05/02/2022
BUUGGAYGII BISHA
W/Q: Aamiin Muqaddin Maxamed
Salaam saaxiibbayaal, waxaan jeclaystay inaan bil kasta dhammaadkeeda idin la wadaago, waa hadduu Rabbi idmee, waxa aan bishaas akhriyo buugga iigu cajiibsanaada.
Saddex sababood ayaan arrintan u samaynayaa. Midi waa mide, buug marka aad rabto inaad wax ka dhahdo waxaa qasab kugu noqonaysa inaad ku noqoto buuggaas marka aad dhammayso, nuxurkiisa baadhbaadho oo aad adigu si fiican u fahanto, markaa ujeedka koowaad ee aan arrintan u samaynayo waa inaan anu buuggaas si fiican u fahmo. Ta labaad waa inaan ku barto hab-qoraalka iyo wax soo gudbinta, ta saddexaadna, waa inuu qof uun waxtaro waxaas aan soo qorayo.
Fadliga Eebbe, bishan (Janaayo) waxaan akhriyay lix buug oo kala ahaa:
Jidkii Loo Soo Maray Falsafadda Runta ah
Qofku waa Sida uu u Fakaro
Qudh-Bax
قواراب النجاة في حيات الدعات
Warsame iyo Wariyenimo iyo
Fakar oo Hodan Noqo.
Kan u danbeeya, waa Fakar oo Hodan Noqo e, ayaan u gartay inuu noqdo buuggaygii bisha. Buuggan waxaa qoray Napoleon Hill, magaciisuna waxa uu ahaa Think and Grow Rich. Waxaa afkeenna u soo rogay, khayr badan Alle ha siiyee, Dr Jaamac Sahal, oo runtii sidii ugu mudnayd u turjumay.
Buuggan oo ka mid aha buugta caalamka loogu iibsiga badan yahay, waxa uu ka hadlayaa sidii hanti(lacag) loo samayn lahaa, balse tallaabooyinka uu jeexayo waa kuwo loo isticmaali karo ka dhabaynta hadafyo badan oo aan hanti samayn uun ahayn.
Si guud buuggu waxa uu ka koobanyahay 15 cutub, cutubka u horreeya oo hordhac aha iyo ka u danbeeya oo gunaanad aha marka laga yimaaddo, 13ka cutub ee kale ayuu qoruhu ku soo bandhigayaa 13ka tallaabo ee hanti lagu samayn karo, ama hadaf kalaba lagu dhabayn karo.
Horumar kasta waxa uu ka billawadaa fikrad, taas oo lagu xoojiyay ujeeddo cad, dhabar-adayg iyo himmad ama doonitaan aad u heer sarreeya. Haddaynu isla garanay in hodannimadu ama horumar kasta ka billawdo fikrad, maxay yihiin tallaabooyinka hodannimada ee qoruhu innala wadaagayo?
1. DOONIS (HIMMAD)
Guul kasta waxay ka billaabataa doonis, doonis aanu qofku inuu guulaysto mooyeen dookh kale isu furayn. "Qofkii doonaya inuu guulaysto waa inuu gubo fursad kasta oo u furan aan ka ahayn tan dhabta ah." Taliye ayaa ciidankiisu waxay wajahayeen ciidan aad u xoog badan, xaalad adag ayaa soo foodsaartay, go'aan adag ayuuna qaatay, ciidankiisii ayuu doomo saaray dhinaca cadawgana u tallaabiyay ka dibna doomihii gubay, askartiisiina waxa uu u sheegay inaanay jirin si ay ku badbaadaan aan ka ahayn inay guulaystaan, wayna guulaysteen sababtoo ah waddo kale uma furnayn.
Waxa jira lix tallaabo oo aad doonistaada hanti ugu baddali kartid, waxayna kala yihiin:
Tallaaba 1-aad: Go'aanso oo maskaxdaada gali inta lacag ee aad doonayso, kuguma filno inaad dhahdo kaliya "lacag badan".
Tallaabada 2-aad: caddee waxa aad doonaysid inaad qabato si aad lacagtaa u hesho. Wax bilaash lagu helo ma jiree wixii aad ku baddalan lahayd sheeg.
Tallaabada 3-aad: caddee taariikhda aad doonaysid in ay lacagtaasi gacantaada ku jirto
Tallaabada 4-aad: la imaw qorshe dhab aha oo aad ku gaadhaysid yoolkaagaas, ku na dhaqaaq.
Tallaabada 5-aad: qor lacagta aad go'aansatay, xilliga aad go'aansatay inaad hesho, waxa aad doonayso inaad ku baddalato lacagtaas iyo qorshaha aad doonayso inaad ku hesho.
Tallaabada 6-aad: maalin kasta marka aad seexanaysid iyo marka aad soo toosto kor u akhri odhaahda aad qortay (sidan waxaa loo samaynayaa si maskaxda looga dhaadhiciyo, maskaxda qaybta daahsooni(subconscious mind) waxa ay qaadataa waxa lagu celceliyo).
Doonis aad u xooggan ayaa aha halka riyoduhu ka duulo, noloshuna waxa aad waydiisato ayay ku siisaa, haddaad wax wayn ka doonto iyo haddaad wax yar ka doontaba, waxa aad ka doonto ayaad helaysaa, waa haddii aad marto waddadii lagu helayaye.
2. RUMAYSASHO
Tani waa inaad sawirato, rumaysatana helidda waxa aad doonayso. "Rumaysashadu waa kiimikada ugu wayn ee maskaxda". Waa waxa marka lagu lammaaneeyo doonista ka dhiga bir xadiida oo aanan sina loo jabin karin. Rumayshada waxaa maskaxda lagu tallaali karaa iyada oo la adeegsanayo isu-sheegis (affirmation). Halkan qoraagu waxa uu leeyahay waa inaad rumaysato qabsoomidda wax aan dhab ahaan wali qabsoomin. Qofku waxa uu aamino ayaa inta badan u dhabooba. Haddaad aamminto inaad guuldarraysan doonto, waad guuldarraysanaysaa, haddaad aamminto inaad guulaysanaysana waad guulaysanaysaa.
3. ISKA-DHAADHICIN (AUTOSUGGESTION)
Tani waa waddada loo maro saamaynta caqliga daahsoon. Waa sida uu qofku farriin ama hadal u gaadhsiiyo isla maskaxdiisa. Waa iskuxidhaha labada qaybood ee caqliga dadka, caqliga soojeeda iyo caqliga daahsoon. "Marka fikrad uu qofku ku celceliyo Caqliga Soojeeda, waxa ay ugu danbayn iskeed ugu gudubtaa Caqliga Daahsoon". Adiga ayaa leh awoodda maamulka xogta Caqligaaga Daahsoon gaadhaysa, ama ha tognaato ama ha tabnaatee, Caqliga Daahsoonina waa sidii carro oo wixii lagu abuuro ayunbaa ka soo bixi.
Halkan qoraagu waxa uu i noogu sheegayaa in qofku uu ku celceliyo 'in waxa uu doonayo uu heli doono wakhtiga uu qorshaystay', ku celcelintaana uu wado illaa Garaadka Daahsooni ka aaminayo.
4. Aqoon Gooni aha
Aqoontu waa laba nooc, aqoon guud iyo mid gaar aha. Aqoonta guudi si kasta oo ay u badantahay waxba ma qabato marka dhaqaale la raadinayo. Sideedaba muhiimaddu inaad wax taqaanno ma ehee waa inaad waxa aad taqaanno adeegsan karto. "Aqoonyahan waa qofka garanaya aqoonta uu u baahdo halka uu ka heli karo, sidoo kalana garanaya sidii uu u adeegsan lahaa uguna shaqaysan lahaa aqoontaas". Dadka qaar ayaa isliidaya iyaga oo ku andacoonaya inaanay waxbaran ama aanay dhigan iskuul iyo jaamacad, arrintaasi marmarsiiyo ma noqon karto taariikhda ayaana caddaysay in qof aanan iskuul dhigan uu figta ugu sarraysa gaadhi karo.
5. SAWIRASHO
Waxa jirta odhaah tidhaahda "qofku wax kasta oo uu maskaxdiisa ka sawiran karo, waa uu samayn karaa". Qoraagu sawirashada maskaxda labo ayuu u qaybiyay, labadaas qaybood oo kala ah: sawirashada farsamaynta ah iyo sawirashada hindisidda ah. Sawirashada farsamaynta ahi waa in aragtiyihii iyo qorshayaashii horay u jiray la isu geeyo ka dibna wax cusub laga soo saaro, halka sawirashada hindisidda ahi tahay in qofku xidhiidh la sameeyo wax uu qoraagu ku sheegay 'aqoon aan dhammaad lahayn'. Qaybtan ayaa ah halka hindisooyinka cusub laga sameeyo. Waxaynnu marar badan markhaati ka noqonnaa waxyaalo cusub oo la soo biirayay, dadka daahfurradaas la yimid waa dad adeegsaday sawirashada maskaxdooda.
6. QORSHE DIYAARIN
Qoraagu halkan waxa uu ku talinayaa inaad samaysato isbahaysi aad isku dan tihiin, isbahaysigaas waxa uu qoraagu ugu yeedhay Maskaxyo-isugayn. Sidoo kale waxa uu ku talinayaa in aad dadkaa aad bahwadaagta tihiin kulantaan ugu yaraan toddobaadkiiba hal mar, iswaafaqsanaanna idinka dhaxayso kooxdaas aad danwadaagga tihiin. Xubnaha aad kooxdaada Maskaxyo-isugaynta u dooranayso ha ahaadeen dad aan si fudud u quusan guuldarradana aqbalin sababtoo ah "quuste ma guulaysto, guulaystena ma quusto". Intaas kaddib qoraagu wuxuu xusay astaamaha waawayn ee hoggaamiyaha, waxaana ka mid aha inuu yahay geesi ku dhac leh, naftiisa ka adag, dadka dareensiiya sinnaan, go'aan cad iyo qorshe cad leh sidoo kale shakhsiyad wanaagsan iyo wada shaqaynna leh.
Sidoo kale waxa uu qoraagu halkan ku sheegayaa asbaabta guuldarrada soddonka ugu waawayn, waxaana ka mid aha: ujeeddo cad la'aan, naf adkaansho yari, aqoon yari, shakhsiyad xun, go'aan qaadasho liidata, dhabar-adayg la'aan, daacad darro iqk.
7. GO'AAN (FULIN)
Go'aan xumadu waa waxa ugu badan ee sababa guuldarrada, dib-dhigashadu waa cadaw wayn oo ay tahay in qof kasta ka adkaado. Cilmibaadhis lagu sameeyay dad badan oo guulaystay, waxay sheegeen inay dhaqan u lahaayeen degdeg go'aan u qaadasho balse haddii ay doonayaan inay ka noqdaan go'aan ay horay u gaadheen ay tartiib u baddali jireen.
Guuldarraytayaashu marka h**e qaadashada go'aanka ayay aad uga labalabeeyaan marka ay go'aan qaataanna dhakhso ayay u baddalaan. Dadka kale aragtiyahoodu yaanay si fudud kuu saamaynin, dad badan waxa ay iska dhigaan kuwo wax walba yaqaanna, qof kasta fikrado ayaa ka buuxa balse dhaqangalinta ayaa la isku dhaafay, dhagayso dadka balse yaanay si fudud kuu baddalin.
8. DHABAR-ADAYG
Dhabar-adayggu waa arrin lagama maarmaan aha marka rabitaan loo baddalayo natiijo dhab aha. "Dhabar-adaygga waxaa saldhig u ah awoodda ismaamulineed ee qofka."
Marka qofku leeyahay rabitaan xooggan oo inuu guulaysto ah, naftiisana maamuli karo, wax caabbin kara ma jiro, qofka aan dhabar-adayg lahaynna iskudayga ka hor ayuu sii guuldarraystaa. "Dad dhif aha ayaa garta waxtarka dhabar-adaygga. Waa kuwa guuldarrada u arka wax ku-meelgaadh aha, waa kuwa aan ka hadhin rabitaankooda illaa ay guuldarrada u baddalaan guul."
Calaamadaha qofka dhabar-adaygga leh waxaa ka mid aha: lahaanta ujeeddo cad, rabitaan xooggan, qorshe cad, aqoon sax ah iyo awood is-maamulineed. Qoraagu waxa uu sheegay sida lagu yeelan karo dhabar-adayg oo uu yidhi waa: ujeeddo cad oo lagu xoojiyay rabitaan xooggan, qorshe cad oo lagu muujinayo ficillo joogto ah, maskax laga xiray saamaynaha xunxun iyo ka agdhawaanshaha qof ama dad kugu dhiirrigalinaya ku dedaalidda qorshahaaga.
9. AWOODDA MASKAXYO-ISUGAYNTA (MASTERMIND)
Maskaxyo-isugayn waxaa laga wadaa labo qof ama ka badan oo isu tagay si ay isugu biiriyaan aqoontooda iyo dedaalkooda una gaaraan ujeeddo cad.
Qofku si uu u guulaysto waxa uu u baahanyahay awood, awooddaasina waxa ay iman kartaa marka garaadka la isku biirsho. Samayso koox aad si taxaddar leh u soo xulatay, iskana kaashada dhabaynta hadafyadiinna.
10. LAYAABKA BADDALIDDA GALMADA
Waxa uu qoraagu halkan ku sheegayaa in dareenka galmada loo adeegsan karo ka qaybqaadashada guusha, waa marka si san loo jiheeyee.
Dareenka galmadu maskaxda qofka ayuu kiciyaa oo xaalad galiyaa, caadiyan dadku si jismi aha ayay uga falceliyaan arrintaa, balse qofka awooda inuu naftiisa maamulo oo xakameeyo, qoraagu waxa uu sheegayaa inuu arrintaas uga faa'iidaysan karo gaadhista hadafyadiisa. Inaadan si jismi aha uga jawaabin dareenka galmada oo aad tamartii aad ku bixin lahayd u leexiso dhabaynta hadafyadaada waxay u baahantahay layli badan.
11. GARAADKA DAAHSOON
Garaadka ama caqliga qofka waxaa loo qaybiyaa labo, mid soo jeeda iyo mid daahsoon. "Caqliga daahsooni waxa uu ku shaqeeyaa ogaal la'aan, ulakac la'aan iyo soojeed la'aanta qofka." Waa mid iskii isu maamula, waxa uu shaqeeyaa habeen iyo maalin oo ma seexdo. Waxa uu duubaa wax kasta oo uu qofku arko, maqlo ama dareemo. Caqliga soojeedana waa Midka ulakaca iyo soojeedka qofka ku shaqeeya.
"Garaadka daahsooni waxa uu markasta qofka ku khasbaa ku dhaqaaqista waxyaalaha uu qofku markasta doono ee uu aadka u jamto balse waa marka qofku la yimaaddo rumaysasho ah inuu gaadhi karayo."
Garaadka daahsooni waxa uu ku shaqeeyaa wixii lagu duubo, waxa aad inta ugu badan maskaxda ku hayso ayuu qaataa oo rumaystaa ka dibna ficil u rogaa. Haddii aad wax wanaagsan ku duubto wax wanaagsan ayuu dhalayaa haddii kalana wixii kale eed ku duubtay.
12. MASKAXDA
Maskaxdu waa saldhigga qaabilaadda iyo dirista fikradaha. Qoraagu waxa uu yidhi "sida raadyaha oo kale iyada oo hawada la marinayo ayay maskaxda aadanuhu awooddaa inay fikrado qaabisho ama dirto!"
Maskaxdu waxa ay qaabishaa fikradaha ka imanaya garaadka daahsoon iyo waliba maskaxaha dadka kale.
Marka maskaxda la cariyo ee la daaro waxa ay noqotaa mid aad u soo jiidata fikradaha maskaxaha dadka kale ka imaanaya. Maskaxdu waxa ay carismataa ama daarmataa marka dareen la galiyo, dareenkaasi ha wanaagsanaado ama yaanu wanaagsanane.
13. DAREEMAHA LIXAAD
Dareemaha lixaadi waa, sida uu qoraagu sheegay, "irridda murtida iyo garaadka." Dareemaha lixaad waa qayb ka mid aha garaadka daahsoon oo loo yaqaan Sawirashada Hindisidda ah. Waa halka ay qorshayaasha iyo fikradaha cusubi ka soo galaan maskaxda.
Dareemaha lixaadi wax dhab ahaan loo qeexi karo ma aha, sida uu qoraagu sheegay. Isaga oo sheegaya inuusan mucjiso iyo khuraafaad midna ahayn ayuu yidhi "adeegsiga dareemaha lixaad waxa uu awood kuu siinayaa inaad garawsan kartid halisaha kugu soo food leh, oo aad ka fogaatid iyo sidoo kale ogaanshaha fursadaha soo socda iyo xilligooda."
Ugu danbayn qoraagu waxa uu xusayaa saddex cadaw oo ay tahay inuu qof kasta burburiyo. Saddexdaas cadaw waa go'aan la'aan, shaki iyo cabsi.
Cabsida ayaa keenta go'aan la'aanta, go'aan laantuna waxa ay isu rogtaa shaki, shakigaasina wuxuu keena cabsi! Waa meerto ay tahay inaad soo afmeerto.
Waxaa jira lix cabsiyood oo badanaa dadka la daga. Waxa ay kala yihiin lixdaasi: cabsida saboolnimada, cabsida eedda, cabsida caafimaad darrada, cabsida waayidda qof la jecelyahay, cabsida duqoobidda iyo cabsida dhimashada. Mid kasta astaamo u gaar aha, oo qoraagu xusay, ayay leedahay oo lagu garto qofka ay hayso.