Akaademiyadda Qalin-dhuux

Akaademiyadda Qalin-dhuux Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Akaademiyadda Qalin-dhuux, Jigjiga, Jigjiga.

Qalindhuux waxa ay u taagan tahay horumarinta, kobcinta, iyo tayaynta
afka Soomaaliga; iyada oo si gaar ah
diiradda u saarta sixidda habqoraalka toolmoon, curinta sheekada gaaban,
qorista cilmibaadhista, iyo turjumidda.

Akaademiyadda Qalindhuux farxad weyn bay u ahayd in ay shalay galab ka qaybgasho kana qaybqaadato barnaamij kooban oo la...
12/04/2026

Akaademiyadda Qalindhuux farxad weyn bay u ahayd in ay shalay galab ka qaybgasho kana qaybqaadato barnaamij kooban oo la gu falanqaynayay Raacatadu aragtida ay dumarka ka qabaan kaas oo uu soo agaasimay Naadiga Jaamacadda Jigjiga uuna soo jeediyay Sakariye Dhoollayare.

07/04/2026

Akaademiyadda Qalin-Dhuux waxa ay si joogto ah uga shaqaysaa kobcinta aqoonta, suugaanta iyo wacyiga bulshada ee la xidhiidha afka iyo dhaqanka. Iyadoo ka duulaysa himiladaas, akaademiyaddu waxay qabatay barnaamij muhiim ah oo cinwaankiisu yahay 'Suugaanta Colaadda: sheekooyinka ku saabsan colaadda'.

Barnaamijkan oo ahaa mid falanqayn iyo dood cilmiyeed xambaarsan waxa soo jeediyay Guddoomiyaha Akaademiyadda Qalin-Dhuux Dr. Qodax Daa’uud, isaga oo si qoto dheer uga hadlay doorka suugaantu ku leedahay colaadaha—sida ay mararka qaarkood u hurin karto, mararka kalena u dejin karto bulshooyinka.

Akaademiyadda Qalindhuux waxaa ka go'an in ay si ballaadhan u soo diyaariso mawaadiicda ay soo gudbinayso. Akaademiyadda Qalin-Dhuux waxay sii wadi doontaa barnaamijyada noocan oo kale ah ee kor u qaadaya aqoonta, dhiirrigelinayana doorka suugaantu ku leedahay fahamka bulshada iyo nabad-dhiska.

Akaademiyadda Qalin-Dhuux

02/04/2026

Hadal jeedintii Guddoomiyaha Akaademiyadda Qalin-dhuux ee Bandhiggii Buugga Han-dhis.

Guddoomiye Qodax Daa'uud waxa uu ka hadlay qoraalka, heerka uu gaadhsiisanyahay iyo sida ay marwalba Akaademiyadda Qalindhuux ugu hawlantahay horumarinta aqoonta afka.


Akaademiyadda Qalindhuux waxa ay ka mid ahayd marti sharaftiii xalay ka qayb gashay Bandhigga Buugga Handhis oo ka qabso...
29/03/2026

Akaademiyadda Qalindhuux waxa ay ka mid ahayd marti sharaftiii xalay ka qayb gashay Bandhigga Buugga Handhis oo ka qabsoomay magaalada Jigjiga kaas oo ay qortay Seynab Cali.

Akaademiyadda Qalindhuux waxay marwalba ku hawlan tahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta bulshada ee dhinaca qoraalka. Waxa ayna garab taagan tahay hablaha halabuurka leh gaar ahaanna qoraayada.

Ugu dambayn, waxa aannu hambalyaynaynnaa qoraaga buugga taas oo waqtigeedii, maskaxdeedii iyo maalkeediiba gelisay sidii ay innoola wadaagi lahayd halabuurkeeda.

Akaademiyadda Qalindhuux waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan ummadda Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan mu...
20/03/2026

Akaademiyadda Qalindhuux waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan ummadda Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga awgeed. Waxaan idin rajaynaynaa farxad, nabad, iyo barwaaqo.

Sidoo kale, waxaan Alle SWT ka baryaynaa inuu naga aqbalo acmaashii suubanaa ee aynu soo gudannay bisha barakaysan ee Ramadaan—soonkii, salaaddii, sadaqadii iyo dhammaan cibaadooyinkii kale.

Ciid wanaagsan, caafimaad iyo cibaado suuban Alle ha inagu gaadhsiiyo sannadaha soo socda.

Akaademiyadda Qalindhuux waxay maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 21-ka Febraayo ka qayb gashay xuska Maalinta Caal...
21/02/2026

Akaademiyadda Qalindhuux waxay maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 21-ka Febraayo ka qayb gashay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo.

Munaasabaddan waxaa soo agaasimay Xafiiska Dhaqanka iyo Dalxiiska DDS, iyagoo kaashanaya Machadka Afsoomaaliga ee Jaamacadda Jigjiga iyo Akadeemiye Goboleedka Afsoomaaliga (AGA) laanta deegaanka.

Ujeeddada xuskan ayaa ahayd kor u qaadidda, ilaalinta iyo horumarinta Afka Soomaaliga, oo ah tiirka jiritaanka iyo aqoonsiga ummadda Soomaaliyeed. Waxaa madasha lagu soo bandhigay doodo aqooneed, suugaan, iyo aragtiyo ku saabsan kaalinta afku ku leeyahay dhismaha bulshada.

Akaademiyadda Qalindhuux waxay caddeyneysaa in ay ka go’an tahay difaaca, horumarinta iyo faafinta Afka Soomaaliga, iyadoo aaminsan in afku yahay hiddaha iyo haybadda ummaddu ku nooshahay.

Hambalyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan bahda aqoonta iyo suugaanta ee u taagan dhowrista iyo kobcinta Afkeenna hooyo.


"Afku wuxuu la xoogyahay magliga xawda kaa jara e." Salaan CarrabeyMaanta waa maalin xusuus mudan oo astaan u ah qoridda...
21/02/2026

"Afku wuxuu la xoogyahay magliga xawda kaa jara e." Salaan Carrabey

Maanta waa maalin xusuus mudan oo astaan u ah qoridda af Soomaaliga.

Akaademiyadda Qalindhuux waxay hambalyo u diraysaa ummadda Soomaaliyeed, waxayna ku boorrinaysaa in la dhowro lana horumariyo Afkeenna Hooyo.

Afku waa jiritaan. Far-qoraalkuna waa kaydkiisa.

!

Akaademiyadda Qalin-Dhuux waxay dhammaan ummadda Muslimiinta gaar ahaan ardayda, macallimiinta iyo bulshada inteeda kale...
17/02/2026

Akaademiyadda Qalin-Dhuux waxay dhammaan ummadda Muslimiinta gaar ahaan ardayda, macallimiinta iyo bulshada inteeda kale ugu hambalyaynaysaa bisha barakaysan ee Ramadaan.

Waxaa shalay noo soo xidhmay wacyidhis ballaadhan oo akhris-qoraalka ah kaas oo akaademiyadda Qalindhuux, Midawga Qoraay...
09/02/2026

Waxaa shalay noo soo xidhmay wacyidhis ballaadhan oo akhris-qoraalka ah kaas oo akaademiyadda Qalindhuux, Midawga Qoraayada Degaanka iyo Xafiiska Waxbarashada DDS ay iska kaashanayeen muddo labo cisho ah kana qabsoomay Hoolka Tiknikada ee magaalada Dhagaxbuur. Wacyidhiskaas akaademiyadda oo uu matalayay guddoomiyuhu waxa ay kaga qaybqaatay mawduuca Habqoraaalka Toolmoon ee Far Soomaaliga iyo Waxbarashada Dugsiga Hoose. Mawduuca oo aannu ugu talagalnay inaan macallimiinta dhiga Soomaaliga dugsiyada hoose ku baraarujinno faa'iidada ka dhalanaysa in carruurta la baro qaabqoraalka toolmoon.

Dhanka kale, waxaannu buuqasho ku soo marnay Maktabadda Dhagaxbuur oo aannu ugu deeqnay buugag.

31/01/2026

Sannadkii h**e dhexdiisii ayay akaademiyaddu soo abaabbushay madal aad u qiimi badan taas oo magaceedu ahaa 'Kulanka Qoraaga'. Madashaas waxa daahfuray macallin Cabdikariin Xikmaawi oo ah qoraa ku xeeldheer afkeenna hooyo. Habeenkaas ustaadku waxa uu soo jeediyay mawduuc aad u qiimi badnaa oo uu kaga hadlayay Afmaldaha; qayb yar oo ka mid ahina waa tan.

Qayb ka mid ah xubnaha iyo maamulka sare ee akaademiyadda Qalindhuux ayaa ka qayb galay Shirweynaha Dhallinyarada Degaan...
21/01/2026

Qayb ka mid ah xubnaha iyo maamulka sare ee akaademiyadda Qalindhuux ayaa ka qayb galay Shirweynaha Dhallinyarada Degaanka Soomaalida.

Waxa ay noo ahayd madal baraarug oo aannu ku dhisnay wacyigayaga iyo xidhiidhkannaga bulsho.

19/01/2026

Waxaa farxad weyn noo ah in aan qayb ka noqonnay Golaha Latalinta Xafiiska Dhaqanka iyo Dalxiiska. Fursaddan oo aannu ku soo bandhigi doonno waxqabadka afeed ee akaademiyadda.

Address

Jigjiga
Jigjiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Akaademiyadda Qalin-dhuux posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share