Xaqsoor

Xaqsoor

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xaqsoor, College & University, 01, Jijiga.

20/12/2025

Carafaad Abdulahi Takhal wuxuu mudo 7 bilood ah ku xidhan yahay xabsiga gobolka faafan walina wax maxkamad ah iyo danbi lagu haysto ma muuqdo.

Waxaan cod dheer xukuumada iyo cidkasta oo howshiisa khusayso ka codsanaynaa in ninkaas dhalinyarada ah iyo inta la xidhan ba ay xoriyadooda helaan insha Allah.

Allaha xoriyadiisa u soo celiyo walaakeen carafaad, Aamiin Aamiin Aamiin.

Free Free Free !!

26/11/2025

Dadkii tolomogaha sheegadka u ahaa ninwalba qabiilkiisii h**e ayuu ayuu iskaga laabtay markuu dhib dareemana waa tolomoge yaab!!

02/11/2025

Nimanka booliska ah ee godey joogee camaasiirta ah hadaan shacabka laga,soo gaadhin cadho alle ayaa ka iman doonta

03/08/2025

Dhul boobka godey ka socda
Waxa ku so heshiiyay
Wasiir hurdaaye iyo maayir shaydaan
Goobaha dhulka maxkamaddii h**e e godey
Xafiiska xafada 1aad iyo police kii h**e e degmada godey

Wa sababta u isu casilay Eng axmed Abdullahi

Wilkaa yar e axmed jabane ah waxuu diiday in dhulkiisa la dhaco

Gudomiyaha gobolka marxuun miyaa abdi farax mise wu la ogyahay

25/07/2025

iscasil hadaad dadkaaga la,dareen tahay

26/04/2025

Cadaaadle

Waa degmo dhacda dhinaca koonfureed ee magaalada godey, una jirta 18 KM kana mid ah tobanka degmo ee gobolka shabeele uu ka koobanyahay.
Waxaa wada dega beelaha walaalaha ah ee Cabdale iyo cowlyahan, Sababaha degma nimadeeda kaliftay waxaa loo nisbeeyaa inuu ahaa Xal ka gaadhida dagaal sokeeyo oo wakhti badan qaatay dhiig walaalo is dhalayna uu ku daatay.
Degmadan awood qaybsiga siyaasada waxay ahayd mid si is la’eg loogu qaybsanayay hanaanka maamulka heerarkiisa kaladuwan Degmo iyo Deeganba, illaa iyo imaatinii xukuumada Madaxweyne Mustaf kahorna soojirijirtay.
Lkn nasiib daro imaatinki Madaxweyne Mustaf wuxuu abuuray jawi ka gadisan midkii H**e, Saluug badana ku keenay qayb kamid ah Qoysaski deegaanka ku ahaa degmada (Cabdale), Samir badan dabadiina hadda u muuqda kuwo uu karay kulaylku.
Matalaada degmadu ay ku leedahay kuraasta siyaasada waa illaa Seddex boos oo heer deegaan ah, dhamaan boosaskaas kuraastooda waxaa ku matala hal dhinac ama Qoys kamid ah Qoysaska degan degmada (Cowlyahan), halka Saamiqaybisigii Xildhibaanadana ahayd 3 oo 2 kamid ah lasiiyay cowlyahan Gudoomiyaha Degmada oo ahayd iskubadal marba Qoys Qabanayayna ilaa hada laguhayo Isla Qoys kaas (Cowlyahan).
Fariinta aan dirayno Waxaa weeye Madaxweyne Mustafe Waxaad samaynaysaa taariikh madow oo baalkeeda uu ku cusub yahay degmada una muuqata mid nin jeclaysi ku dhisan, Siina Kala fogaynaysa walaalaha wada degan.
Sida darteed waxaan codsanaynaa in Cadaalad loo sameeyo beelaha walaalaha ah ee Degmada Wada Dega.

23/04/2025

UJEEDO BAAQ

Waxaan halkan baaq uga dirayaa xildhibaanada deegaanka ee kasoo jeeda gobolka shabeele gaar ahaan beesha tolomoge
waxaan wada ogsoonahay in degmada cadaadle ay wada degaan labo beelood labada beelood ee degmadan cadaadle wada degta waxay qaybsadaan kuraasta maamulka degmada cadaadle iyo xildhibaanada laga,soo doorto degmadaas
Hadaba marka ay sidaa tahay waxaa hada ay bilowday xukumada dds inay iska indhatirto saami qaybsigii ay beesha aadan cabdale kulahayd degmada cadaadle ee saamigii heer deegaan
xukumadu waxay wasiiro iyo kuxigeeno macal agaasino isugu dartay beesha cowlyahan arintaas oo aan sax ahayn islamarkaana u muuqata sadbirsi si kas ah oo ula,kac ah loo sameeyay
Hadaba waxaan ugu baaqayaa xildhibaanada beesha tolomoge iyo guud ahaan xildhibaanada matala gobolka shabeele ee fadhiga kuleh kuraasta baarlamaanka inay ka hadlaan boobkan qaawan ee lagu hayo saamiga degmada cadaadle maadaama ay yihiin xubnihii nagu matalay golaha xildhibaanada dds

wabillaahi towfiiq

22/04/2025

Qormadani waa horu-dhaca sababihii loo aasaasay iyo Awood qaybsiga Siyaasadeed ee Degmada Cadadle

1: Sidee ayay kutimid Ujeedooyinki dhisitaan ee Degmada cadaadle
2: Maxay ahayd baahida loo hindisay degma nimadeeda iyadoo 18 KM wax kayar ujirtay Caasimada deegaanka Ee Godey Xiligi la dhisayay
3 Meeqa marxaladood ayay soo martay, ugu danbayse Hanaanka awood qaybsi ee degmada sidee loogu heshiiyay illaa heer deegaan
4 Meeqa Qabiil ayaa dega, imisa Masuul ayaase ku matala heer deegaan, yayna kala yihiin

Faah-faahinta Qodobadaas iyo kuwa la halmaama oo badan waxaynu ku qaadaa dhigi doonaa Qormadeena xigta insha Allah

06/04/2025

Gobolka shabeele iyo mmg hanti dhowrka guud ee dds waa inuu si deg deg ah u soo faragaliyaa maadaama musuqii xadhkaha goostay

27/02/2025

Saami qaybsiga gobolka shabeele sax ma,aha qabiilada qaar ayaa saami ayna xaq u lahayn lasiiyay

19/02/2025

Magacaabistii waxay noqotay kala,iibsi oo waxaa boosas waaweyn loo magacaabayaa kuwii musuqa lagu eryay hada kahor

Want your school to be the top-listed School/college in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


01
Jijiga