10/11/2025
MURUGO!
Maanta waxaan idinla waddagayna qiso ka murugo badan wixii aan horrey idiinla waddaagi jirnay. Hooyo Bishaaro Aadan Cumar, waxay ku nooshahay Magaalada Jigjiga. Waxay haystaa todobo caruur ah, oo saddex kamid ah Arraga naafo ka yihiin. Saddexda caruurta ah arraga un naafo k**a aha, ee xitaa dhanka dhimirka ayay ka xannuunsan yihiin. Waxay degan tahay Buul kun bir lagaga kirreeyay. Carruurta xaalkas ku suggan Aabahood wuu dhintay. Wax dhaqaalle ah hooyadu uma hayso. Deriska ayaa marmar u kaca, mararka qaarna caruurta intay qof kaga tagto ayay suuqa wadhatada wax uga raadisa. Wax raashin ama kayda meelna uma yaallo. Hooyadu waxay sheegtay in aysan kurbo seexan, oo waayo adduun iyo xannuunka caruurtu iskugu biiray.
Qofkii Alle wax siiyay, kii awlaad Caafimad qabta haysta ee nimcaysan, hooyadan u gurmada. Ma jiro qof ka mudnaa oo aad gar'gaari lahayden.
Qof walbow, qoraalkan faafi. Waxba ku yeelli mahayo, laakin macquul in dartaa u gaadho qof saacida.
Lambarka hooyada: Ebir/Kaafi: 0957947284
Magaca ku qoran: Bishaaro Aadan.