11/02/2025
JACAYLKU CAJIIBSANAA !!!
Bill Gates: "$65 bilyan oo dollar ayaa igaga baxay furniinkii xaaskaygii h**e ee Melinda, furniinkaasina waa ficilka ugu weyn ee aan samayntiisa ka qoomamaynayo".
" Haddii aan markale fursad heli lahaa waan guursan lahaa xaaskaygii h**e. Lacagta aan qasaaray wax qiimo ah malaha oo xaaskaygii Melinda waxay iiga qiimo badan tahay Dahab, Naxaas iyo waxkasta oo wax lagu qiimeeyo".
"Maalinkasta waan ilmeeyaa marka aan ka fikiro sababta oo ah furniinkaas xaas oo kaliya kuma waayin ee waxan ku waayay saaxiib qaali ah iyo qofkii keli ahaa ee aniga sida ugu fiican ii garanayay iguna jeclaa qof ahaan sida ay tahay shaqsiyadaydu, igumay jeclayn lacagtayda darteed".
" Mid ka mid ah waxyaabaha ugu qaalisan ee aan ku aas aasnay jacaylkiii naga dhexeeyay waxa ugu h**eeya caruurta aan dhalnay aniga iyo xaaskaygu sidoo kale Ururka hawlaha samafalka ka shaqeeya ee Gates Foundation.
Ilaa hada caruurtayada dartood ayaan saaxiib u nahay balse waxan rajaynayaa inay markale ii soo noqoto oo ay buuxiso kelinimada qalbigayga iyo noloshayda hadhaysay".
Waxa sidan u calaacalayaa Waa maalqabeenkii Bill Gates, waa nin haysta Aduun lacageed oo kor u dhaafaya $164 bilyan oo dollar.
Waa lacag ku filan isaga iyo qoyskiisaba inay nolosha ugu wanaagsan ku noolaadaan mudo 93 sanadood ah hadii ay shaqada dhamaantoodba joojiyaan.
Wuxuu awoodaa inuu guursado Gabadh kasta oo uu damco da kasta, nooc kasta iyo cidkasta oo ay kasoo jeedo maadaama uu haysto aduun tii la isku jeclaa hadana wuxuu u boholyoobay oo maalinkasta u ilmaynayaa jacaylkiisii h**e jacayl uu u qabo dartii.
Qisadani waxay ku baraysaa in aanay lacagtu wax walba goyn karin.
Meel ku qoro lacagtu ma goyso jacaylka dhabta ah iyo isfahanka nolosha.
Hadii aad haysato qof ku jecel, noloshana aad isku fahanteen nasiib baad leedahaye ku faro adayg. π
Follow : Ahmed Ismail Media