabada 5-aad: qor lacagta aad go'aansatay, xilliga aad go'aansatay inaad hesho, waxa aad doonayso inaad ku baddalato lacagtaas iyo qorshaha aad doonayso inaad ku hesho.
Tallaabada 6-aad: maalin kasta marka aad seexanaysid iyo marka aad soo toosto kor u akhri odhaahda aad qortay (sidan waxaa loo samaynayaa si maskaxda looga dhaadhiciyo, maskaxda qaybta daahsooni(subconscious mind) waxa ay qaadataa waxa lagu celceliyo).

Doonis aad u xooggan ayaa aha halka riyoduhu ka duulo, noloshuna waxa aad waydiisato ayay ku siisaa, haddaad wax wayn ka doonto iyo haddaad wax yar ka doontaba, waxa aad ka doonto ayaad helaysaa, waa haddii aad marto waddadii lagu helayaye.

2. RUMAYSASHO
Tani waa inaad sawirato, rumaysatana helidda waxa aad doonayso. "Rumaysashadu waa kiimikada ugu wayn ee maskaxda". Waa waxa marka lagu lammaaneeyo doonista ka dhiga bir xadiida oo aanan sina loo jabin karin. Rumayshada waxaa maskaxda lagu tallaali karaa iyada oo la adeegsanayo isu-sheegis (affirmation). Halkan qoraagu waxa uu leeyahay waa inaad rumaysato qabsoomidda wax aan dhab ahaan wali qabsoomin. Qofku waxa uu aamino ayaa inta badan u dhabooba. Haddaad aamminto inaad guuldarraysan doonto, waad guuldarraysanaysaa, haddaad aamminto inaad guulaysanaysana waad guulaysanaysaa.

3. ISKA-DHAADHICIN (AUTOSUGGESTION)
Tani waa waddada loo maro saamaynta caqliga daahsoon. Waa sida uu qofku farriin ama hadal u gaadhsiiyo isla maskaxdiisa. Waa iskuxidhaha labada qaybood ee caqliga dadka, caqliga soojeeda iyo caqliga daahsoon. "Marka fikrad uu qofku ku celceliyo Caqliga Soojeeda, waxa ay ugu danbayn iskeed ugu gudubtaa Caqliga Daahsoon". Adiga ayaa leh awoodda maamulka xogta Caqligaaga Daahsoon gaadhaysa, ama ha tognaato ama ha tabnaatee, Caqliga Daahsoonina waa sidii carro oo wixii lagu abuuro ayunbaa ka soo bixi.

Halkan qoraagu waxa uu i noogu sheegayaa in qofku uu ku celceliyo 'in waxa uu doonayo uu heli doono wakhtiga uu qorshaystay', ku celcelintaana uu wado illaa Garaadka Daahsooni ka aaminayo.

4. Aqoon Gooni aha
Aqoontu waa laba nooc, aqoon guud iyo mid gaar aha. Aqoonta guudi si kasta oo ay u badantahay waxba ma qabato marka dhaqaale la raadinayo. Sideedaba muhiimaddu inaad wax taqaanno ma ehee waa inaad waxa aad taqaanno adeegsan karto. "Aqoonyahan waa qofka garanaya aqoonta uu u baahdo halka uu ka heli karo, sidoo kalana garanaya sidii uu u adeegsan lahaa uguna shaqaysan lahaa aqoontaas". Dadka qaar ayaa isliidaya iyaga oo ku andacoonaya inaanay waxbaran ama aanay dhigan iskuul iyo jaamacad, arrintaasi marmarsiiyo ma noqon karto taariikhda ayaana caddaysay in qof aanan iskuul dhigan uu figta ugu sarraysa gaadhi karo.

5. SAWIRASHO
Waxa jirta odhaah tidhaahda "qofku wax kasta oo uu maskaxdiisa ka sawiran karo, waa uu samayn karaa". Qoraagu sawirashada maskaxda labo ayuu u qaybiyay, labadaas qaybood oo kala ah: sawirashada farsamaynta ah iyo sawirashada hindisidda ah. Sawirashada farsamaynta ahi waa in aragtiyihii iyo qorshayaashii horay u jiray la isu geeyo ka dibna wax cusub laga soo saaro, halka sawirashada hindisidda ahi tahay in qofku xidhiidh la sameeyo wax uu qoraagu ku sheegay 'aqoon aan dhammaad lahayn'. Qaybtan ayaa ah halka hindisooyinka cusub laga sameeyo. Waxaynnu marar badan markhaati ka noqonnaa waxyaalo cusub oo la soo biirayay, dadka daahfurradaas la yimid waa dad adeegsaday sawirashada maskaxdooda.

6. QORSHE DIYAARIN
Qoraagu halkan waxa uu ku talinayaa inaad samaysato isbahaysi aad isku dan tihiin, isbahaysigaas waxa uu qoraagu ugu yeedhay Maskaxyo-isugayn. Sidoo kale waxa uu ku talinayaa in aad dadkaa aad bahwadaagta tihiin kulantaan ugu yaraan toddobaadkiiba hal mar, iswaafaqsanaanna idinka dhaxayso kooxdaas aad danwadaagga tihiin. Xubnaha aad kooxdaada Maskaxyo-isugaynta u dooranayso ha ahaadeen dad aan si fudud u quusan guuldarradana aqbalin sababtoo ah "quuste ma guulaysto, guulaystena ma quusto". Intaas kaddib qoraagu wuxuu xusay astaamaha waawayn ee hoggaamiyaha, waxaana ka mid aha inuu yahay geesi ku dhac leh, naftiisa ka adag, dadka dareensiiya sinnaan, go'aan cad iyo qorshe cad leh sidoo kale shakhsiyad wanaagsan iyo wada shaqaynna leh.

Sidoo kale waxa uu qoraagu halkan ku sheegayaa asbaabta guuldarrada soddonka ugu waawayn, waxaana ka mid aha: ujeeddo cad la'aan, naf adkaansho yari, aqoon yari, shakhsiyad xun, go'aan qaadasho liidata, dhabar-adayg la'aan, daacad darro iqk.

7. GO'AAN (FULIN)
Go'aan xumadu waa waxa ugu badan ee sababa guuldarrada, dib-dhigashadu waa cadaw wayn oo ay tahay in qof kasta ka adkaado. Cilmibaadhis lagu sameeyay dad badan oo guulaystay, waxay sheegeen inay dhaqan u lahaayeen degdeg go'aan u qaadasho balse haddii ay doonayaan inay ka noqdaan go'aan ay horay u gaadheen ay tartiib u baddali jireen.

Guuldarraytayaashu marka h**e qaadashada go'aanka ayay aad uga labalabeeyaan marka ay go'aan qaataanna dhakhso ayay u baddalaan. Dadka kale aragtiyahoodu yaanay si fudud kuu saamaynin, dad badan waxa ay iska dhigaan kuwo wax walba yaqaanna, qof kasta fikrado ayaa ka buuxa balse dhaqangalinta ayaa la isku dhaafay, dhagayso dadka balse yaanay si fudud kuu baddalin.

8. DHABAR-ADAYG
Dhabar-adayggu waa arrin lagama maarmaan aha marka rabitaan loo baddalayo natiijo dhab aha. "Dhabar-adaygga waxaa saldhig u ah awoodda ismaamulineed ee qofka."

Marka qofku leeyahay rabitaan xooggan oo inuu guulaysto ah, naftiisana maamuli karo, wax caabbin kara ma jiro, qofka aan dhabar-adayg lahaynna iskudayga ka hor ayuu sii guuldarraystaa. "Dad dhif aha ayaa garta waxtarka dhabar-adaygga. Waa kuwa guuldarrada u arka wax ku-meelgaadh aha, waa kuwa aan ka hadhin rabitaankooda illaa ay guuldarrada u baddalaan guul."

Calaamadaha qofka dhabar-adaygga leh waxaa ka mid aha: lahaanta ujeeddo cad, rabitaan xooggan, qorshe cad, aqoon sax ah iyo awood is-maamulineed. Qoraagu waxa uu sheegay sida lagu yeelan karo dhabar-adayg oo uu yidhi waa: ujeeddo cad oo lagu xoojiyay rabitaan xooggan, qorshe cad oo lagu muujinayo ficillo joogto ah, maskax laga xiray saamaynaha xunxun iyo ka agdhawaanshaha qof ama dad kugu dhiirrigalinaya ku dedaalidda qorshahaaga.

9. AWOODDA MASKAXYO-ISUGAYNTA (MASTERMIND)
Maskaxyo-isugayn waxaa laga wadaa labo qof ama ka badan oo isu tagay si ay isugu biiriyaan aqoontooda iyo dedaalkooda una gaaraan ujeeddo cad.

Qofku si uu u guulaysto waxa uu u baahanyahay awood, awooddaasina waxa ay iman kartaa marka garaadka la isku biirsho. Samayso koox aad si taxaddar leh u soo xulatay, iskana kaashada dhabaynta hadafyadiinna.

10. LAYAABKA BADDALIDDA GALMADA
Waxa uu qoraagu halkan ku sheegayaa in dareenka galmada loo adeegsan karo ka qaybqaadashada guusha, waa marka si san loo jiheeyee.

Dareenka galmadu maskaxda qofka ayuu kiciyaa oo xaalad galiyaa, caadiyan dadku si jismi aha ayay uga falceliyaan arrintaa, balse qofka awooda inuu naftiisa maamulo oo xakameeyo, qoraagu waxa uu sheegayaa inuu arrintaas uga faa'iidaysan karo gaadhista hadafyadiisa. Inaadan si jismi aha uga jawaabin dareenka galmada oo aad tamartii aad ku bixin lahayd u leexiso dhabaynta hadafyadaada waxay u baahantahay layli badan.

11. GARAADKA DAAHSOON
Garaadka ama caqliga qofka waxaa loo qaybiyaa labo, mid soo jeeda iyo mid daahsoon. "Caqliga daahsooni waxa uu ku shaqeeyaa ogaal la'aan, ulakac la'aan iyo soojeed la'aanta qofka." Waa mid iskii isu maamula, waxa uu shaqeeyaa habeen iyo maalin oo ma seexdo. Waxa uu duubaa wax kasta oo uu qofku arko, maqlo ama dareemo. Caqliga soojeedana waa Midka ulakaca iyo soojeedka qofka ku shaqeeya.

"Garaadka daahsooni waxa uu markasta qofka ku khasbaa ku dhaqaaqista waxyaalaha uu qofku markasta doono ee uu aadka u jamto balse waa marka qofku la yimaaddo rumaysasho ah inuu gaadhi karayo."
Garaadka daahsooni waxa uu ku shaqeeyaa wixii lagu duubo, waxa aad inta ugu badan maskaxda ku hayso ayuu qaataa oo rumaystaa ka dibna ficil u rogaa. Haddii aad wax wanaagsan ku duubto wax wanaagsan ayuu dhalayaa haddii kalana wixii kale eed ku duubtay.

12. MASKAXDA
Maskaxdu waa saldhigga qaabilaadda iyo dirista fikradaha. Qoraagu waxa uu yidhi "sida raadyaha oo kale iyada oo hawada la marinayo ayay maskaxda aadanuhu awooddaa inay fikrado qaabisho ama dirto!"

Maskaxdu waxa ay qaabishaa fikradaha ka imanaya garaadka daahsoon iyo waliba maskaxaha dadka kale.
Marka maskaxda la cariyo ee la daaro waxa ay noqotaa mid aad u soo jiidata fikradaha maskaxaha dadka kale ka imaanaya. Maskaxdu waxa ay carismataa ama daarmataa marka dareen la galiyo, dareenkaasi ha wanaagsanaado ama yaanu wanaagsanane.

13. DAREEMAHA LIXAAD
Dareemaha lixaadi waa, sida uu qoraagu sheegay, "irridda murtida iyo garaadka." Dareemaha lixaad waa qayb ka mid aha garaadka daahsoon oo loo yaqaan Sawirashada Hindisidda ah. Waa halka ay qorshayaasha iyo fikradaha cusubi ka soo galaan maskaxda.

Dareemaha lixaadi wax dhab ahaan loo qeexi karo ma aha, sida uu qoraagu sheegay. Isaga oo sheegaya inuusan mucjiso iyo khuraafaad midna ahayn ayuu yidhi "adeegsiga dareemaha lixaad waxa uu awood kuu siinayaa inaad garawsan kartid halisaha kugu soo food leh, oo aad ka fogaatid iyo sidoo kale ogaanshaha fursadaha soo socda iyo xilligooda."

Ugu danbayn qoraagu waxa uu xusayaa saddex cadaw oo ay tahay inuu qof kasta burburiyo. Saddexdaas cadaw waa go'aan la'aan, shaki iyo cabsi.

Cabsida ayaa keenta go'aan la'aanta, go'aan laantuna waxa ay isu rogtaa shaki, shakigaasina wuxuu keena cabsi! Waa meerto ay tahay inaad soo afmeerto.

Waxaa jira lix cabsiyood oo badanaa dadka la daga. Waxa ay kala yihiin lixdaasi: cabsida saboolnimada, cabsida eedda, cabsida caafimaad darrada, cabsida waayidda qof la jecelyahay, cabsida duqoobidda iyo cabsida dhimashada. Mid kasta astaamo u gaar aha, oo qoraagu xusay, ayay leedahay oo lagu garto qofka ay hayso.

Want your school to be the top-listed School/college in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Jijiga