22/01/2025
🚨𝗦𝗜 𝗚𝗨𝗨𝗗: Si guud Xaalada Marcus Rashford oo aan weli meel u dhicin iyadoo lagu jiro labada todobaad ee ugu dambeysa suuqa January:
Rashford weli lama hubo inuu ka tagi doono United ama uu sii joogi doono taas oo ka dhigan in wax waliba kala cadaan doonaan maalinta ugu dambeysa suuqa ee 3-da February.
United weli si cad albaabada k**a xirin bixitaankiisa weli waxay diyaar u yihiin inay u ogolaadaan inuu baxo haddii dalab lagu qanci karo laga soo gudbiyo, haddii aysan taas dhicina wuxuu sii joogi karaa United.
Rashford dhankiisa wuxuu weli ku adkeysanayaa inuu taam yahay oo uu diyaar u yahay in Amorim ku soo daro xulashadiisa kooxda koobaad. [ Ornstein]
04/04/2024
Salaadii Cishe Markii Laga Baxay Ayuu Nin Kamida Dadkii Jamaca Ku Tukanayay Yidhi Malaha Waynu Sahwinayo Sadex Rag Cadood Ayaynu Tukanay ?
Sabab Markii Layidhina ?
Kuye Afar Tukaan Oo Aan Leeyahay Ayaan Rag Cad Kasta Mid Xisaabiyaa Sadex Markaan Marayo Ayaa Salaadii Laga Baxay Sidaas Ayaan Ku Garan in Aynu Sahwinay !!!!!
Aduunyadu Yaysan Aakhirada Ku Seejin.
02/04/2024
Dadka qaar maalinta ay dhiman doonaan,
ugama ay duwanaan doonto maalmihii h**e.
Sidii caadiga u ahaan jirtey ayuu qofku subixii u soo toosi doonaa, oo uu nolol maalmeedkiisii iska raacan doonaa.
Isagoo iska shaqeeysanaya, iskana madadaalaya.
Laakiin, isla maalintaas ayuu si fudud u dhiman doonaa.!
Marka uu dhinto ee la soo aaso, dadku danahoodii ayay iska raacan doonaan, wax kastaana sidii ay ahaan jireen ayay ku sii socon doonaan.
Uma muuqato in uu dunida ka maqan yahay qofkaasi, maxaa yeelay nolosha ayaa sidaa aheeyd weligeed.
Qofka ay noloshiisii gebi ahaanba is beddeshey waa isaga uun, cid caawin kartaana ma ay jirto, geeriduna isaga uun ayay haleeshay.!.
Qofka dhintey, intaas ayaa dayac ugu filan.
Walaalayaaloow, aan isu diyaarinno maalintaa aan dhiman doonno.
Doctor: Cumar Cabdul-Kaafi.
30/03/2024
Abby Hensel, oo hadda 34 jir ah, kana soojeeda Minnesota, ayaa guursatay Josh Bowling, kalkaaliye iyo mujaahid ciidan sanadkii 2021.
Abby, ayaa leh mataan ku lammaanan, oo ah, mucjisooyinka ilaahay, iyadoona leh labo madax oo isku dheggan.
02/03/2024
Deg, Ceel Wayne
kornel xuseen (waydhalaali) oo ahaa hawlgellyaha
Guud ee cidanka police ka gaarka ah ayaa gudoomiye looga dhigay degmada ceel wayne. kornelku lama haysato nidaam maamul iyo waxaas hawl ciidan
Mooyee Mida kale ciidanku ma yaqaaniin munaafaqada, tuugnimada,wax isdabamarinta, iyo habeenkii iska hoos~guurka ay maamuladu yaqaaniin)
Kadib maamulkii degmada ayuu isugu yeedhay wuxuu ku yidhi horta anigu waxaan ahay sargaal ka tirsan ciidanka sheekha ( cmc) ma aqaano muluq~muluqda iyo wax isdaba~marin iyo hawlaha maamuladu yaqaaniin markaa Aabo waxaygu waa Qad ( toos macnaha) ee sidaa uulasocda,
Qad unbaynu kuwada shaqaynaynaa
Maalinkii danbe ayuu maaliyadii ayuu waydiiyay misaaniyada degmadu waa imisa ayuu ku yidhi
waxay dhaheen aabo miisaaniyadu waa intaaso milyan
intaasina waa mushaar, intasina waa hawlfulin, intaasina mashaariic, intaasna inagaa dakhli ahaan la inooga rabaa inaan soo saaro😂
markaasu yidhi waryaada meesha miisaaniyad badan baan ku haysanaaye oo way inaga badbadantahaye, waxaanba ka yaabi waxanoo lacag ahi inay tahay midii la igu xidhi lahaaye imkaba intaas dakhli ahaanta la inooga rabo gebigeedaba hal mar Misaaniyada ka jara oo dawlada u xareeya hadii kale hadhoow way inagu fakanoo duqa Aabo ( cmc) ah inaan hadhoow isku dhacno ma rabee😂
Qolyihii Maaliyadu waxay ku dhaheen gudoomiye sidaa
ma’aha system iyo nidaam baa Jira lacagta dakhliga ee la inaga rabo waa mid buugag iyo Risiido wadata 0o shacabka si maalinle ah looga aruuriyo. kulahaa
War waxaasi dhibmale shacabka inagiiba dhex joogna
Oo hadhoow aayar dib uuga aruursane wixii aan hadhaw dawlada iyo duqa isugu dhici lahayn iga ilaaliya Aabo.
Ciidanka Aayar uun Loo dhiibayay xafiisyada Wada Qosol bay ahaayeen
01/03/2024
DHACDO UGUB AH
Waxaa maanta duulimaadkii Ethiopian Airlines ee Addis Ababa - Jigjiga ee lambarkiisu ahaa ET 212 oo ka soo kicintintay Addis Ababa 3:25 soona fadhiisatay Jigjiga 4:45 duuliye ka ahaa Duuliye Eng Hamse dahir.
Waxaa dhacdo ugub ah noqotay kolkii duuliyihii diyaarada uu ogaysiiskii duulimaadka ku sheegay luqada Af Soomaaliga. Waana kolkii u horaysay ee Duulimaad diyaarada Ethiopian Airlines ah lagu ogaysiisyo Af Soomaali oo la raaciyo Af Ingiriiska iyo Af Xabashiga oo h**e u jiray.
Duuliye Xamse waxaa kale oo uu ogaysiiskaa oo kale ka sameeyay duulimaadkii Et 213 oo ka kicitintay Jigjiga 5:15 kana degtay Addis Ababa 6:35 makhribnimo
Qoraalkan aad hoos ku arkaydaan waxaa bartiisa Facebooka doo dhigay Duuliye Eng Hamse Dahir
“Waxaan Maanta Duuliye ka ahaa Dulimaadka number kiisu yahay 212/13 waxaase Tariikh noqotay Markii ugu horaysay in aan war bxinta Diyaarada ku bixiyay luuqada Afsomali ga ah Taas oo waligeed horay loogu bixinin Ilaa iyo intii la’aas Aasay shirkada.
Waxaa Intaas Dheer in Rakaabka diyaaradu ay aad ugu faraxsanayeen, iyo shaqaalaha diyaarada ila saran oo ad ugu riyaaqay Hadii Tariikhda dib loogu noqdo xili Waxaa jirtay luuqada ingiriiska Oo kaliya lagu bixin jiray Oo duuliyayaasha diyaarada ay ahayeen ajinabi( Cadaan ah ) dadaal badan kadib Waxaa lagu soodaray luuqada Qaranka ( Axmaari ) Markii lahelay duliyayaal badan oo dalka udhashay Waxaase Tariikhda gashay Maanta 29-February 2024 in aan luuqadooda Hooyo kula hadlo.
Waxaan Mahad oo dhan iskale Allah (SWTC) oo suurta galiya badqabka aan marwalba kusocono.
Waxaan marlabaad umahadcelinayaa Dhamaan shacabka Degaanka oo marwalba Dhiiragalin Ii muumin jiray waxaanse ubalan qadayaa Hadii aad rakabkayga kamiqnoqotaan in aan warbixinta idin kusiindoono luuqada aad ku fahmaysaan oo ah afsomali.’
28/02/2024
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah Madaxtooyadda Qaranka kula qaatay safiirka dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga, mudane İbrahim Mete YAĞLI waxa uuna ku bogaadiyey daddaalladii diblomaasiyadeed ee uu ku bixiyey horumarinta iskaashiga labada dalka.
28/02/2024
Waa Masaajidka ugu weyn Africa waxaa laga dhisay dalka Algeria, 120 kun oo qof ayaa halkii mar ku tukan karta Masjidkan.
Madaxweynaha Algeria ayaa xarigga ka jaray
28/02/2024
Kebri Dahar! Magaalo dadkeedi isu tashi ku dhistay Dowladana sifiican oo la xisaabtamay oo hormar dhinac kastaba helay walina xaquuqa badan ka dabayso dhanka dowlada