10/05/2020
إنا لله وإنا إليه راجعون،،،
Jamciyadda Badweynta Hindiya waxay, guud ahaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar uga tacsiyadaynaysaa geerida naxdinta leh ee ku timid safiirkii h**e ee Soomaaliya u fadhiyey dalka Masar, isla markaana ahaa wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiyey Jaamacadda Carabta, Danjire Cabdulqani Maxamed Wacays oo xanuunka COVID19 ugu geeriyooday dalka Kuweyt oo uu degenaa.
Marxuum Cabdulqani Maxamed Wacays oo ku dhashay 15 May, sanadkii 1945 Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxbarashadiisii dugsiga sare kaga qalinjebiyay Magaalada Qaahira sanadkii 1965, waxa uu shahaadada koowaad ee heerka Jaamacadda oo ahayd Taariikhda uu ka qaatay Jaamacadda Alexandria ee dalka Masar sanadkii 1969, waxa uu shahaado sare oo difaaca iyo amniga qaranka ka qaatay Akadeemiyadda sare ee Istiraatiijiyadda Qaranka ee Soomaaliya sanadkii 1988.
Safiirku wuxuu inta badan noloshiisa ku soo qaatay u khidmaynta dawladnimada Soomaaliya, isaga oo hawlo kala duwan ka soo qabtay wasaaradaha waxbarashada iyo arrimaha dibadda, waxaana ka mid ahaa xilalkii uu soo qabtay:
Madaxii Qeybta Af Carabiga ee Xarunta Qaran ee Akhris iyo qorid li’idda iyo waxbarashada dadka waa weyn ee Muqdisho, Soomaaliya intii u dhexeysay sanadihii1986-1987.
Sarkaalka xidhiidhiya Wasaaradda Waxbarashada iyo hey’adda Action Aid intii u dhexeysay sanadihii 1987- 1988.
Agaasime kuxigeenkii Waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda intii u dhexeysay sanadhii1988-1991.
Lataliye ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda intii u dhexeysay sanadihii 2000-2001.
Lataliyahii koowaad ahna Safiir kuxigeenka Safaaradda Soomaaliya ee Kuwait intii u dhexeysay sanadihii 2001-2009.
Siihayahii Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya intii u dhexeysay sanadihii 2009- July 2012.
Safiirkii Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya intii u dhexeysay sanadihii 2012- 2016.
Safiirkii Safaaradda Soomaaliya ee Masar ahaana Ergeyga Joogtada ee Ururka Jaamacadda Carabta intii u dhexeysay sanadihii 2016 - May 31, 2019.
Marxuum Danjire Cabdulqani Maxamed Waceys wuxuu ifka kaga tagay xaas iyo caruur
Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows, qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo.
AAMIIN