Midowga Ardayda DDS wuxuu hambalyo diiran u dirayaa dhammaan shacabka Dawlad Deegaanka Soomalida munaasabadda qiimaha leh ee 33-aad ee Maalinta Midnimada iyo Jiritaanka Shacabka Dawlad Deegaanka Soomaalida.
Maalintani waa xus muujinaya qiimaha midnimada, wadajirka, nabadda, iyo halgankii lagu dhisay jiritaanka bulshada.
Hambalyo dhammaan shacabka Dowlad Deegaanka Soomaalida.
》Xuquuqda muqaalka Yool media 👏
Ururka Midowga Ardayda D.D.S
PAGE KAN WAXA LOO AASAASAY ARDAYDA DEEGANKA SOMALIDA. WAXA UUNA KU SHAQEYA HAB MUTADAWACNIMO AH (VOLUNTEERINISM).
WAXA UUNA XAFIISKIISU KU YAALA JIJIGA UNIVERSITY
Soo Koobid: Tababarkii Wacyi-Gelinta ardayda
Tababarkan wacyi-gelinta ah, oo lagu qabtay Dugsiga Cumar Binu Khadaab 2, wuxuu diiradda saaray:
- Ka hortagga dhaqamada xunxun.
- Ku dhiirrigelinta dhaqamada wanaagsan.
- Is-dhisidda shaqsiyadeed.
- La dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah dumarka.
Waxaana si buuxda u taaba-gelisay Hay’adda TAYA, oo u taagan horumarinta dhalinyarada.
21/12/2025
Waxaa si rasmi ah usoo dhammaaday tababar wacyigelineed oo muhiim ah, kaas oo diiradda lagu saaray:
- Ka hortagga dhaqamada xunxun.
- Ku dhiirashada dhaqamada wanaagsan.
- Is-dhisidda shaqsiyadeed.
- La dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah dumarka.
Tababarkan, oo socday muddo hal bil ah, ayaa ka qabsoomay magaalooyinka Jigjiga, Qabribayax, iyo Dhagaxbuur, waxaana ka faa’iideystay in ka badan 100 arday, kuwaas oo helay aqoon iyo tababar wax ku ool ah oo kor u qaaday wacyigooda iyo fahamkooda ku aaddan arrimahan muhiimka ah.
Tababarkan waxaa si buuxda u taaba galisay hay’adda TAYA, oo mar walba u taagan horumarinta bulshada iyo dhiirrigelinta dhaqamada wanaagsan.
Mahadsanid TAYA iyo dhammaan ka qeybgalayaashii ka faa’iideystay tababarkan muhiimka ah.
09/11/2025
Maanta oo ay taariikhdu tahay: 09/11/2025 waxaa kulan wada-tashi ah yeeshay Guddiga Fulinta ee Ururka Midowga Ardayda DDS. Kulankan ayaa ahaa mid muhiim ah oo ay ka soo qayb-galeen xubnaha gudiga fulinta ee 11-gobal, waxaana lagu falanqeeyay arrimo la xiriira hawlaha ururka.👇
• Midowga Ardaydaydu waa midaynta Ardayda DDS.
• Midowga Ardaydaydu waa muunada ardayda DDS.
• Midowga Ardaydaydu waa matalaada ardayda DDS.
• Midowga Ardaydaydu minjo iyo madaxba waa ardayda DDS.
• Midowga Ardaydaydu waa mulkiilaha iyo aasaasaha madashan kulmisay ardayda DDS.
• Muuqiisu waa mid ku timid muruq iyo maskax ardayeed.
• Mawqifkiisu waa mid hiigsanaya midnimada ardayda DDS oo dhan.
• Marna ma wiiqmo oo maliico dareen ardayeed, mana jabo marxalad kasta.
23/10/2025
Xafladda xidhitaanka hawlaha tabarucaadka xagaaga ee 2017, oo uu soo agaasimay Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha DDS, ayaa lagu qabtay magaalada Jigjiga.
Intii xafladda lagu jiray, Ururka Midowga Ardayda DDS ayaa lagu abaalmariyay Shahaado Sharaf dadaalka qiimaha lahaa ee ka muujiyeen hawlaha tabarucaadka bilaha xagaaga awgeed.
Waxaan uga mahadcelineynaa Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha DDS Garwaaqsiga ku aadan shaqooyinka midowga ardayda.
10/10/2025
Midowga Ardayda DDS ayaa lagu abaalmariyay Shahaado Sharaf intii lagu guda jiray Shirweynihii 34-aad ee Waxbarashada Heer Deegaan, taasoo ay ku muteysteen dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan horumarinta waxbarashada iyo taageerada ardayda.
Midowga ayaa had iyo jeer u taagan garab istaagga ardayda iyo hawlaha tabarucaadka, iyagoo kaalin muuqata ka qaata kobcinta fursadaha waxbarasho iyo isku duubnida bulshada.
07/10/2025
WAR FARXAD LEH
Waxaa la shaaciyay dhibcaha lagu galayo kebista Jaamacadaha 2018:
Deegaannada Hormaray:
- Ragga: Social iyo Naturalba: 216
- Dumarka: Social iyo Naturalba: 204
- Deegaannada Soo Koraya iyo Xoolo-dhaqatada:
- Ragga iyo Dumarka: 198
Innagu Deegaannada Soo Koraya ayaan ku jirnaa. Ardayga fasalka 12-aad ee dhibcahaas gaadhaya waa inuu si wanaagsan uga faa’iidaystaa fursaddan.
Fursad cusub oo waxbarasho ayaa idiin furantay, fadlan u diyaar garooba 🎓✨
15/09/2025
Halkaa haka eegtaan natiijada Imtixaanka ardaydii 12aad ee sugayay natiijada.
1. Website፡ https://result.eaes.et
2. Telgram፡ https://t.me/EAESbot
3. Fariinta gaaban ee SMS: 6284
13/09/2025
Guul baan u rajaynaynaa ardayda fasalka 12-aad ee berri eegan doona natiijada imtixaanka fasalka 12-aad ee sanadkii tegay.
ማስታወቂያ
ለሁሉም ሚዲያ አካላት
የ2017 ትምህርት ዘመን የ12ኛ ክፍል ማጠናቀቂያ ሀገር አቀፍ ፈተና ውጤት ትንተና እና አንድምታዎቹ ላይ ነገ እሁድ መስከረም 04/2018 ዓ.ም ከ ቀኑ 10፡00 ጀምሮ በሚኒስቴሩ አዳራሽ ለሚድያ አካላት ማብራሪያ ይሰጣል።
በመሆኑም በተጠቀሰው ሰዓት ተገኝታችሁ ማብራሪያውን በመከታተል መረጃውን ለህብረተሰቡ ተደርሽ እንድታደርጉ የተጋበዛችሁ መሆኑን እንገልጻለን።
ትምህርት ሚኒስቴር
31/08/2025
Ururka Midowga Ardayda DDS, laantiisa degmada Xamaro, oo kaashanaya Xafiiska Waxbarashada ee Degmada Xamaro, iyo maamulka degmada ayaa si heer sare ah u soo agaasimay xaflad lagu soo xidhay barnaamijkii waxbarashada tabarucaadka ee bilaha xagaaga. Barnaamijkan ayaa inta lagu guda jiray fasaxa xagaaga ka socday degmada Xamaro, iyada oo diiradda la saarayay kobcinta aqoonta ardayda.
Xafladda ayaa ugu horreyn lagu qaaday imtixaan tijaabo ah oo lagu qiimeeyay fahanka ardayda. Ugu dambeyntii, ardaydii kaalmaha h**e ka gashay imtixaanka, macallimiintii dadaalka weyn gelisay barnaamijka, iyo maamulkii kala qayb qaatay hawlgalka ayaa la guddoonsiiyay shahaado-sharafyo mahadnaq ah, si loo dhiirrigeliyo dadaalkooda iyo guulaha la gaaray.
Ururka Midowga Ardayda DDS wuxuu uga mahadcelinayaa maamulka degmada Xamaro doorkii muhiimka ahaa ee ay ka qaateen waxbarashada tabarucaadka xagaaga ee sanadkan.
26/08/2025
Ururka Midowga Ardayda DDS, oo kaashanaya Xafiiska Waxbarashada iyo Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha DDS, ayaa si firfircoon u wado hawlaha tabarucaadka waxbarashada bilaha xagaaga, iyagoo ujeedkoodu yahay horumarinta fursadaha waxbarasho ee dhalinyarada.
Masuuliyiinta Ururka, iyagoo ku guda jira hawlahooda tabarucaad ee muhiimka ah, ayaa booqasho rasmi ah ku tagey Dugsiga Sheekh Cabdisalaan. Intii ay halkaas joogeen, waxay warbixin muhiim ah siiyeen Warbaahinta SRTV Somali, taas oo diiradda lagu saaray horumarka waxbarashada tabarucaadka sanadkan, iyo sida ay uga go’an tahay Ururka Midowga Ardayda DDS iyo bahwadaagtooda ka socda xafiisyada dowladda in ay sare u qaadaan tayada iyo helitaanka waxbarasho ee bulshada.
Hawlahan tabarucaadka oo ka socda qaybo kamida deeganka ayaa si habsamileh usocoda sanadkan.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Telephone
Website
Address
Jigjiga
Jijiga