Axmed jiinje cali ducaale

Axmed jiinje cali ducaale

Share

Social walfer,human development and child right promotion

21/02/2026

Isbedelka Cimilda oo noqday marka ay dhacdo dhibato ka dhalatay isbedelka cimilda xalka kaliya ee ay leedahay waa laqabsi, talaabada ugu muhiimsan ee lagag samatabixikaraa waa in laga fikiro sidii loola qabsan lahaa. Waxaa muhiima in dadka aqoonta leh cilmibadhaayasha, wasaaradaha ay qusayso ay ka hawl galaan qorshihii lagula qabsan lahaa saamaynta isbedelka cimilada oo ah meesha ay u dhimatay dhibkan cidkasta kaga qaylisay.

Dhibaatadu iyadaa dadka wax barta oo u macallin ah oo marka ay mushkilad timaado dadku waxay la yimaadan xal iyo sidii ay uga gudbilahayeen. Dadka Soomaaliyeed oo saamaynta abaaraha ay ugu bireen baraarug la'aant yo deeganka oo markii h**eba qalayle ahaa, waxad mooda inay qaadeen talabooyin wax ku oola ikasta oo aysan waxbadan daboolin.

Tusaale: nidaamka ka ganacsiga caanaha geela( barqo maalka) waa talaabo wayn oo baahiyo badan dabooshay. Beryihii h**e marka ay dhacan abaaraha sidan u wakhtiga dheer xaalufka deegaanka iyo biyo la'aan ma dhici jirin in caano laga helo magaaloyinka, dhanka kale boqolaal xolo ah ayay badbadiyeen uu iyaga noloshoda dib logu maareeya iyada oo ay ka dhigantahay in caanihisa loogu ibiyo biyo iyo calafba.

Dhanka kale: ka ganacsiga caanaha geelu waxay keentay dhibaato deegaan oo ay sababeen gaadiidka ka shaqeeya oo gebi haanba burburiyay deegaankii taas oo keni karta in dhulkii lumiyo caradii nafaqada lahayd ee nolayd, jarista dhirta oo lag dhigo xaabo cuntada logu kariyo xoolaha biyaha oo yarada madaaba xouhu ay isugu aruureen meelihi biyaha lahaa.

Maxaa gaab jiraa buzin u baahan?

Fursadaha aan laga faa'iidaysan: ma jirto cid somalida ah oo isku dayday beerista Calafka xoolaha ee adunku hada ka ganacsado dalkana dibada uga yimaada kaas oo ka bixi kara meelkasta oo dhulka Soomaalida ka mid ah, biyaha oo aan lala soo bixikarin. Dhulka Soomaalidu degto waxaa jira dhowr nooc oo cawsa ah (calaf) ah oo la xaqiijiyay inay la qabsan karaan, nafaqo badanna leh.

Tusaale.

Calafyada dalqabadka ah, faa'iido badan u leh Xoolaha ee aan isleyahay waa loo bahanyahay aan kula wadaago.

1. Caws Suudaaniiska (Sudan Grass) waa midka ugu caansan geyiga Soomaalida. Waa calaf si degdeg ah u baxa, xooluhuna aad ayay u jecelyihiin. Wuxuu leyahay mihiimado gaar ah sida.

A) in uu u dulqaadan karo kulaylka, waxaana la goyn karaa dhowr jeer sanadkii.

B) Wuxuu ka baxaa dhulka biyo-mareenka ah iyo meelaha waraabka leh waxaa loo isticmali karaa bacrimiyayaal dabeeci ah oo aan deeganka waxyeelo u lahayn lana heli karo.

2. Al-fa-alfa ama Lucerna grass waa kuwa ugu fiican xaga daaqsinka xoolaha sababtoo ah borotiinka iyo macdanaha ku jira ayaa aad u sarreeya. Faa'iidoyinkisa garka ah ee uu ku fiican yahay waxaa ka mida.

A) cawskani wuxu caan ku yahay caano badiye iyo koritaanka maqasha yayar iyada oo ay ku naaxaan xoluhu.

B )cawsakani Wuxuu u baahan yahay biyo joogto ah iyo carro nafaqo leh.

3. Caws Maroodiga afka qladna lagu yidhaa Napier Grass. Waa geed cawsaad dhaadheer oo caleemo waaweyn, aadna uga baxa dhulka godanka ah iyo tropical ka labadaba. Cawsakni waa mid aad u adkaysi badan tusaale.

A) Hal mar haddii la abuuro, sanooyin badan ayaa la goynayaa. Wuxuu leeyahay culeys badan iyo nafaqooyin badan.

Ugu dbayn biyaha ao laf dhabar u ah dhaman arimahan sare ayaan loga faa'iidysan siday ahayd, in kasta oo biyaha dhulka hose ku jira ( undergroumd water) ay yihiin kuwo aad u xadi badan islmarkan dhow hadana 90% dhulka soomaalidu waa oomane oo haraad aya logu dhintay.

Majiraan nidaam dawli ah oo ka faa,iidayn kara ama shirkado gaar loo leyahay oo arinkaa ka faa'iidysta oo intay riigag qotaan calafkana beeraan ka ibbsada dadka xoolalayda ah hakii ay dibada ka soo dhoofsan lahayeen galay iyo qamadi dhacay ismarkana sumaysan. Tani waa faa'iido laba dhamac leh degaankii oo laga faa'iiday oyo dhaqale abuur lacagtii aysan dalka ka bixin.

19/02/2026

Xakamaynta Cadhadu ama dareenkaga shaqsi waa Xirfadaha ay waajibtahay inad is barto.

Cadhadu waa dareen dabiici ah oo noolaha oo dhan ku abuuran, Waxay calaamad u tahay caddaalad-darro, niyad-jab, ama buufis(stress). Laakiin marka aan la xakamayn, cadhadu waxay ka baxdaa xadkii cadhonimada, waxayna isu beddeshaa hub halisa ah isla markaana dhib u geysta qofka cadhaysan in ka badan qofka loo cadhaysan yahay.

Runta ku qarsoon weedhan fudud waa mid xeel.dheer sabbto ah cadhada (Anger) iyo khatarta (Danger) waxaa u dhexeeya hal xaraf oo kaliya, inta badanna waxaa u dhexeeya hal daqiiqo oo xakamuhu lumo. Marka cadhadu jirto, garaadku wuu daciifaa, Waxaa lagu hadlaa ereyo aan dib loo soo celin karin, waxaa la qaadaa tallaabooyin aan laga noqon karin, waxaana la gaadhaa go'aanno beddeli kara nolosha weligeed.

binu-aadamka waxa badana hogaamiya dareen ka dhashaan cadhada ay ku qaataan go'aamo aan laga fiirsan. Dhawr ilbidhiqsi oo xanaaq waali ah ah wuxuu tirtiri karaa sannado badan oo wanaang, kalsooni, iyo sumcad soo dhismayay.

In cadhada la xameeyo macnaheedu waa in la iska dhinatiro ama laga dhigo inayna jirin, tani waxay ka dhigan tahay in la fahma cadhada aysan ina hogaamin. Cadhadu inta badan waa dareen ka dhasha dareen kale oo lid ku ah ama.kaa dhan ah, waxaa ka dhasha cabsi, dhaawac, niyad-jab, ama kibr. Marka aad yara hakiyo si aan u aqoonsato isha rasmiga ah ee dhibka, cadhadu waxay lumisaa awoodda ay kugu leedahayd.

Garashadu dhibku waxay ka dhigtaa fal-celintiisa mid laga fiirsaday.Is-xakamayntu nafiga ahina waxay ku tustaa samirka, adkaysiga iyo helida xalal wax ku oola. Dadka ugu xoogga badan xiliyada xunxun maaha kuwa dadka kale ku cabsi geliya xanaaqa inkastoo binu-aadamku yahay kuwa awooda inay isdejiyaan marka cadaadis jiro. Tusaale In laga lugeeyo isku dhaca, in aamusnaanta laga doorto aflagaaddada, iyo falcelin aannlaga baaran degin ayaa ah calaamadaha anshaxa iyo xigmadda.
Awoodda Hakadka

Ugu dambayn noloshu waxay si hagar la'aan ah u tijaabin doontaa samirkaaga. Dadku way ku niyad-jibin doonaan, way ku xijin doonaan, si khaldanna way kuu fahmi doonaan lkn ma xakamaynkartid waxa ay dadakale kaa aminsanyihin ama kuleyihiin balse waxad xakamaynkarta waxad adigu ka aminsantahay ama falceintaada.

18/02/2026

Ethics in criminal invostigation
...........................................................................
Anshaxa baadhitaaanka dambiyadu wuxu ka dhigan yahay in la raaco dariiq saxda ah yoolkana loo abaaro sax ah, caddaaladda ah, oo daacadnimada ku dhisan inta lagu jiro raadinta runta dambiga dhacay.

Marka baadhayaashu ay ka shaqeynayaan kiis, waxaa lagu aaminay macluumaad aad u xasaasi ah, cadaymo, iyo xitaa xorriyadda ama sumcadda dadka ay khuseyso. Haddii aysan raacin anshax wanaagsan, dad aan waxba galabsan ayaa dhibbane u noqonkara, caddaaladuna way luntaa.

Qodobbada Muhiimka ah ee Anshaxa

A)Daacadnimada: daacadnimaduwaa mid ka mid ah qaybaha ugu waaweyn ee anshaxa baadhista dembi. Baadhayaasha waxaa aka reeban inaysan been ka sheegin waxa ay heleen ama aysan qarin cadaymaha aan taageeraynin kiiskooda. Shaqadoodu maaha kaliya inay qof xidhaan, laakiin waa inay hubiyaan in run ahaanshiyaa waxa la helay. Haddii ay xoogga saaraan kaliya "in qof la qabto" halkii ay ogaan lahaayeen waxa dhabta ah ee dhacay, waxay eedayn karaan qof aan dembi lahayn.

B) Ixtiraamka Xuquuqda Aadaha: Xitaa haddii qofku yahay tuhmane, waa in loola dhaqmo si sharaf iyo karaamo leh. Tusaale ahaan, waa in aan la garaacin ama loo hanjabin si uu dambiga u qirto. Qiraalka khasabka ah wuxuu inta badan keenaa hadallo been abuur ah. Baadhitaan caddaalad ah wuxuu ka dhigan yahay in tuhmanayaashu ay helaan fursad ay ku hadlaan oo ay isku difaacaan. Qofka la kahsabay wuxu xaq u leyahay inu ka nqodo dhaman wixi lagu khasbay maxkamada horteeda sheegona in la khasbay.

C) Ilaalinta Sirta (Confidentiality): Baadhayaashu waxay heli karaan macluumaad gaar ah oo ku saabsan dhibbanayaasha, marqaatiyada, iyo tuhmanayaasha. Wadaagista macluumaadkan si taxadar la'aan ah waxay dhaawici kartaa nolosha dadka. Sugidda amniga macluumaadka waxay gacan ka geysataa dhisidda kalsoonida dadweynaha iyo booliska.

D) Ka Fogaanshaha Eexda (Bias): Baarayaashu waa inaysan u oggolaan dareenkooda shakhsi ahaaneed, midabka, jinsiga, diinta, ama heerka bulshada ee tuhmanaha inay saameyn ku yeeshaan go'aan qaadashadooda. Waa inay raacaan cadaymaha, ee maaha dareen ama ra'yiga dadweynaha.

E) Diiwaangelin Suuban: Baadhayaashu waa inay hayaan diiwaanno sax ah oo ku saabsan wax kasta oo ay qabtaan. Diiwaangelinta habboon ee cadaymaha iyo habraacyada waxay ka dhigaysaa baaritaanka mid cad oo hufan. Tani waxay ka caawisaa maxkamadda inay aragto in kiiska loo maareeyay si caddaalad ah.

Gunaanad
Anshaxa baaritaanka dambiyadu maaha kaliya sharciyad waxay ku saabsan tahay ilaalinta caddaaladda dhinavyada. Marka baadhayaashu u dhaqmaan si anshax leh, waxay difaacaan dadka aan waxba galabsan, waxay qabtaan dambiilayaasha dhabta ah, waxayna dhisaan kalsoonida dadweynaha. Markay u dhaqmaan si ka baxsan anshaxa, xitaa kiis adag wuxuu ku fashilmi karaa maxkamadda. Anshax wanaagsan wuxuu horseedaa caddaalad wanaagsan.

Saldhiyada Somalida badan waxa ka dhaca gabood falo aad u xunxun oo kalifa in cadaalada lagaadhiwayao sababonla xidhsisha baadhista kisaka.

05/02/2026
05/02/2026

Acculturation
.......................................................................

Acculturation waa habka uu qofka ama kooxi ula qabsadaan dhaqan cusub oo ka duwan koodii asalka ahaa. Tani waxay badanaa dhacdaa marka laba dhaqan ay si toos ah isku dhex galaan, sida marka qof uu u guuro waddan kale (socdaal) ama marka uu dhaco isbeddel bulsho oo weyn.

Si ka duwan Enculturation oo ah barashada dhaqankaaga hooyo, Acculturation waa barashada iyo qaadashada qaybo ka mid ah dhaqan shisheeye kaas oo ay hada aad u samaysay hormurakag technology da. Afarta Nooc ee Acculturation-ka Sida uu qabo cilmi-nafsiga caanka ah ee John Berry, dadku waxay ula qabsadaan dhaqanka cusub afar qaab oo kala duwan:

1) is-dhexgal(Assimilation), waa. Marka uu qofku gabi ahaanba ka tago dhaqankiisii h**e, uuna si buuxda u qaato dhaqanka cusub oo uu ka qaatay dad uu la dhaqmay baraha bulshada iyo saamaynta digital age ka.

2)isku-kudhafka laba dahqna( Integration): Waa marka qofku uu isku dhex daro labada dhaqan; isagoo xajisanaya qiyamkiisii asalka ahaa, haddana baranaya oo ku dhaqmaya kan cusub.

3kalo socid(Separation): waa Marka qofku uu ku dheganaado dhaqankiisii asalka ahaa, uuna diido inuu wax ka qaato dhaqanka cusub. Qofka nocan ah wuxuu la kulmaa dacaayodo kagayimada bulshadakale sida inu yahay bacow aan an horu socod lahayn, ilbax ahayn iyo inu meel iskaga dheganyajay dafkina ka hadhay.

4 faquuq (Marginalizatin): Marka qofku uu lumiyo dhaqankiisii h**e, haddana uu ku guuldarraysto inuu la qabsado dhaqanka cusub, isagoo dareemaya inaanu meelna ka tirsanayn.

Marka bulshadu ama qofku dhex galo dhaqan cusub, waxaa isbeddel ku yimaada dhinacyo badan oo nolosha ah, sida:
A) Luqadda: waxaa luuqadfoda ku soo biira eray bixino qalaad oo an afkoda ahayn. Waxaa lagag guuraa eray bixino badan oo afkoda ku jiray iyo hab qoralka erayada oo isbel lagu arko.

B) Dharka: Beddelista qaabka labiska si loogu ekaado bulshada dhexdeeda. Waxa dhacda in hab labiskii soo joreenk ahaa uu lumo iyado la qato mid cusub oo meelo kale laga soo qaatay.

c)Aaminsanaanta: Isbeddel ku yimaada aragtida qofka ee ku aaddan nolosha, qoyska, iyo shaqada.
Faraqa u dhexeeya Enculturation iyo Acculturation
Tusaale soomalidii qurbaha gashay 10 kio sano ee u dambeeyay way ka dhaqan duwanyihiin somalidii qurbaha gashay 20 sano ka hor waxaana somalo san kiwii 20 sano ka hor galay maxay tahau sabbtu?

Dhanka kale Acculturation waa qayb lama huraan u ah nolosha casriga ah. In qofku uu barto dhaqan kale badanaa wax uma dhinto qofnimadiisa, balse waxay u kordhisaa khibrad iyo faham ballaadhan oo uu dunida ku eego. Waxa ugu muhiimsan waa in qofku helo dheelitir (balance) u oggolaanaya inuu horumaro isagoon lumin xididadiisa.

08/06/2025

Isniin…100%

08/06/2025

Waa noocma Dawldda ay somali u bahantahay?

Waxa jiraa noocyo badan oo nidaam awladeed ah ku waas oo ay bulshooyinka kala duwani ku doortaan ama ku qaantan hadba baahiya ito duruufa dalkaas ka jira, hadab halkan waxaan kugula wadagayaa noca dawlada an isleyahay Somali way ugu baahi badantahay marka loo eego durufaha ku xeeran.

Technocracy system of government:

waa hanan dawladeed ay hogaamiyaan khubarada waxsoosaarka sida saynisyahanada, xirfad yahanada ama hogaanka dawladu ku xushaan hawlwadenada dawladooda aqoom waxsoosaar iyo siyasad ku dhisan gadhsinta bulshada isku filaamshio heer shaqi ilaa heer bulsho.

Inta badan nidaamkani wuxu dirada saara isku filaamshiyaha shaqsiga iyadoo la kobcinayo aqoonta sayniska, xifadaha, engineerida, dhaqaale abuurka.

Tusaale waddamada isticmaalay waxa ka mida:

a) Singapore:
Dhamaan xukumadihii is xigxigay ee soomaray dalkaas oo dhami waxay qabatimeen nidaamkan si loo yareeyo gaajada, shaqo la'aanta kacdonada iyo in aqoonta farsamada laga dhiso bulshada.

b) Tunisia:
Wixii ka dambeeyay 2013kii Tunisia waxay hirgalisay technocratic system of government taas oo uu hogaaminayay Mehdi Jomaa si dalko uga soo kabto kacdoonadii iyo burburkii ka dhacay 2010kii loona gaadho isbedel wax ku ool ah kaas oo guulaystay markii dambe.

b) Greece: intii ka horaysay 2011 Greek wuxu galay xaalad dhaqaalo iyo qalaalso siyaasadedd oo aad u xun taas oo abuurtay dhibato badan oo dadka Greek ay wajaheen 2011 ilaa 2012. waddanka waxa ta ladisa qabtay raysal wasaare laagcaabay oo la odhan jiraya Lucas Papademoes ninkaas oo aha dhaqaale yahan qaaday talaaboyin la mahadiyay isaga oo qatay nidamka (technocratic system.of government)

C) Bangaladhesh: Mohamtir Momaed kii reer bangaladesh islamarkii uu xukunka qabtay wuxu ka bilabay inuu laalo nidaamkii bqortoyada iyo qabaa'ilka ku dhisanaa ee dalka ragaadiyay wuxuna xushay dadkii xifladlayasha aha si ay talada dalka qayb uga noqdaan.

wuxuu hir galiyay siyaasada isku filaamshiyo ku dhisan taaso ahayd in dadka la baro xirfadaha aasaasiga ah sida ,xisaaabadka, dhaqaale aburka, adeegsiga makiimadaha fuud enjineernidaada farshaxanka iyo technology da, arinkaso noqday mid ay dadkii bangaladeh ku intifaaceen wax wayna ka bedelay dhaqaale ahaan iyo siyaasiyanba.

D) Turkey: Mustafa Kamaal ataatuurka oo xukunka hayay 1881 ilaa 1938dii wuxu ahaa aabaha Turkiga ka casriga ah, wuxu mesha ka saaray nidaamkii cismaaniyiinta ee boqor too yada ku dhisnaa wuxu horumariyay hanaa, Ku salaysan cadaalad loo dhan yahay iyo isla xisaabtan. Wuxu dadka reer Turkey gaadhissiiyay isku filamshiyo nololeed, waxsooraar iyo technology da oo ay horumar baladhanka sameyeen.

Want your school to be the top-listed School/college in Addis Ababa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Addis Ababa
251