03/10/2021
well done ambassador Barkhad M. Kaariye
Maanta waxa magaalada Hargeysa ka bilaabmay imtixaan laga qaadayo dhakhaatiir reer Somaliland ah, kuwaas oo sida dalalka kale ee la jaarka Itoobiya, takhasus caafimaad ku diyaarin doona jaamacadaha Itoobiya. Fursaddan aqooneed oo h**e ay uga faa’iidaysan jireen dalalka kale ee Itoobiya la deriska ah, waxaannu dawlad ahaan, si gaar ahna safaarad ahaan ka shaqaynay in markii u horreysay imtixaankaa lagu qaado JSL, waxaana imtixaanka qaadaya masuuliyiin ka socota Wasaaradda caafimaadka Itoobiya.
Fursaddan oo shuruudaheeda iyo wargelinteedaba warbaahinta la mariyay, waxa soo codsaday in ku dhaw 100 dhakhtar, waxaana saaka imtixaanka u fadhiistay 60 dhakhtar. Sida hannaanka barnaamijkan takhasuska caafimaad (ERPM) uu dhigayo, waxa imtixaanka qaadaya oo saxaya wasaaradda caafimaadka Itoobiya. Sharaf bay noo tahay in fursaddan ay helaan muwaadiniinta JSL.