17/05/2020
GODE ONLINE ACADEMY
Waxay dad badani ka cabanayaan dhanka internetka, iyagoo sheegaya inay adag tahay in muuqaallada lagasoo dajisto ama laga daawado appka gode academy. Si guud way jirtaa khad xumi dalkeenna kajirta hase ahaatee ma jirto caqabad aan xal lahayn, haddaba halkan waxaan kusoo gudbinayaa qodobbo anfacaya ardayda rabta inay ka faaiidaystaan barnaamijka gode academy, xalna way unoqon kartaa dhibaatada khad xumida ee kajirta deegaanka.
1. Waxaad samayn kartaa marka aad rabto inaad cashirrada lasoo dagto inaad tagto meel wifi leh oo aad halkaas maaddada oo dhammaystiran kalasoo dagto si aad maalmaha dambe offline ugu daawato.
2. Haddii ay saaxiibbadaa khad fiican haystaan oo ay lasoo dagaan muuqaallada waad ka dirsan kartaa oo muuqaalladu wixii aan introduction videoga ka ahayn waxay galayaan folderka: android/data/com.bahartechnology.godeacademy/files/offline. Halkaas ayaad ku arkaysaa muuqaallada ciddii aad doonto ayaadna udiri kartaa.
3. Waxaa kale oo iyada kaba fudud, haddii ruux joogo waddan kale oo uu internet fiican haysto qofkaas haku diwaan galiyo magacaaga isaguna ha galo akounkaada kaddibna ha soo dajiyo dhammaan muuqaallada kujira oo dhammaystiran, kaddib haku siiyo username iyo password oo markaad soo gasho akoonkaas meesha ay ku qoran tahay offline videos ayaad oogu tagi doontaa dhammaan muuqaalladii oo aan khad kaaga baahnayn si fudud ayaadna ku daawan kartaa. Tusaale ahaan: marka aad adigu is diwaan galiso, usernameka iyo passwordka haddii aad siiso ruux saaxiibkaa ah oo jooga somalia, yurub ama maraykanka ama dunida kale meel kamid ah, qofkaasi wuxuu awoodaa inuu akoonkaada soo galo oo uu kuu download gareeyo cashirrada markaasna ay kuu galaan meesha offlineka oo aad daawato.
4. Waxaa kale oo ay ardyda joogta godey heli karaan inay muuqaallada ka qaataan XAMARI STUDIO, sida ay filimaanta ukala qaataan ookale markaasna ay daawadaan.
Intaas waa wixii aan karay ee talo iyo tusaale ah