Gadhle

Gadhle

Share

Teacher

27/01/2023

Macalin faysal tix yar oo gabay ah

01/08/2022

Macalin dhiga dugsi quraan ku yaala degmada danood ee gobalka doollo baa caruurta agoonta ah ee liyuu police

wuxuu yidhi caruurta quraanka kariimka ah ayaan barayaaa

30/07/2022

Shacabka ku dhaqan magaalada wardheer ayaa garab is taag iyo taageero u muujisayey guulaha ay ka soo hooyeen dagaalada lagu la jiro kooxda argagaxisada alqushaash

27/07/2022

Waraysi uu Madaxwaynaha mustafe maxamuud cumar uu bixiyey buu ku sheegay in ay aragagixisada alshabaab doonayeen gudaha u galaan Ethiopia 🇪🇹 balse ay ku jabeen qorshoohoodii u suurta gali waday markii ciidana ay hilfaha u qaaday oo gabi ahaanba ay baabiyeen alshabaabtii weerarka sooo qaaday

26/07/2022

Markiii kooxda argagixiisada ah ee alqushaash laga guuleestay bay shacabkiii dhantayanayaan

26/07/2022

Biyo la.aanta ka jirta magaalada wardheer shacabka ayaa hal km ka soo dhaansanaya

24/07/2022

Madax wayne laba ayaa ku sooo qabanay alqushaaadii sooo gashay deegaanka

24/07/2022

Gaanshaale alidaruus

24/07/2022
14/07/2022

Hooyooy la'aantaa

Aduunyadu hubaashii

Habeen k**a baxdeenoo

Iftin lama heleenoo

Dadku uma hayaameen

Xiddig hawd ka lulatoo

Sida haad ma fuuleen

Dayax heego joogoo

Hubka laguma tureen

Hawo laguma gaadheen

Cirka hirar ka muuqdoo

Hooyoy addoomuhu

Halkay maanta joogaan

Adigow horseedoo

Intaad hanad xambaartee

Haaneedka siisee

Horaaddada jaqsiisee

Habtay baan xisaab iyo

Tiro lagu heleynoo.

Marka aad nin hiilloo

Laga baqo hashiisiyo

Halyey diran dhashaa baa

Hooyo lagu xasuustaa

Marka aad nin hoo-loo

Gurigiisa habaqluhu

Isku soo halleeyoo

Hayntiisa quudhoo

Hor Illaahay geystiyo

Lama h**e dhashaa baa

Hooyo lagu xasuustaa.

Mar aad nin himilada

Hilin toosan mariyoo

Hir markii la gaadhoba

Ku labaad hilaadshoo

Haga maatadiisoo

La higsado dhashaa baa

Hooyo lagu xasuustaa.

Marka aad nin hoogiyo

Ka hor taga daalkoo

Garta hubin yaqaanoo

Xaqa hoos u eegoo

Halistiyo colaadaha

Dabka hura bakhtiiyoo

Ku haggoogta dhiiggoo

Dadka kala hagaajoo

Kala haga dhashaa baa

Hooyo lagu xasuustaa.

Markaad hoobal caaniyo

Hindisaa farshaxanoo

Hab-dhaca iyo luuqdiyo

Hawraarta maansada

Heensayn yaqaanoo

Rabbi biyo u siiyoo

Labadaba hannaanshiyo

Hal-abuur dhashaa baa

Hooyo lagu xasuustaa.

Dumar iyo haween baa

Nolol lagu haweyntaa

Kuwa lagu hammiyayee

Sida hawd caleen weyn

Rag u wada hammuumee

Ishu calacsanaysaa

Hablahaaga weeyee

Marka guur la haybshee

Gabadh heego dheeroo

Hoobaan la moodoo

Karti iyo hubqaadloo

Quruxdana ka hodaniyo

Hira laga aroostaa

Hooyo lagu xasuustaa

Hooyoy la'aantaa

Higgaad lama barteenoo

Hooyoy la'aantaa

Hadal lama kareenoo

Ruuxaanad habinoo

Kolba aanad hees iyo

Hoobey ku sabinoo

Hawshaada waayaa

Hanaqaadi maayee

Hoygii kalgacalkee

Naxariistu hadataay.
Hooyoy dushaadaa

Nabad lagu hubaayooo

Hooyoy dhabtaadaa

Hurdo lagu gam'aayoo

Hooyoy taftaadaa

Dugsi laga helaayoo

Waxa lagu hal-maalaa

Hooyo ababintaadee

Hayin lagu badhaadhaay

Hogol lagu qaboobaay

Gogol lama huraaneey

Dugsigii hufnaantaay

Hidda lagu arooraay.
Intaad hooyo nooshahay

Hambalyiyo salaan baan

Hanti kaaga dhigayaa

Hamrashiyo xaq dhowr baan

Dusha kaa huwinayaa

Hooyo dhimashadaaduna

Hooggayga weeyoo

Hiyiga iyo laabtaan

Kugu haynayaayoo

Weligay hoygaagaan

Ka dul heesayaayoo

Hengel baan u xidhayaa

Inta haadka duushiyo

Idil habar dugaaggee

Ifka hibo ku noolow

Aakhiro halkii roon

04/12/2021

"Dig" dheh deelka maansada
Tixo dur iyo daabac ah,
Isku-duubni wadareed
Ha ka dido shan-xuubluhu.

Arrin waa la diga-rogay;
Doonyihii la raran jirey
Markab baa ka daba yimid;
Cirka haadda duushaa
ka duuduubte samadii;
Waxa helay dayuurado
Deja baalashii yidhi.

Daacuunki firidhkiyo
Daaniyii dhaqaalaha
Rag duraa ku soo baxay.
Inta daafka fidisiyo
Dab-layaasha dhimanaw
Digtoonaada way kane.

Afartaa docdaa mari
Dersigaygu waa meel.
Taariikhda duugga leh
Waxan ugu hor daabacay,
Xil damiirku qaadiyo
Waa faral dushayda ah.
Qalinkiyo dawaadaa
Inaan fuliyo ii direy.

Waxan uga dan leeyahay,
Nin qabyaalad doojaw
Doqoniimo waa cudur.
Haddii aad dux leedahay
Bal docdaada uun eeg:
Inta dumar agoomo ah!
Inta dhiig dad lagu qubay!
Inta darib nin lagu cunay!
Inta duul ku qaran-jabay!

Debec-yaa-lahaayeey
Maxaa degel ku baaba'ay!
Maxaa dhacay umulo-doox!
Anigaa nin-dooriyo
Anigaa wax dumin kara
Maxaa beel ku "dumug" tidhi!

Imisaa dugaag qaday
Dubaaxdiina loo wadhay!

Darka iyo xareeddiyo
Daaq laysu qoonsaday,
Dirirtiyo colaaduhu
Maxay haad dibbiriyeen!
Islaan wiilki laga dilay
"Dugayeey" maxay tidhi!
Dadab iyo aroos iyo
Aqal laba-deryaale ah
Maxaa daaha loo rogay!

Waxan uga dan leeyahay
Summad iyo dir-sooc iyo
Qofkii duuf ku nooloow
Alla-doori baad tahay.

Soomaali waa duud;
Dakan-qabe ha joogee
Waa ul iyo diirkeed;
Deris iyo tol wada yaal
Nin dan laana kala gura.

Qabiilkii dorraad yiil
Isticmaarki baa dumay;
Shalay daba-ka-naax iyo
Dibitaati baa waday;
Maantana dillaal iyo
Dibbir baa ku xoogsada.
Waa dabin qarsoodi ah;
Ummadday ku dagayaan;
Boobkay ku dedayaan.

Qolo-qoladan loo degey
K**a iman dad-weynaha;
Ragga dacarta huriyaa
Waa kooxo duumo ah;
Daadihiyeyaashiyo
Maamulkay ku duran yiin.

Qaar baa diktoorro ah
Digriigoodu madhan yahay;
Qaar baa durbaano leh
Oo daacaddii jaray.
Darna waa hagoogtaan
Waa deniyo waaweyn.

Isku soo dabbaaloo
Waa dabaqad maal jecel;
Waxa loo dig leeyey
Dhididkayga dahabka ah
Sidii loo dudubin laa.

Afartaa docdaa mari;
Dugsi ma leh qabyaaladi;
W

01/11/2021

Nin Ilaah yaqaan oo sharciga, ku isticmaalaaya
Ashahaado loo qoray nimaan, kala illaaweynin
Oo aan inkirihayn xaq waa, la oggolaadaaye

Nin salaadda awqaadda, faral u addimoonaaya
Oo dagada oofinahayoo, ugubka dhiibaaya
Oo aan afurin soonku, waa bilaha iideedee

Adduunyadiyo xoolaha ninkii, aragti dhiibaaya
Oo inuu ohay yiraah, ka istixyoonaaya
Oo aan bakhaylnimo abkiis, lagu ishaareynin

Nimaan diinta aafo u galayn, aakhiruu sabanka
Oo aan amxaarada sidii, obo u yaaceynin
Oo gaalka ooradu ku taal,

Want your school to be the top-listed School/college in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Warder
Jijiga