Dalmar posts

Dalmar posts Akhrinta fikradaha caalamiga ah iyo soo dhawaynta fahankooda. Qormooyin waxtar leh
Afnaqa afafka qalaad. 📚

04/10/2026

Ma Gudbe.

JIRR. Jirka soo afyeeshiyosuugaanta alawdeedhirto idil wayrixiseecaleentii idlaysiyoshimbaraha ortoodiidhegtu aad u dhuu...
23/08/2026

JIRR.

Jirka soo afyeeshiyo
suugaanta alawdee
dhirto idil wayrixisee
caleentii idlaysiyo
shimbaraha ortoodii
dhegtu aad u dhuuxdiyo
isu geynta xiisaha
umuurtaasi fara badan
markay dhibicdu omoskii
uffo ay ka kicisee
saxansaxada uduga leh
sanka aad la raacdaad
Illaahii sanceeyee
adna kuugu deeqay
mahad aad u celisaa

20/08/2026

Oon.

in kaa maqan baan hayaa
intii aan u oomanaa
adigay agtaada taal
adoomuhu waa asaag
hadeer iyo jeer danbeba
mar buu aadmigu go’a
iil baa sugayoon hubaa

Waar hoy faralkaga oog
sunaha nebigii adeec
sakana u yabooh miskiin
firdawsa ku doon ilays
ifiso adinkaaga hoy

09/08/2026

Dhamays

08/08/2026

Caado dhaqameedkii wanaagsanaa ee shacabkii dawladii cusmaaniyinta, 5tii ugu wanaagsanayd.

1. Martisoorka
2.sadaqada qarsoon
3. Guurka iyo xanuunka
4. Xishoodka

Allah dhaqanada wanagsan ha inoo fududeeyo.

DARAJAYNTA CAANAhA DEBEDA IYO DUUDSIGA KUWA DALKA Ma jiro tiro rasmi ah ama mid la isla ogyahay oo qeexaysa xaddiga saxd...
08/08/2026

DARAJAYNTA CAANAhA DEBEDA IYO DUUDSIGA KUWA DALKA

Ma jiro tiro rasmi ah ama mid la isla ogyahay oo qeexaysa xaddiga saxda ah (litir ama tan) ee caanaha dibadda uga soo dega Somaliland maalin ama sanad walba, balse khubaro iyo dhakhaatiir ka hadlay arrimaha caafimaadka iyo dhaqaalaha ayaa ku qiyaasa in Somaliland ay sanad walba lacag gaaraysa ilaa $300 oo milyan oo dollar ku bixiso soo dejinta caanaha dibadda (sida caanaha boodhaha ah iyo caanaha qasacadaysan)

Xogta Guud ee Caanaha Dibadda

Wadamada laga soo dhoofiyo waxaa ka mid ah dalal ku yaala Khaliijka, Yurub, iyo Aasiya, iyada oo inta badan lagu soo daabulo maraakiib iyo konteenaro mara dekeda Berbera.

Inkasta oo Somaliland ay hodan ku tahay xoolaha nool (geel, adhi, iyo lo’) oo ay ka maarmaan soo saaridda caanaha dabiiciga ah, haddana suuqa waxaa ku badan caanaha dibadda laga keeno ee boodhaha ah.
Waxaa xusid mudan in caanaha boodhaha ee debeda laga keeno lagu gado super marketska dalaka iyada oo lagu ilaaliyo talaagado iyo shalfyo qurxoon
Halka kuwa xoolaheena ka soo baxay ay ku dayacan yihiin laamiyada waxay ahayd in mudnaanta ay yeeshaan kuwa aynu inagu leenahay oo tayo ahaana ka wanaagsan 100jeer kuwa debeda laga keeno

Saamaynta Dhaqaale iyo Caafimaad

Kharashka Baxaya: Malaayiin dollar oo dakhliga dalka ah ayaa dib ugu baxa iibsashada caanaha warshadaysan ee dibadda laga keeno halkii lagu taageeri lahaa wax-soo-saarka xoolaha ee degaanka.

Caafimaadka: Dhakhaatiirta maxalliga ah ayaa marar badan ka digay halista caafimaad darro ee ka dhalata isticmaalka caanaha dibadda laga keeno ee aan helin xaaladaha qaboojinta
Ugu danbayntii shaqadani waa mid inoo wada taala dawlad iyo shacaba
Waxaana masuuliyadeeda leh dawlada dhexe gaar ahaan wasaarada xananada xoolaha iyo wasaarada ganacsiga

W/Q Sidiiq Jawaan

Maalmaha aduunyadukala mawjad weeyooqaar baa macaanookuwo waa masuug iyomur iyo qadhaadhookuwo waad miciin bidimahadhooy...
30/07/2026

Maalmaha aduunyadu
kala mawjad weeyoo
qaar baa macaanoo
kuwo waa masuug iyo
mur iyo qadhaadhoo
kuwo waad miciin bidi
mahadhooyin kuwo sida
maskaxdana xasuus dheer
soo maaxanaysoo
milicsiga ayaamaha
miridhkii ordaayaba
hadii aanad maamulin
ma gudbaad ku qorantahay.

Hakis wanaagsan.
Abdikarim

08/07/2026

Bunka iyo dhiganayaasha waxa ka dhexeeya xidhiidh aanay dad badani fahmayn.

08/07/2026

Plato wuxuu leeyahay “ Qof haduu iska kaa indhatiro waxay kaa dalbanayaan inaad noloshooda ka baxdo”

shakespear ayaa leh “ Qof haduu iska kaa indhatiro ogow inaad tahay kan ugu muhiimsan agtiisa”.

Hadaba weydiintu waa koodee saxsan?

Labaduba waa sax, sababtuna waxa weeye plato nin rag ah ayuu ka hadlayay oo iska kaa indhatiray, halka shakespear uu ruux dumar ah ka hadlayay, oo waatii soomaalidu odhan jirtay dumarku waxay doonayaan ayay diiday dhahaan.
Iyaguna waa dumarkee waxay sheegtaan in araweelo kula dardaarantayba.

Dibindaabyo badanaa
Degel ay ku badanyiin
Docda aad ka weydana
Dhaxanteedu daranaa
Dumar lagama maarmee
Ruuxa doonay ey dhibi
Ruuxa daayay ka ildaran

✍🏾 Abdikarim

05/06/2026

Iskaa-tus ayaan sidaa isugu eegay, kadibna waxaan ka fekeray foolkan weynuhu isiiyay iyo sida aanan anigu marna sidan ugu samayn kari lahayn.

cabaar markan sii fekeray ayaan isweydiiyay adigu yaad tahay horta? ma qoloftan Allah ku siiyay, ma nafta ku jirta mise isugeyntooda?
waxaa iisoo baxday in foolkan Allaah isiiyay aanan anigu cayayaanka ka celin karin hadii ay naftu maqantahay.

naftu waa qisaasoo
qalinbay sugaysaa
qoloftaa la aasaa
intay qaawantahaye
naftu samada qabato
waxaan lagaa qalaynayn
su’aalaha qabriga jira
iyo daaqad jahanama
hadii aanad qiri jirin
quwadaha raxmaankiyo
saligiyo quraankoo
waxaa helay qiyaas li’i
ninka weyne qumiyee
la haleela qawlkoo
beeraha janada quban
qoolaaligooduu
nafta kula qisoodaa

dulucdu waa foolkaaga hagaajiso dunida si aad u arki karto foolka raxmaanka qiyaamaha.
Allaahu akbar

Adresse

Wiesbaden

Website

Benachrichtigungen

Erfahren Sie als Erste/r von Neuigkeiten und Aktionen: Wir schicken Ihnen eine E-Mail, wenn Dalmar posts etwas veröffentlicht. Ihre E-Mail-Adresse wird für keinen anderen Zweck verwendet, und Sie können sich jederzeit abmelden.

Kontaktieren Sie Die Schule/Universität

Nachricht an Dalmar posts senden:

VerknĂĽpfungen

Teilen

Kategorie