06/02/2025
Sidaaysay Noloshu i Bartay
Pagekan waxaad ka heli doontaa xigmad iyo murti
06/02/2025
06/02/2025
Saaxibayaal qodob yar oo kooban baan rabaa inaan idinla wadaago oo aniga ahaan wax badan iiga baxay se laga yaabo in adiga ama shaqsi kalaba uu wax badan u taro.
Badanaa ama sida caadiga ah markaan cunto suuqa ka cunayno waxaynu u tagnaa hotels-ka ama makhaayadaha waa wayn oo aan cuntooyinka ka cunaa inagoo aana u tagayn inay cunto macaan tahay ee u tagayna wayni ama aqoon loo lee yahay meeshaas. Ma og tahay in makhaayaaha waa wayn ay u ganacsadaan inay taajiraan ee aysan u ganacsan nolol maalmeed iyo wixii lamid ah?.
Waxaa danbi innagu ah inaan dad hantiilayaal ah lacag teena u gayno iyada oo aysan waxba u tarayn oo aan waliba og nahay. Laakiin maanta hadii hooyo soomaaliyeed ama aabbe soomaaliiyeed oo makhaayad yar haysta aan wax kaga cuno ay wax wayn u tarayso dhanka nolol maalmeedka iyo waliba dhanka moral-kaba.
Hantidaada miskiinka wax ugu tar. Hana siin qof aan waxba kaaga baahnayn.
Waxaa qoray: Abdirahman Hassen.
06/02/2025
08/12/2023
HALIS MA U NAHAY MUSUQA NOOCIISA IBTILADA AH EE DHUUXA IYO LAFAHA DAWLADNIMADA GALA MUWAADINKANA MAANKA KA DEGA?
Musuqmaasuqa noociisa ugu weyn waxa la yidhaa Systematic Corruption; waa marka musuqu dhuuxa iyo lafaha dal leeyahay galo ee uu maskaxda dadka d**o shuruucda qarankana halakeeyo.
musuqa noociisan ibtilada ahi marka uu ummad ismaamulkeed amma dawladnimadeed ku yimaado; erayga ku habboon ee umaddaa lagu odhan karaa waa Alle ha idiin naxariisto.
Sababta eraygani ugu habboon yahay in dalkaa iyo dadkiisaa loo adeegsado waa in musuqa noocan ahi la mid yahay xanuunka Kansarka oo kale. Waa sidii oo uu cudurku jidhka unugyadiisa ugu waaweyn sida beerka, wadnaha, sanbabada iyo kelyaha rawaxinyo oo kale.
Iswaydiintu waxa ay tahay musuqa noociisan ibtilada ahi ma ka jiraa Deegaanka soomaalida ? Si aynnu su’aashan uga jawaabno, bal aan u gonda-d**o inta aan ka ogahay heerka musuqa ka jira Deegaanka ee aan soo taabtay.
Musuqa maanta Deegaanka ka jira ee aan sida fiican u darsay saddexdii sano ee aan ku noqnoqnayey waa saddex nooc:-
1. Bureaucratic Corruption; waa nooca laaluushka aynnu naqaan amma hawl fududaynta; sidoo kale waxa ku jira qabaxda cusub ee wariyayaasha aakhir-sabaanka ah. Noocan isaga waa mid habarta indhaha li’i ay ogsoon tahay oo aan cidna caad ka saarneyn.
Musuqani waa uu laangadhaysiiyaa nolosha dawladnimada. Nasiib wanaag se waa mid haddii hoggaan go’aan qaadasho leh oo diyaar ah la helo laga takhalusi karo.
2. Grand Corruption; musuqa noocan ahi waa mid aad u culus, waa musuq isaga tallaabay wixii la wada lahaa iyo wixii gaarka loo lahaa ((private & public sectors).
Waa musuq gaadha ilaa heer siyaasigu uu ganacsade noqdo, sharciga hadba dhinicii la doono loo duwo, khayraadka dalka la iibsado, danta qaranka laga doorto mid shakhsi ah; waana marka boobku iyo xatooyada Dawladu ay ceeb noqon waydo!
Waa musuq dawladnimada u ekaysiiya in ay cadow ku tahay dadkeeda iyo dalkeeda, waa musuq aakhirka dadka dhexdiisa uur xumo ku keena oo dulleeya ahdaafta qaranka, isla markaana ka takhalusa hammadda nololeed ee da’ yarta.
Nin diida iyo nin ogolaada, nin wax og iyo nimaan waxba ogayn, nin dan leh iyo nimaan wax dhaadayn kaa doonto noqo, se maanta musuqani Deegaanka waa uu yaal haddii aan wax laga qaban aakhirka waa uu hagaasin oo dhakhso qayrkeed uga reebi.
Meelaha uu aadka uga jiraana waa xarumaha iyo hay’aadka adeegga dawladda iyo hay’aadka caalamiga iyo kuwa maxalliga ah (NGOs) ee Deegaanka soomalida jooga. Musuqani waxa uu caan ku yahay sicir barar iyo bulshada oo laba dabaqadood noqoto oo inta badani daranyo hoogto.
3. Legal and Moral Corruption; musuqan la kor dhabay ee haddana la hoos dhabay dadkeena aad ayuu ugu badan yahay. Waana musuq weyn oo aakhirka isku beddela Systematic Corruption haddii aan si weyn loo gaadhin.
Maanta haddii aan laga gaadhin deegaanka saddexdan musuq ee halaagga ahi ka jiraan waxa hubaal ah in aaney dawladnimadeenu sii jiri doonin. Waxa se nasiib wanaag ah in musuqan saddexda ah ( Bureaucratic Corruption, Grand Corruption & Legal and Moral Corruption) la la dagaallami karo haddii hoggaamiye san la helo.
haddii se dhakhso loo la dagaallami waayo, waxa uu u muddo kooban ugu gudbi doonaa Systematic Corruption oo ah musuq aan cillinkiisa la saari karin oo marka ay ugu yar tahay haddii dagaal lagu qaado laga ga adkaan karo in ka badan 100 sano. Deegaanka , musuqaa dhibkiisa Alle ha garansiiyo.
01/07/2023
Qolaba calankeedu waa cayn inagana keenu waa cirkoo kale aan caadna lahayne caashaqa.
Hambalyo 1 luuliyo maalin ku weyn umadda soomaaliyeed
"Labada maalmood ee noloshaada ugu muhiimsan waa maalinkaad dhalatay iyo maalinkaad ogaato sababta aad u dhalatay"
Beentu waxay socon kartaa kala badh aduunka, iyadoo runtu wali kabaha gashanayso."
Si kastoo aad isu dhaafdhaafiso,
Si kastoo aad isu ilowsiiso,
Xaqiiqadu waa geeri iyo inaad dhimanayso.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Telephone
Website
Address
Jijiga