11/10/2026
Muftiga Sucuudiga Sh Fawsaan ayaa ugu baaqay ciidamada qalabka sida ee dalkiisa, naf iyo maalba in ay u huraan dagaalka dawladdu kula jirto Xuuthiyiinta.
Waxa uu tibaaxay dagaalka socdaa in uu yahay mid lagu soo qaaday "Tawxiidka iyo sunnaha" oo ay tahay in ay difaacaan.
Maanta ayay Xuuthiyiintu duqaymo la beegsadeen Madaarka "Boqor Khaalid" ee ku yaalla magaalada Riyaad, iyo goobo kale oo muhim ah, waxaa ku geeriyooday 12 qof, 300 oo qof oo kalena way ku dhaawacmeen. Sidoo kale maalmihii u danbeeyay duqaymo waxyeelo badan geystay ayay la beegsadeen goobo kale oo muhim ah.
Xuuthiyiintu waxa ay sheegeen, duqaymahoodu in ay jawaab u yihiin duqaymo tiro beel ah oo Sucuudigu la beegsaday magaalooyinka kala duwan ee Yaman, gaar ahaan bandarada Xuuthiyiinta gacanta ugu jira, iyo in aanay marnaba ka suuroobin in ay duqeeyaan magaalooyinka barakaysan ee Makka iyo Madina.