Xafiiska Maamulka Degmada Shilaabo

Xafiiska Maamulka Degmada  Shilaabo

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xafiiska Maamulka Degmada Shilaabo, Shilabo, Jijiga.

Photos from Xafiiska Maamulka Degmada  Shilaabo's post 18/06/2026

Saaka waxaan si rasmi ah u furnay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad, oo isku mar biloowday Dg. Shilaabo Ee Gobolka Qorraxay. Imtixaanku wuxuu ku bilowday jawi deggan, iyo diyaar-garow heer sare ah.
Sannadkan waxaa imtixaanka u fadhiistay
229.lab
209.dhadig.
Wadarta 438 Arday.

Waxaan u mahadcelinaynaa bahda waxbarashada,masuuliyiinta maamulayaasha dugsiyada, macallimiinta, waalidiinta, hay’adaha amniga iyo dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadatay diyaarinta iyo hirgelinta imtixaankan muhiimka ah.

Guul ayaan u rajaynaynaa dhammaan ardayda galaysa Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad. 📚✍️.

Photos from Xafiiska Maamulka Degmada  Shilaabo's post 15/06/2026

Degmada shilaabo

Waxaa saka ka qabsomay tababar loo qabanayay golaha kabanetka ee dagmada shilaabo

Hoggaaminta iyo xubnaha xisbiga Ee degmada shilaabo oo yeeshay kulan lagu qiimeeyay geeddi-socodkii doorashada, heerka fulinta qorshayaashii iyo hawlihii la qabtay intii lagu guda jiray doorashada, iyo sidoo kale dejinta jihooyinka shaqo ee mudnaanta la siinayo xilliga doorashada kaddib.

Qiimaynta lagu sameeyay kulankan ayaa muujisay in qorshayaashii iyo hawlihii istaraatiijiga ahaa ee la dejiyay ay si wax-ku-ool ah u hirgaleen, taasoo gacan ka geysatay xaqiijinta yoolalkii laga lahaa geeddi-socodka doorashada 7aad

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray falanqaynta guulihii la gaaray, caqabadihii lala kulmay iyo casharradii laga bartay hannaankii doorashada, si loo sii xoojiyo hufnaanta, wada-shaqaynta iyo tayada hawlaha mustaqbalka.

Hoggaaminta iyo xubnaha xisbiga degmada shilaabo ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay sii wadista dadaallada lagu xoojinayo nabadda, midnimada bulshada iyo horumarka, si loo xaqiijiyo himilooyinka horumarineed ee Degmada shilaabo

geeddi-socodkii doorashada, heerka fulinta qorshayaashii iyo hawlihii la qabtay intii lagu guda jiray doorashada, iyo sidoo kale dejinta jihooyinka shaqo ee mudnaanta la siinayo xilliga doorashada kaddib.

Qiimaynta lagu sameeyay kulankan ayaa muujinaysa in qorshayaashii iyo hawlihii istaraatiijiga ahaa ee la dejiyay ay si wax-ku-ool ah u hirgaleen, taasoo gacan ka geysatay xaqiijinta yoolalkii laga lahaa geeddi-socodka doorashada 7aad

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray falanqaynta guulihii la gaaray, caqabadihii lala kulmay iyo casharradii laga bartay hannaankii doorashada, si loo sii xoojiyo hufnaanta, wada-shaqaynta iyo tayada hawlaha mustaqbalka.

Hoggaaminta iyo xubnaha xisbiga degmada shilaabo ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay sii wadista dadaallada lagu xoojinayo nabadda, midnimada bulshada iyo horumarka, si loo xaqiijiyo himilooyinka horumarineed ee magaalada iyo kor u qaadista adeegyada kala duwan

Photos from Xafiiska Maamulka Degmada  Shilaabo's post 10/06/2026

Waxaa ka qabsoomay degmada Shilaabo shir ay yeesheen hay’adaha cadaaladda iyo guddiga xidhiidhinta degmada shilaabo kaas oo looga hadlay xaaladda nabadgalyada.

Shirka ayaa lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa amniga iyo wada shaqaynta hay’adaha, iyadoo la isla qaatay in la kordhiyo wacyigelinta bulshada iyo ka hortagga falalka amni darrada.

Ugu dambayn, waxaa la isku raacay in la dardar geliyo dadaallada lagu ilaalinayo nabadgalyada degmada shilaabo

Photos from Xafiiska Maamulka Degmada  Shilaabo's post 10/06/2026

Iyadoo wali lagu sii gudo jiro kormeerkii u
Madax xafiiseedka Xafiiska Cadaaladda Gobolka Qorraxey, Mudane Xuseen Baarax Mursal, u halkiisi kasii socdo ayey maanta dul istaageen degmada Shilaabo halkaasi oo ay wali kusii wehelinayaan xubnihii gudiga maamulka xeerilaalinta gobolka qorahay oo ay kamid yihiin madax xafiiseedka degmada qabridahare mudane sareye cabdi axmed iyo xasan cismaan axmed sidoo kale gudoomiyaha maxkamada gobolka qorahay mudane fadxi jibriil ibraahin ,iyo madaxxafiiseedka ganacsiga gobolka qoraxay bashir xuseen diiriye
Ugu dambayntii masuulka oo sheegay sababaha ugu balaadhan ee kormeerkani inay tahay isbarasho iyo dardargalintii shaqooyinkii hada ka hor loo hayey bulshada sidoo kale ilaalinta saacadaha shaqada iyo shaqogalka

Xafiiska. Cadaalada DDS

Photos from Xafiiska Maamulka Degmada  Shilaabo's post 03/06/2026

Waxaa si rasmi ah xadhigga looga jaray mashruuca biyo-xidheenka iyo nidaamka biyogelinta ee degmada Higloolay, gobolka Qoraxey—mashruuc muhiim u ah horumarinta nolosha bulshada deegaanka.

Munaasabadda furitaanka mashruucan waxaa ka qaybgalay masuuliyiin heer deegaan iyo heer gobol ah, oo ay ka mid ahaayeen Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Kobcinta Awoodda Xisbiga Barwaaqo ee Deegaanka Soomaalida, Mudane Cabdiraxmaan Axmed Xasan, Wasiirka Xafiiska Horumarinta Waraabka DDS, Mudane Maxamed Faatax Maxamed, iyo masuuliyiin kale. Sidoo kale waxaa goob-joog ka ahaa hoggaaminta Gobolka Qoraxey iyo maamulada degmooyinka, gaar ahaan maamulka degmada Shilaabo oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha degmada, Mudane Farax Mawel Mahamud.

Mashruucan biyo-xidheenka iyo nidaamka biyogelintu waa mid si weyn uga qayb qaadan doona daboolidda baahiyaha aas-aasiga ah ee bulshada, gaar ahaan helitaanka biyo nadiif ah iyo horumarinta dhinacyada nolosha iyo wax-soo-saarka. Waxa uu sidoo kale kor u qaadi doonaa fursadaha horumarineed ee deegaanka, isagoo door muuqda ka qaadan doona kobcinta adeegyada bulshada iyo xoojinta nolol-wanaagga shacabka ku dhaqan degmada Higloolay.

Guud ahaan, hirgelinta mashruucan ayaa muujinaysa dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee Deegaanka Soomaalida.

Photos from Xafiiska Maamulka Degmada  Shilaabo's post 01/06/2026

Shilaabo, – Codbixinta Doorashada Guud ee 7-aad ee dalka ayaa si rasmi ah uga bilaabatay degmada Shilaabo saaka 12:00 aroornimo, iyadoo shacabka degmada ay muujiyeen ka-qaybgal ballaadhan iyo wacyi dimuqraadiyadeed oo heer sare ah.

Goobaha codbixinta ayaa lagu arkayay muwaadiniin safaf dhaadheer ugu jira sidii ay codkooda ugu dhiiban lahaayeen si xor ah, nabad ah, isla markaana waafaqsan nidaamka doorashada. Habsami-u-socodka codbixinta, ilaalinta amniga, iyo nidaamka wanaagsan ee ka jira goobaha codbixinta ayaa soo jiitay dareenka bulshada iyo daneeyayaasha kala duwan.

Ka-qaybgalka xooggan ee shacabka Shilaabo wuxuu muujinayaa sida ay uga go’an tahay inay doorkooda ka qaataan xoojinta dimuqraadiyadda, dowlad-wanaagga, iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka. Dadka codbixinaya ayaa si deggan oo masuuliyad leh u gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah, taas oo ka tarjumaysa kalsoonida ay ku qabaan geeddi-socodka doorashada.

Doorashadan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo hay’adaha dimuqraadiyadeed iyo ka-qaybgalka shacabka ee go’aannada masiiriga ah ee dalka, iyadoo degmada Shilaabo ay maanta soo bandhigtay sawir qurux badan oo ka tarjumaya dimuqraadiyad, nabad, iyo isku duubni bulsho.

“Codka muwaadinku waa tiirka dimuqraadiyadda, shacabka Shilaabo waxay maanta dunida tusayaan qiimaha ka-qaybgalka doorasho xor ah, nabdoon, oo hufan.”

Photos from Xafiiska Maamulka Degmada  Shilaabo's post 27/05/2026

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Shidaalka DDS, Marwo Idman Ugaas Mahamud, ahna musharrax u taagan xilka xildhibaan ee degmada Shilaabo, iyo Mudane Maxamed Duulane Guulleed oo isna ah musharrax xildhibaan ee degmada Shilaabo, ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay guddigii hoggaaminayay tartanka kubadda cagta.

Shahaado-sharafkan ayaa lagu maamuusay dadaalka, hufnaanta iyo kaalinta muuqata ee guddidu ka qaadatay abaabulka iyo hirgelinta tartanka, taas oo door weyn ka qaadatay xoojinta isdhexgalka bulshada iyo horumarinta ciyaaraha degmada shilaabo.

Photos from Xafiiska Maamulka Degmada  Shilaabo's post 27/05/2026

Labada rakcadood ee salaadda munaasibadda Ciidul-Adxa ee sanadka Hijriyada 1447 ayaa si habsami leh loogu oogay garoonka kubadda cagta ee Magalada Shilaabo.

Photos from Xafiiska Maamulka Degmada  Shilaabo's post 26/05/2026

Waxaa saaka si habsami leh uga qabsoomay xafiiska maamulka degmada Shilaabo shirkii 7-aad ee golaha kabineedka degmada, kaas oo muhiimad gaar ah u lahaa dardargelinta hawlaha shaqo iyo xaaladaha guud ee degmada.

Shirka oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha degmada Shilaabo, faarax haaji maweel ayaa waxaa ka soo qayb galay xubnaha golaha kabineedka, iyadoo si qoto dheer looga dooday arrimo mudnaan leh oo taabanaya nolosha bulshada iyo amniga guud ee degmada.

Qodobada muhiimka ah ee shirka looga hadlay waxaa ka mid ahaa:

1. U diyaar-garowga munaasabadda Ciidda, iyadoo la xoojinayo qorsheynta iyo isku dubaridka hawlaha la xiriira nadaafadda, bilicda magaalada, iyo adeegyada bulshada, si ay shacabka degmada ugu ciidaan jawi nadiif ah oo ammaan ah.
2. Adkeynta xaaladda nabadgelyada, iyadoo la faray hay’adaha amniga in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu sugayo amniga, lana xoojiyo wada shaqeynta ka dhaxaysa bulshada iyo ciidammada amniga si loo ilaaliyo xasilloonida degmada.

Ugu dambeyn, shirka ayaa lagu soo xiray dardaaran ku aaddan in la xoojiyo wada shaqeynta, isla markaana si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta iyo ilaalinta nabadda degmada Shilaabo.

Photos from Xafiiska Maamulka Degmada  Shilaabo's post 24/05/2026

Waxaa qabalaha Mirkeynan ee degmada Shilaabo si rasmi ah uga bilowday qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka (National ID), taas oo ah tallaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo diiwaangelinta iyo aqoonsiga muwaadiniinta.

Hawshan ayaa ujeedadeedu tahay in bulshada deegaanka loo sahlo helitaanka aqoonsi rasmi ah oo ay ku heli karaan adeegyada kala duwan ee dowladda, sida waxbarashada, caafimaadka, iyo adeegyada kale ee aas-aasiga ah. Sidoo kale, qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka waxay door weyn ka qaadanaysaa xoojinta nabadgelyada, maamulka hufan, iyo qorsheynta horumarka bulshada.

Mas’uuliyiinta degmada Shilaabo iyo kuwa gobolka ayaa si dhow ula socda hirgelinta barnaamijkan, iyagoo bulshada ku dhiirrigelinaya inay si firfircoon uga qayb qaataan, kana faa’iidaystaan fursaddan muhiimka ah.

Ugu dambayn, waxaa si gaar ah loogu baaqayaa dhammaan bulshada ku nool qabalaha Mirkeynan inay iska diiwaangeliyaan qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si ay u helaan aqoonsi rasmi ah oo wax badan ka tari doona noloshooda iyo mustaqbalkooda

Want your school to be the top-listed School/college in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Shilabo
Jijiga