Dâkhâlláäl jãññãh

Dâkhâlláäl jãññãh DAKHALLAAL JANNAH
Dadoow Adoomo illahay noqdo
Dar alle isku jeclado
Wanaagiyo khayrka han doono
xuumantiyo macsida han didno
Idaylkn DAKHALLAAL JANNAH

13/05/2025

Nabigu SCW wuxuu Yiri Qofki Raba in Arzaaqda loo waasiciyo. Cimrigiidana loo dheereeyo Ha xidhiidhiyo qaraabada SCW 📿💦🌴

13/05/2025

"Fadliga saliga Nabiga SCW 📿💦🌴

10 qodob iyo Sh. Mustafe📿💦🌴"Dadka kale ninkoodii wax tara way tixgaliyaane Idinkuna caqliga taabudka ah waad ku tumataan...
13/05/2025

10 qodob iyo Sh. Mustafe📿💦🌴

"Dadka kale ninkoodii wax tara way tixgaliyaane Idinkuna caqliga taabudka ah waad ku tumataan..." Xaaji Aadan Af Qallooc

Sh. Mustafe X. Ismaaciil Haaruun, ma arag shakhsiyad Soomaaliyeed oo kulansatay sifooyinka wanaagsan ee Alle ku kulmiyey:📿💦🌴

1. Waa daaci u diran islaaxinta mujtamaca soomaaliyeed oo cumrigiisa ku idleeyey waxsan sheeg iyo toosinta bulshada.

2. Waa caalim ay si isku mid ah u jecelyihiin, una fahmaan hadalkiisa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshadu.

3. Waa aqoonyahan kulansaday culuumta waxyiga (Shareecada) iyo culuumta tajribo-galka ah ee Aadanaha, waa scientist philosopher ah oo aqoon durugsan u leh culuumta kala duwan ee Aadanaha.

4. Wuu yar yahay in aad aragto shakhsi Soomaaliyeed oo ka wax akhris badan, kana fahmad dheer, kana xifdi iyo weelayn weyn, haddaad wakhti yar la fadhiisato waad ku hafanaysaa sida uu mawduucyo kala fog mid walba xog ogaal ugu yahay, u akhriyey, u baadhay una weeleeyey.

5. Dhaqan ahaan waa shakhsi aad isu dhul-dhiga, saahid ah oo cibaado badan, aftahan ah oo hadalka kiisa quman ee waxtarka ah yaqaanna sida loo qaabeeyo ee loo gudbiyo.

6. Sh. Mustafe waxa aan aqaannay muxaadarooyinkiisa iyo duruustiisa duubanna ku taxnaa muddo dhowr iyo soddon sannadood ah, weligay ma arag isaga oo ku jira murannada madhalayska ah ee ay culimada qaarkood caadeysteen in ay culimo kale ama kooxo dacwadeed ku duraan oo ku ceebeeyaan.

7. Waa shakhsiyad ay u siman yihiin bulshada Soomaaliyeed oo dhammi, oo u diran waardiyeynta diintooda iyo dadnimadood, ka xor ah qabyaalad iyo u xaglinta kooxahaysiga.

8. Waa shakhsi dhiiran oo aan xaqa cidna uga haybadaysannin, sidaa darteed ayaa af iyo addinba loogu dhibay sheegista xaqa iyo u taagnida islaaxinta bulshada.

9. Haddaad maqasho caalim camalkiisa iyo cilmigiisu iswaafaqsan yihiin, Alle yaqaan ah, waxtar ummadeed leh Alle ka cabsi leh, mutawaadic ah, saahid ah, naf hur diineed leh waa Sh Mustafe X. Ismaaciil Haaruun.

10. Shakhsiyan qayb weyn ayuu ku lahaa qaabaynta noloshayda iyo dhismaha aqoontayda, talo toos ah iyo mid dadban ba waan ka qaatay marxaladdaydii waxbarasho ee jaamicadda iyo ka horba.

Nasiibdaranaa kuwa diiwaanka camalkooda uu ka mid yahay dhaleecaynta caalimkaa aynnu sifaynay, waa hubaal sh Mustafe in uu ku cafinayo haddii aad ka codsato, xataa adiga oo aan codsan in uu si guud wax u cafiyo waa la arkay, laakiin haddii Alle kuu soo jooji xaq Banii aadam Qiyaamaha wallee waad nasiibdarantahay.

Dadka xilkaska ahi ha u caqli celiyaan oo ha qabtaan dadkooda maangaabka ah ee haldoorka bulshada sida Sh. Mustafe oo kale ah ijaafaynaya ee magacdilaya.

Allahayow u barakee Sh. Mustafe cilmigiisa, caqligiisa, camalkiisa, caafimaadkiisa, caa'iladiisa, caruurtiisa, cuudkiisa iyo caynkasta oo aad siisayba.📿💦🌴

Allahayow khaatumada u wanaaji, shar iyo xumaan oo dhanna ka dhawr, Allahayow abaalkiisa ka dhig Fardowsada sare ee raalli ahaantaadu taallo.📿💦🌴

Allahayow culays kasta oo uu dareemayo ka dulqaad, rajo kasta oo uu leeyahayna u xaqiiji.
Aamiin, aamiin, aamiin.🤲🤲🤲📿💦🌴

✍️ Dr-Abdulqani Hussein Beder

"Fadliga ku saliga nabiga s.c.w." Akhri!  Wuxuu yiri XABIIBU-RAXMAANKU SCW\Rasuulku S.C.W :{qofkii igu salliya hal mar, ...
03/10/2024

"Fadliga ku saliga nabiga s.c.w." Akhri!

Wuxuu yiri XABIIBU-RAXMAANKU SCW\Rasuulku S.C.W :{qofkii igu salliya hal mar, ILLAAHAY ayaa ku saliya toban jeer ALLAHU AKBAR}.📿💦🌴

اللّهُـمَّ صَلِّ عَلـى مُحمَّـد، وَعَلـى آلِ مُحمَّد، كَمـا صَلَّيـتَ عَلـىإبْراهـيمَ وَعَلـى آلِ إبْراهـيم، إِنَّكَ حَمـيدٌ مَجـيد ، اللّهُـمَّ بارِكْ عَلـى مُحمَّـد، وَعَلـى آلِ مُحمَّـد، كَمـا بارِكْتَ عَلـىإبْراهـيمَ وَعَلـى آلِ إبْراهيم، إِنَّكَ حَمـيدٌ مَجـيد

Allâhumma salli calâ Muhammadin wa calâ âli Muhammadin kamâ sallayta calâ Ibrâhîma wa calâ âli Ibrâhîma. Innaka hamîdun, majîd. Allâhumma bârik calâ Muhammadin wa calâ âli Muhammadin kamâ bârakta calâ Ibrâhîma wa calâ âli Ibrâhîma. Innaka hamîdun, majîd.📿💦🌴

{ wuxuu yiri XABIIBU-RAXMAANKU SCW\Rasuulku S.C.W :{qofkii igu salliya hal mar, ILLAAHAY ayaa ku saliyi toban jeer ALLAHU AKBAR}.📿💦🌴

Allâhumma salli calâ Muhammadin wa calâ âli Muhammadin kamâ sallayta calâ Ibrâhîma wa calâ âli Ibrâhîma. Innaka hamîdun, majîd. Allâhumma bârik calâ Muhammadin wa calâ âli Muhammadin kamâ bârakta calâ Ibrâhîma wa calâ âli Ibrâhîma. Innaka hamîdun, majîd.

{Wuxuu yiri XABIIBU-RAXMAANKU SCW\Rasuulku SCW Haka yeelina qabrigayga ciid ama feesto(meel loo qasdiyo), ee igu salliya, salligiinuna wuu isoo gaarayaa meel kastood joogtaanba}.📿💦🌴

{ Wuxuuna yiri XABIIBU-RAXMAANKU SCW-Rasuulku S.C.W:{bakhaylku waa ka agtiisa la igu sheegay een igu salliyin SCW}.📿💦🌴

Wuxuuna yiri XABIIBU-RAXMAANKU SCW\Rasuulku S.C.W:{ Waxaa u sugnaaday ilaahay malaa-ig wareegta dhulka, kuwaas oo iga soo gaadhsiinaya umadayda salaanta}.SCW 📿💦🌴

{ Wuxuuna yiri XABIIBU-RAXMAANKU SCW\Rasuulku S.C.W :{ majiro qof i salaamaya, haddii uu I salaa- mana, ILLAAHAY ayaa iisoo celiya naftayda si aan uga celiyo(qofkaas) salaanta}. {SCW } 📿💦🌴

Wannaag farridda iyo khayr faafinta yaan lagaga badinne share dheh oo la wadaag wallaalaha.📿💦🌴

25/09/2024
"Nebigii ILAAHOOW  adoo jooga keligaa  buur oogadeedoo  Adduunyada sirteediyo  ifafaalaheediyo  ku dhex jira ammuuraha  ...
03/05/2024

"Nebigii ILAAHOOW
adoo jooga keligaa
buur oogadeedoo
Adduunyada sirteediyo
ifafaalaheediyo
ku dhex jira ammuuraha
ka qarsoon addoomaha,

sow uurkubaalliyo
Malag kuuma imanoo
Iqra kuuma dhiginoo
Aayadaha Quraankiyo
magacyada ILLAAHAY
kuma odhan guddoomoo
runta kuma ogeysiin.

17/01/2023

Ethio-Islamic Dawa 📿💦🌴

Sunooyinka Maalinka Jumcada
27/09/2018

Sunooyinka Maalinka Jumcada

23/07/2018

Alloow Aday Abooda Tahe
Ummaada N M scw Miide

09/08/2017

Dâkhâlláäl jãññãh

30/03/2017

Hadaba aynu fiirino wuxuu Daliil
ka dhigtay, hadii ayba daliilkaasi
uu noqdo xujo cad oo qancisa
ruux kasta kolkaas waaban kula
qaadan fikradaada waanan u
hogaansami balse hadii ay
xujadaasi noqon waydo mid
xaqiiqo ah waxaan kaa codsanayaa
inaad raacdaan diinta xaqa ah.
Hadii kale idinkoo arkaya
xaqiiqada ood is baal marisaan
waxaad noqonaysaan dadkii Ciise
masiix (N.N.K.H) uu tilmaamay
isagoo dhahay; ”they seeing see
not; and hearing they hear not,
neither do they understand .”
“way arkaan hadana wax ma
arkayaan, way maqlaan hadana
waxba ma maqlayaan, waxna
ma fahmayaan” (Mathew 13:13)
Sidoo kale kitaabka Quraanka
Kariimka ahna wuxuu Allah
(S.W.T) ku leeyahay suurada
labaad ee Al.baqara 2:18
ٌّﻢُﺻ ٌﻢْﻜُﺑ ٌﻲْﻤُﻋ ْﻢُﻬَﻓ ﺎَﻟ ﴿ َﻥﻮُﻌِﺟْﺮَﻳ ١٨﴾
“waa Dhaga la’aan, Hadala’aan,
aragla’aan, xaqana uma soo
noqdaan” [Albaqara: 2:18]

Address

77
Dire Dawa
ETHIOPHIA

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dâkhâlláäl jãññãh posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share