PSCO (Puntland Students Connecting Organization)

PSCO (Puntland Students Connecting Organization)

Share

This page is for all the students in addis ababa who like to study the languages or an other things,

10/03/2018

Dhacdo Xaqiiq Ah

Sheekh Caalim ahaa oo la oran jiray (Abuyazid Albasdhami) ayaa maqlay habeen, qaylada kuwa Kirishtan ah oo Kaniisada kadhex qaylinaya, wuuna ugalay, kadibna wuu dhex fariistay, isagoo u malaynaya inayna garan doonin.
Badarigii Kaniisaduna markuu hadal is yirina sheekhii buu arkay, wuxuuna yiri “Ma hadlayo ilaa aad inaga dhex saartaan ninkaas muslimka ah.” Waxayna weydiiyeen: Sideed ku ogaatay inuu Muslim yahay? Wuxuuna yiri (Muslimiinta wajigooda waxaa kutaala calaamada/ raadkii sujuuda) wuxuuna kacodsaday inuu boxo sheekhu, sheekiina wuxuu yiri “Mabaxayo ilaa uu Ilaahay ina kala saaro”.
Badarigiina wuxuu yiri “Hadaba waxaan ku weydiinayaa dhawr Su’aalood, hadaad si sax ah uga Jawaabtana waxaan raacaynaa diintaada, hadii kalana Seef baa inaga dhaxaysa! Sheekhiina wuxuu yiri soodaa Su’aalaha, isagoo aad ugu kalsoon inuu Ilaahay qofka Muslimka ah Xaqa waafajinayo. Badarigiina wuxuu yiri iisheeg:
Waaxid aan laba noqonin? Labo aan Sadex noqonin? Sadex aan Afar noqonin?
Shan aan Lix Noqonin? Lix aan Todoba noqonin? Todoba aan Sideed noqonin?
Sideed aan Sagaal noqon Karin? Maxayse tahay Sagaalka mucjiso?
Mase taqanaa tobanka badan kartaa? Maxayse yihiin 11 ku?
Mase taqaanaa Qabrigii lasocday qofkiisii?
Muxuuse yahay shayga aan noolayn, ee neefsadaa?
Muxuuse yahay shayga uu Rabbi abuuray, isla markaana uu nacay?
Yaa waaye kuwa runta sheegay ee naarta galay? Iyo kuwa beenta sheegay ee Janada galay?
Mase taqaanaa, Uunka Rabbi abuuray aabe iyo hooya la´aan?
Mase taqaanaa geed leh 12 laamood, laan kastana leedahay 30 waraaqood, warqad kastana leedahay 5 sabuul, sadex hooska kubaxda iyo labo qoraxda ku baxda?
Kajwaab Su’aalahaas!!!
Sheekhiina wuu istaagay, Ilaahay buuna weydiistayna inuu carabkiisa Xaqa kutoosiyo, wuxuuna yiri:
Waaxidka aan Laba noqnini waa - Ilaahay (swt)
Labada aan Sadex noqnina waa - Habeenka iyo maalinta
Sadexda aan Afar noqonina waa - Afeeftii Khidr siiyay Nabi Muuse calayhi asalam
Afarta aan 5 noqonina waa - Tawraad, INjiil, Sabuur iyo Quráanka
Shanta aan Lix noqonina waa - Shanta Saladood ee Ilaahay faral yeelay
Lixda aan Todoba noqonina waa - Maalmihii uu Ilahay aduunka ku abuuray
Todobada aan Sideed noqonina waa - Todobada Samo ee Rabbi abuuray
Sideeda aan Sagaal noqonina waa - Malaa’igta haysa Carshiga Rabbi (swt)
Sagaalka Mucjisana waa - Kuwii uu Rabbi siiyay Nabi Muuse
Tobanka badan kartaana waa - Ajarka Camalka wanaagsan ee Rabbi usii badin karo qofkuu rabo.
Koobya Tobanku waa - Wiilashii Nabi Yacquub, Yusuf walaalihii
Sadex iyo Tobankuna waa - Yusuf walaalihii iyo labadiisii waalid
Shayga aan noolayn ee neefsadana - Waa Subaxda (wassubxi idaa tanaffasa)
Qabriga lasocday qofkii kujirayna waa - Xuutkii liqay Nabi Yunus calayhi asalam
Kuwa runta sheegay ee naarta galay waa Yahuuda, oo yiri; Kirishtanku xaq kuma taagna, iyo Kirishtanku oo yiri; yahuudu xaq kuma taagna, labada qolaba run bay sheegeen, naar bayna gali doonaan, gaalimadooda darteet.
Kuwa beenta sheegay ee Janada gali doonana waa Yusuf walaalihii, oo yiri; Yusuf dhurwaa baa cunay, kadibna aabahood baa Ilaahay danbi dhaaf u weydiiyay, Rabbina wuu u danbi dhaafay.
Uunka uu Rabbi (swt) aabe iyo hooya la´aana abuurayna waa; malaa´igta, oo kasamaysan Nuur, una baahnayn, hooyo aabe, cunto, cabitaan iwm midna.
Sidoo kale aabeheen Adam, malahayn aabe iyo hooyo midna, Nabi Ciisane wuxuu lahaa hooyo, balse aabe malahayn.
Geedka 12 laamood lihina waa Sanadka, oo kakooban 12 Laamood/ bilood, bilkastana waxay leedahay 30 warqadood/ maalmood, maalin kastana waxay leedahay 5 Sabuul/ Salaadood, sadex hooskay kubaxaan; Maghrib, Cishe iyo subax, labana qoraxday ku baxaan waana Duhur iyo Casar.
Kadibna sheekhii wuxuu kuyiri Badarigii; anu hal su´aal ah maku weydiin karaa?
Isna wuxuu yiri; Haa, soodaa, wuxuuna weydiiyay muxuu yahay Janada furaheedu? Badarigiina wuu wareeray, wuuna aamusay, waxaana ku qaylyay dadkiisii, oo yiri; waxaad weydiisay Sheekha su´aalo faro badan, dhamaana wuu kaaga jawaabay. Isna hal su´aal ah ayuu kuweydiiyay, mana kajawaabi kartid!!!
Badarigiina wuxuu yiri; jawaabta waan aqanaa, balse idinkaan idiin cabsanyaa….
Iyagiina waxay dheheen; waxba ha cabsanine kajawaab su´aasha!!
Wuxuuna ku jawabay Janada furaheedu waa; (Laa ilaaha ila Allah, Muxamad rasulu Allah).
Iyagiina haljeer bay kaceen dhamaan-toodna dheheena (Laa ilaaha ila Allah, Muxamad rasulu Allah)
Badarigiina way raacdeyeen, kaniisadiina waxay u badaleen Masaajid ilaahay lagu cabudo.

23/11/2017

Learn from your mistakes during learning.

16/08/2017

In the first quarter of 2017, Tawakal Express has been exceptionally busy in moving our headquarters to Garowe, Puntland, where Tawakal Bank is currently located. At the same time, Tawakal Express opened its first 24 hour customer support center in Garowe, Puntland. This call center is open 7 days a week, and handles over 1,500 calls per day from customers and agents around the world. Three Women and Four Men run this support center in Garowe. Tawakal customer support can be reached through local telephone numbers in the United States, Europe and East Africa. These calls are then routed to the call center in Garowe, Puntland, Somalia. Through our Somali call center, Global Tawakal Express customers and agents are now able to reach support whenever they need it.

02/08/2017

Wariye Cabdirsaaq Catoosh oo ka tirsan laanta afka Soomaliga ee BBCSomali wuxuu bartiisa Facebook kusoo daabacay qoraal uu ku sheegay in Janaraal Maxamed Farax Caydiid uu Geeryooday 01-Agoosto-1996-kii.
Haddaba sida uu wariye Catoosh u dhigay ma'ahan taariikhdu, Maxamed Faarax Caydiid wuxuu geeryooday 02- Agoosto 1996 -dii maalin khamiis ah wuxuuna u dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaas uu ku furay mid kamid ahaa ilaaladiisii.
nkastoo qaar kamid ah qorayaasha taariikhda Caydiid ay ku doodaan inuu dhawaca uu u dhintay uu kasoo gaaray dagaal dagmada Wadajir ee magalda Muqdisho ku dhexmaray maleeshiyaad ay kala hoggaminayeen labada marxuum Cismaan Cali Caato iyo Maxamed Farax Caydiid.
Malahayga xilligaas Cabdirsaaq Catoosh k**a mid ahayn wariyayaashii BBC-da oo haddii uu kamid ahaan lahaa xog badan buu hayn lahaa haddii uusan arrinkiisu ujeeda kale ahayn.
Wariyaayashii waayo Aragnimada lagu tuhmayay hadday u dhaqmayaan siday doonaan oo ku xad-gudbayaan sooyaalka Taariikhda maxaa laga filan kartaa wariyaayasha ku hana qaaday Dawlad La'aanta.!

Photos 17/08/2016

codkaaaga waa muhiiim, u codeee MUSTAQBALKAGA. waa mudane u qalma xilka h**eyna looga bartay hawl karnimo weyn.

Photos 23/03/2016

yaaaaaan lagu soo khaldin oo puntland sahal ha u mooodin

Photos 21/03/2016

madaxweynaha DDSI oo hambalyo aad u weyn hawada u mariyay.

Photos 21/03/2016

Saakay Dagaalka socdaa waa kii Al-shabab lagu xasuuqi lahaa.
______________________________________

Dagaalka saakay ka bilawday Ceelka Been-haye ee la isku adeegsanayo hubka noocuadiisa kala duwan waxaa dagalamaya oo yiri annaga noo daaya inaan saacado yar ku xasuuqno kuna soo afjarno dagaalka oo hadda dagaalka ku jira Ciidamadii Buuraha Gal-gala ee uu hoggaaminayo Col Mohamoud Abdulkadir Hassan '' Sumaysane''

Wiilasha Gal-gala intaad haysatid haka baqan dagaal in lagaaga adkaado.

SHARE DHEH OO LA WADAG MUWADINIINTA.......guul iyo gobonimo PUNTLAND PPL

Photos 19/03/2016

GADBHIHII OO QORIGA GEESKA GASHAY KADIB MARKII DUULAN QAAWAN LAGU SOO QAADAY DOWLADDA PUNTLAND. guul iyo gobanimo dhamaan reeer PUNTLAND cadowgiiiiiina u noola.

19/03/2016

Puntland President Abdiweli Mohamed Ali Gaas has said that his administration is capable of defeating al-Shabaab militants without ‘’AMISOM’’ troops being deployed to the region, Horseed Media reports.

Mr Ali’s statement late Wednesday statement came hours after Puntland security forces and al-Shabaab militants clashed in the remote coastal province of Nugal.

Somalia’s Federal government officials also said that AMISOM troops will be deployed to the region to help the battle against the extremists.

‘’Puntland is capable of defeating al-Shabaab and there is no any need of AMISOM deployment. They [al-Shabaab] have been here before and we have fought them in Galgala mountain ranges,’’ he said in an interview with the VOA Somali Service.

AMISOM, which was established by the African Union’s Peace and Security Council in January 2007, operates in Somalia’s Southern territories, assisting the federal government in fight against the al-Qaeda-linked extremists.

President Abdiweli Gaas added that his administration just needs part of the military aid given to the Federal government by the International Community in fight against al-Shabaab.

In his interview, he also denied a recent accusation from his minister of Security that al-Shabaab militants that arrived at the Northern coastal province earlier this week had the backing of the Federal government.

Puntland has on several occasions strongly objected on the idea of deploying African Union troops to its region.

Photos 19/03/2016

daarahii h**e ee degmada GALDOGOB gobalka Mudug waa astaan khaas ah,....

MAY ALLAH BLESS YOU,ALLAH BLESS PUNTLAND

Photos from PSCO (Puntland Students Connecting Organization)'s post 19/03/2016

Dowlada Puntland ayaa ugu baaqday shacabka ku dhaqan tuulooyinka saaran xeebaha gobalada Nugaal, Karkaar iyo Mudug inay ka qeyb qaataan soo qabashada maleeshiyaadkii Al Shabaab ee ka yimid Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Khamiistii shalay ayuu dagaal ka dhacay Toga Suuj oo saaran xaduuda gobalada Karkaar iyo Nugaal, halka dagaalka labaad uu ka dhacay nawaaxiga tuulada Godob-Jiiraan ee gobalka Nugaal.

Wararka saaka kasoo baxay goobihii dagaalada ka dhaceen ayaa sheegaya in ay socdaan hawlgalo ay ciidamada Difaaca Puntland ku raadjoogaan in badan oo kamid ah maleeshiyaadkii Al Shabaab oo la sheegay inay dhowr jiho ukala baxeen kadib dagaalkii shalay.

Godob Jiiraan
Dagaalkii ka dhacay nawaaxiga Godob Jiiraan ayaa xalay socday illaa iyo makhribkii waxaana la sheegay in dagaalkaasi maleeshiyo badan looga dilay kooxda Al Shabaab.

Guddoomiyaha Gobalka Nugaal Col.Cumar Faraweyne ayaa sheegay in saaka la bilaabayo hawlgalo lagu baadi goobayo firxadkii maleeshiyaadkiisa oo dagaalkii shalay looga dilay ugu yaraan 19 maleeshiyo ah. Dhinaca Puntland ayaa waxaa ka dhintay hal Askari dhanka dagaalkii ka dhacay duleedka Godob jiiraan.

Ciidamada Puntland ayaa hubka culus u adeegsaday maleeshiyaadka Al Shabaab oo iyagu lugeenayey goob ban banaan ah, taasi oo keentay in khasaaraha ku bato dhanka Al Shabaab.

Toga iyo Buuraha Suuj
Dagaalka ka socday Toga Suuj ayaa la sheegay inuu ahaa kan ugu culus ee shalay dhacay, waxaana la sheegay in ciidamada Puntland shalay gelinkii h**e duqeyn la beegsadeen togaasi oo ah mid baaxadweyn, isla markaana gudaha u galay qeybo kamid ah buuraha ay ku jireen maleeshiyaadka Al Shabaab oo iyagu diiday inay isdhiibaan.

Khadka telefonada ee tuulooyinka kudhaw goobaha ay dagaalada ka dhaceen ayaa marmar hawada laga saarayey, iyadoo saraakiisha ciidamada ay sheegeen inay soo bandhigi doonaan warbixino marka hawlgalada socda ay dhamaadaan. Waxayna intaasi raaciyeen inaysan dooneyn in mid kamid ah maleeshiyaadkan baxsado.

Al Shabaab ama Daacish
Weli lama oga maleeshiyaadkan kooxda ay hada ka tirsan yihiin iyo waxa ay u socdeen, maadaama goobaha ay kasoo degeen ay aad uga fogtay buuraha gobalka Bari oo ay h**ey ugu sugnaan jireen maleeshiyaadka Al Shabaab.

Warar Horseed Media kasoo xiganeyso qaar kamid ah Saraakiisha ciidamada ayaa sheegaya in la rumeysan yahay in maleeshiyaadkan ku socdeen dhanka bari balse doonyihii waday ay kusoo daadiyeen deegaanka Garacad iyo nawaaxiga Garmaal.

Dhulkaasi ayaa ah mid aad uga fog magaalooyinka waaweyn iyo waliba buuraha Bariga Puntland, sidoo kale dhulkaasi ayaa ah mid ay ku yar yihiin tuulooyinka ay dadka degaan, taasi sida la rumeysan yahay kadis ku noqotay maleeshiyaadka Al Shabaab oo aan dhulka si fiican u kala aqoon.

Waxaa iyaguna soo baxaya warar is khilaafsan oo sheegay in kooxdan ay kasoo baxsadeen Al Shabaab oo ay doonayeen inay ku biiraan Daacishta uu hogaamiyo Cabdulqaadir Muumin, walow kooxdaasi ay ku dhuumaaleysaneyso buuraha Cal Miskaat oo in ka badan 1000km u jirta goobaha hada lagu dagaalamayo.

Maleeshiyaadkan oo aan wax gaadiid ah wadan ayaa deegaanka Garacad uga tagay qeyb badan oo kamid ah sahaydii ay siteen oo ay ku jirto Cunto, Rasaas iyo Boorsooyin bambaanooyin ku jiraan.

Shacabka Puntland
Dowlada Puntland ayaa ugu baaqday shacabka deegaanada ay dagaalada ka dhaceen ku sugan iyo kuwa reer guuraga ah inay kusoo wargeliyaan goob walba oo ay ku arkaan rag hubeysan iyo weliba dadka aan hubeysneyn ee laga shakiyo, xili weli lagu raad joogo maleeshiyaadkan oo la sheegay inay u badan yihiin dhalinyaro kasoo qeyb qaatay dagaaladii Al Shabaab ee koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Want your school to be the top-listed School/college in Addis Ababa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


BOLE MICHAEL
Addis Ababa
251