Hayaanka Aqoonta

Hayaanka Aqoonta " Yoolkayagu waa qaabeynta maan-aroorka, falsafadda nololeed, dhaadqabka iyo ogaalka bulshada. "

Qaybti 2aad ee maqaalkeenna “ Qaylodhaanta Fitgeneshtayn “ daawaha ayaannu ka soo qaadnay, baahintuna waa dhawaan.      ...
06/04/2026

Qaybti 2aad ee maqaalkeenna “ Qaylodhaanta Fitgeneshtayn “ daawaha ayaannu ka soo qaadnay, baahintuna waa dhawaan.

(Taxane)QAYLODHAANTA FITGENESHTAYN• HordhacKolka garashada iyo shaxannada aadamaha la qiimeynayo, waa lagama kacaan in u...
03/04/2026

(Taxane)

QAYLODHAANTA FITGENESHTAYN

• Hordhac

Kolka garashada iyo shaxannada aadamaha la qiimeynayo, waa lagama kacaan in uu aadamuhu ku barraarugsanyahay hadba halka heerka halbeeggiisa aqooonneed dhexqotomo, jeerkaasna waa mid mudan in ay si wax ku ool leh ugu daymo badiyaan abbaarada ay tibaaxayaan mugga ereyeed ee ku dhexbaahsan afka ay adeegsanayaan iyo fahannada jiitan ee sida joogtada leh ugu kobcayay diiwankooda garashada, intii ay kacaamayeen jiritaankooda oo idil. Sidaas darteed miyaannay huriweyto ahayn in uu basharku falanqeyn karo, isla markaasna isla meeldhigi karo hadba xogta garasho ee la soo darista, taasoo uu wakhtiga iyo goortu dhaxalsiiyeen. Xudduuda aqoonned iyo dhaadka ka jirsaday xaqiiqadan oogan ee la yidhaa “ Nolosha “ ee sargoaan ee uu aadamuhu uu dabqaatay miillaaaniyadii amase kunleydii ugu dambeysay, waa mid laga dhadhansan karo dahsoonnaan aad u baaxad weyn. Sidaas waxaa qaba jaallihii falsafadeed ee reer Usteeriya ee Ludwig Wittgenstein. Halkan waxaa uu jaalluhu uga meel socda amase uga jeeda, in xuduudda uu ku eegyahay afkeennu (afka aadamahu maanneyn karo, ee ku dabaqmi karaa amase ka suurtoobi kara gegidda xaqiiqadu), ay ka dhigantahay bar lama-dhaafaanka ay xaqiiqada iyo edegteennu gebi ahaanba ku sar-go‘anyihiin-– “ Die Grenzen meiner Sprache bedeuten die Grenzen meiner Welt “ (The limits of my language mean the limits of my world).
Ludwig Wittgenstein waa mid ka mid ah falaasifada ugu sitay ee soo mudha qarnigii 20aaad. Qolyaha qaar waxa ay qabaan bal'e in uu ahaa kii ugu mudnaa soo ifbixii imaanuweel kaant kadib. Waxqabadyadiisa horre waxaa qaabeyey oo ay ka shidaaal qaadanayeen kuwa u asteeyey Shoobanhawaar iyo kolkiisa isna barrihiisii wacdaraha badna ee beertaran raasal. Shaqadiisa " Tractatus " oo kamida hawlihiisa muunneysan ee sooyaalka falsafeeed u galay, wuxuu ku soo qaatay oo uu ku quddareynay sida ay beegtoon la'aanta, dacal ka fuulka iyo maandhaafka ka jira suurragelnimada afeed ay uu yihiin boogta ay ka soo burqanayaan uu caalwaaga dihaashaday falasafadda. Sidaas darteed mas'aladaas horre waxa ay u ahayd faylasuufkan, raadgur curdin ah oo u ku dhexjibaaxii doonno xaqiiqooyin la dhaadi karo, jeerkaasna noqon doonna burcad lagu dhabooqi doonno nabarada ay qabto falsafaddu.
Luudwikh yooseef yoohaan fitgeneshtayn wuxuu ku dhashay carriga Usteeriya, magaallo madaxda Fiyeenna, 26kii bishii abriil sannaddii 1889kii. Wuxuu ahaa shaqsiyad karismaatig ah oo aan la dhaadi karin, amase aan yidhaado, wuxuu ahaa shaqsiyad loo bogi karo oo dahsoonnaan badan. Wuxuu ahaa hormuud iyo jiheeye loo caroogi karo, marka loo eego caynadda uu abaabbulay, balse ka caagganna indhaha dadweynaha u hammuun qabay neecawda roobka hoortay ee u alkunkeeda lahaa. Geddi noloshiisu waxaa ay uu muuqatay mid ay ku doobyeyeen ku foogganaanshihiisii aadka u qotodadheera iyo lagama soo maraanimadii aadka u godlisay ee u islaha kaga midho keen labada ebyoonnaan aragti-anshaxeeed iyo mid falsafadeedba. Hammuuntiisii ku aaddanayd ebyoonnaynta iyo saxar-tiridda anshaxu, waxa ay uu soo jiidday weerrar ka dhan ah ahaanshihiisa yuhuudeed oo markii horreba il salluugan lagu dheehanayay. Tannii waxa ay ku dhalisay inuu in badan oo caadooyinkiisa taban ah dhayda ka caddeeyo. Aabbihii oo asalkii horre yuhuudii ahaa, kolkii dambanna kirishtaamoobay, wuxuu ahaa maalqabeen ka mid ah aristoqraaddiyiintii la jaalka ahaa hoggaankii gadhwadeennayay boqortooyadii Usteeri-hangaariya. Degelka reer Wittgenstein wuxuu ahaa meel ay u soo jeeshaan xerta dhaqanku, gaar ahaan fannaaniintii uu kamid ka ahaa miloodistihii iyo hees-qorrihii Johannes Brahms, kaas oo ahaa jaalle u dhow qoyska fitgeneshtayn. Sidaas darteed fanka iyo muusiggu waxa ay ludwiikh fitgeneshtayn u ahayeen qaraf nololeed uu aad janto. Ludwiikh waxa uu la dhashay siddeed sabbi oo saddex kamida afarta wiil ee u la dhashay ay goor horre oo kacaanimadooda ah isquudhgooyeen. Tannii waxa ay ku dhalisay ludwiikh in u dareen taban oo ka dhan ah aabbihii la soo kacaammo, maaddaamow u aabbihii ahaa ma jixin-jixe wiilashiisa ku soo ababiyey qalafsannaan iyo ebyoon-doonnimo (Perfectionism) uu ka tanbadiyey. Jaadka nololeed ee uu dhallaanimadiisa ku soo dhex-koray, waxa ay qaabeyeen adduun araggiisu ku aaddan anshaxa iyo qaab-dhaqanka aadamaha, oo uu marar badan ku soo qaatay yoolbaadhisyadii falsafadeed ee isaga laga soo guuriyey. Kolka aynu u beedhno hayaankiisa mihnadeed, aqooneed iyo qofeedna, luudwiikh waxa uu farsamada miikaanikada ku bartay magaalada beerlin, mar dambe oo 1908ddii ahna waxaa uu magaalada maanjiistar ee carriga Biriddaaniya uu tagay, si uu soo sameeyo cilmi-baadhis ku qotonta majaalka farsamada hawada (Aeronautics). Galaangalkii iyo xiisihiisii farsamadu waxa ay ku dhaliyeen in uu jeellannaan hor leh u qaado tiro-dhigta (xisaabta), taas oo markeeda ku dhalisay in uu tiriig uga shidmo weyddiinno falsafadeed oo ka dhan ah aasaaska ay ku taagantahay tiro-dhigtu. Hiyi kaca aan hoobannayn ee ay ku holcisay xisaabtu maankiisa, waxa ay ku dhaliyeen in uu booqasho ugu tago xiisaabyahankii iyo faylasuufkii falsafadda gorfeynta ee Gottlob Frege, kaasoo isagoo dheehannaya hubaal la'aanta haysata wiilkan reer usteerriya, ku la taliyay bal in uu yool raadcayn iyo salgaadhnimo la sameysto faylasuufkii ugu sitay amminkaas ee Bertrand Russell oo markaas xarruntiisu ahayd jaamacadda Cambridge. Ludwig Wittgenstein goortii uu ku sugna jaamacadda Cambridge, waxa uu si weyn ula ashqaraaray tashiilka iyo dahaadh ka qaaadista aadka u dhumucda weyn ee ay gadhwadeenayeen Bertrand Russell iyo George Erward Moore. Wuxuunna bilaabay ka midho keennidda, sahaminta iyo abla-ableynta loojikada. Markii uu aabbihii hulleellay hillaaddii 1913kii, waxa uu dhaxlay hantidii aadka uu bullaalsanayd ee uu aabbihii soo caanno dhamay, balse waa uu ka kaaftoomay, oo deeqsinimo tadhahday oo aan jaadkeeda carrigaas laga arag dad intii dheeh iyo dhugmo u lahayd ku laabqaatay. Kolkii u dagaalku afuufmay sannaddii xigtayna, waxaa uu isku xilqaammay uu soo jabhadeynta boqortooyada usteeri-hangaariya. Jeerkii dambe ee laga soo noqday dagaalkiinna waxa u sii ambaqaaday ku foggannaaanshaha hawshiisii falsafadeed, isla ammintaasna wuxuu ku guulleystay dhawr bilaadood oo loogu wanqallay geesinimadiisii iyo u dhiidhintii boqortooyadiisa darteed, boqortooyadaaso kolkii dambe u kala tiqraarantay laba dal oo la kala yidhaa usteeriya iyo majar. Camcamintii iyo maxsuulkii uu ka soo dhirandhiriyey u godlashadiisii uu ku sahantagay amase u ku beegaalsaday loojikaduna, waxa ay noqotay curiskiisa aadka u dihin "Tractatus Logico-Philosophicus " , taas oo markii dambe, isaga oo garab ka helaya jaalle raasallna, la diiwaanshay nuqulkiisa ingiriisiga ah sannadii 1922kii. Dhigannahanii waxaa uu ahaa dhiganaha kaliya ee uu diwaanshay Ludwig Wittgenstein intii uu edegta guudkeeda saarna. Dhiganahanno, sida u qabay isaguu, u ku xalliyey amase ugu caymo raadshay cakirnaanta, u caalwaaga iyo looma-aabboyeelka aadka u daran ee dul-hogannaysa falsafaddan tukubeysa. Ludwig Wittgenstein kolkii u soo afmeeray qorridda dhiganihiisaas, wuxuu iskula gartay laylinta iyo barre ka noqoshada dugsi hoosaad ku yaallay miyiga usteeriya, halkaas oo tab-raacisa iyo qaab-abbaarkiisu ay ahaayeen kuwa kakan oo aan horrey loo dhamin, balse sida muuqatay wax ku ool iyo mirodhal badnaa.

Hillaaddu markii ay ku go'nayd sannaddii 1929kii, isagoo gowsaha ku haya in goldaloolo ka jirto gebi falasafaddaba, oo ay lagama maarmaantahay in hubaanti lagu meeldayo, waxaa uu dib boodhka iskaga jafay habaaskii saaarna, yoolkiisanna dib buu u cugtay. Milaygii 1939kiina, waxa uu barre sare ka noqday jaamacadda Cambridge. Kolkii u dagaalkii labaad oogannana, waxaa u hawl ahaan uga kala gooshay adeegge cusbitaal oo u landhan ka hayay iyo cilmibaadhe oo u kolkan iyada ah ka ahaa magaalada niyuukaastal. Markii laga soo laabtay dagaalkiina, wuxuu is arkay isaga oo dib ugu culan aakaaddeemiyada oo u hawshiisi barre-nimo dib uga sii ambaqaaday. Si walba ha ahaate, wuxuu 1947kii kaallintiisii barrenimo uga farobaxay oo u uga kaaftmooy si uu tamar, tiigsimaad, tab iyo taag iskugu duwo wax-qoridda. Inbadan oo waxqabadkiisa ahna waxaa uu ku tusmeyey oo u ugu saldhigtay miyiga carriga ayrlaanda, oo uu halkaas kaga bogtay dabciyaddiisii ka qoqobnaanta iyo dahsoonaanta ku qotontay, maaddaama oo u arkay xal wax ku ool leh oo wax lagaga qaban karo tiimbashada ku taagan falsafadda. Ammintu marka ay ku taagnayd 1949kii, waxaa u dahaadhka ka rogay gebi waxqabadkiisii iyo curintiisii la baahiyey iishadkiisi kadib. Waxqabadkaas oo ugu mudna caynadda shaqo ee loo riyaaqay ee " Philosophical Investigations ". Labadii sanne ee ugu dambeysay cimrigiisana wuxuu u kala gooshayay fiyeenna, ogosfoordh iyo kaambarij. Waxaa u si abbaarid leh ugu sidkanna ka jib-keenka dhiilada laga soo dhurayo falsafadda, illaa iyo uu markii dambe u god-galay xannuunka ma reebaanka ah ee kansarka la dhaho sannaddii 1951kii. Qabadkii la dhiteeyey sanadiihiisii dambenna waxaa la isugu duway diwaankiisa " (On Certainty ) ". Dubaabtiisii ugu dambeysayna waxa ay u dhignayd sidatan “Tell them I’ve had a wonderful life.” = U hadal dhiga oo uu sheega, in aan soo laacay nolol ashqaraar leh. "

***************************************

Dhammaadka qaybtii 1aad.
(FG : Filo qaybaha kale )

Jaalle Looshane

FALSAFADDA IFAFAALLAHA (Die Phänomenologische Philosophie)Q1aad.………………………………………………………………….Falsafaddan ifafafaallahu waa ...
25/07/2025

FALSAFADDA IFAFAALLAHA

(Die Phänomenologische Philosophie)

Q1aad.

………………………………………………………………….

Falsafaddan ifafafaallahu waa dheelmad iyo kacaan ka dhex curtay falsafadda qarnigii 20aad ee la soo dhaafay, taas oo ay ujeeddadeedu ahaa sidii looga gungaadhi lahaa dabeecadda iyo waxa salka u ah baraadka iyo waayo aragnimada ku dhufaannan. Haddii aynu sida kale u dhigno, falsafaddanii waxa ay isku dayaysa in ay qeexdo muuqaallada iyo moodsiisyada aynu ka dhiteyno caalamkan inagu geedaaman, iyada oo ganafka ku dhufanaysa amase iska duwaysa in ay la falgasho qeexitaanda iyo male ku rimisyada durduraya edegta dibadda ah ee uu badanka basharku dhexdii ku maansoodo. Ujeeddadeedu waxayse ahayd in ifafaallayaasha golle ku soo dhaca ah ee maanka cariya sidooda loo baandheeyo loona oddorooso. Kolkaas kadibna xaqiiqooyin sugan oo garaadka aadamuhu ku qanci karana looga dhiteeyo. Dhanka kale falsafaddanii waxay tahay amase soo ahayd maxsuulka kacdoon godlaamineed oo lagu rabay yagleelka aragti ka macno ballaadhan oo ka dhab-abbaarsan aragtida aydhiyaalka ah ee qaabeysay caalamka " Aaangalo-foonka/Anglo-phonic world " . Dhanka kale falsafaddanii waxay ay u jirsatay ujeeddo ka saraysa kan ay bilowgiiba ku dheeratay. Ujeeddada ugu mudan ee ay lahayd waxa ay ahayd dahaadh ka qaadista iyo goobista badweynta aan laga gayoon karin ee ay falaasifada maan-caabudka ihii (radical idealists) ku magacdhabeen “ Waayo aragnimada la soo noollaaday amase la soo laacay”.
Kacaankannii waxaa uu is arkay isaga oo cilmi baadhisyada iyo akaaddemiyadda ku dhex culan, kuna kala fidsan majaallada iyo waaxaha ogaal-karkarineed (scientific) ee sidooda u kala geddisan. Gaar ahaan waxa ay ku dhex-fadqalleeleysmeen oo dhex-jibaaxeen waaxaha cilmiga bulshada, culuumta aadamaha, kasmonafeedda, cilmiga baraadka iyo kuwo kale oo badan. Adeegsiga falsafaddanii waxa uu door muuqda ka ciyaaray in waaxaha cilmiyeed badankood u aalleystaan sidii ay fahan durugsan uga korodhsan lahaayeen waayo aragnimada abqaallista shay, halkii ay muhiimadda ka siin lahayeen qaab-dhaqanka shay ama wax.

HORHDAC

Falsafadannii waa mid kamida caado-dhaqameedyadii falsafadeed ee ugu sitay qarnigii ina dhaafay. Waxaa bilawgii qarnigii horre falsafaddan tuurta saartay oo dhidibada uu taagay faylasuufkii reer jarmal ee Eedhmun Huseel (Edmund Husserl). Falsafaddan ifafaalluhu waxa ay hanaqaaday intii lagu gudojirey qarnigaas tagay, heer ay ka gaadhay inay noqoto aragti udubdhexaad ah oo la baanto iyo marriin iskii u qardajeexaya oo siyaaqii duugga ahaa ee falsafadda ifafaallahu la soo kacaantay ka baydhaya. Bilowgii horre ereyga “ Ifafaalle/ Phenomenology “ waxaa uu la xidhiidhay koox aragtiyeed, oo sida aynu soo sheegnay erexbixin ahaan uu adeegsanaysay ereygan, maaddaama oo ay ujeeddooyin iyo gungaadhyo la xidhiidha falsafadda aydhiyaalka u adeegsanayeen. Adeegsiga labaad ee ereyga oo shaac ka ah falsafadaha dhawaan-socodka ah, waxa uu dhigay xaallad iyo agaasin kamida dabiicadaha jira amase aslan ee ay maskaxdu ku fooggantahay.
Waxaa laga yaaaba in sida muuqata, falsafaddanii si qaafalmardax oo dhalliil-oog ah uga qaybqaadatay kala soofeynta xagjireysan ee loo dhexeysiyay dabeecadda abqaal-doonka ah ee masuulka ka ah falka iyo qoolka insaanka (Human subjectivity) iyo walxaha ma noollaha ah ee uu insaanku ku hagayo ujeeddadiisa (Nonhuman objects). Habkan xagjirnimo u beydhka ihii, waxaa u sabab u noqday ilhaaminta iyo qaabeysmiga qaayosoor fekereed aad u xooggan oo ka dhex curtay dhaqanka fekereed ee galbeedka iyo dunida koonfuurta fog. Dhaqanka ka curtay galbeedku, waxaa uu dhallay in falsafadda ifafaalluhu saaxadda u gogosho damac iyo hilaadin gudo balaadhan oo dib wax loogu abbaarayo waxa asalka u ah xaqiiqada iyo runta, kaas oo ka mug weyn siyaaqyada iyo naqdinta ku badhxan caqligelnimada, dareenka, jilliinka/ dhab-keenka iyo xaalladaha. Illaa iyo heer ayaa la odhan karaa ifafaalluhu waa lama fillaan, maaddaama oo ay saameynteedu ku dhex baahday majaallada aragtiyaha bulshada iyo culuumta raad-raaca. Tannii dhabtii waxa ay ina tusinaysa sida miiggan ee ay falsafaddannii u noqotay isku day iyo damac lagu doonayo hubaal iyo gorfeyn wax ku ool leh.

MAXAA U SAL AH FALSAFADDA IFAFAALLAHA .

Ilaa iyo hadda waxqabadka loo aqoonsanyahay in uu dhalashada falsafadda ifafaallaha u ahaa cunsur aasaasi ah waa waxqabadkii uu Huseeral aslay ee la magacbaxay “ Logical Investigations “. Waxaa ku xardhan ollolihii ku gacan-saydhka ahaa ee ka dhan ka ahaa aragtida kasmonafeedeynta (Psychologism) oo sideedaba ah aragti u dhigan---suurragalnimada maangelka lagu soo hooskeeni karo kasmo nafeedda oo lagu lammaaneyo haltirinteeda cilmiyeed ee aadka u baaxadda weyn.
Ollolahannii iyo baaqanni waxa ay daaranyihiin oo uu ujeeeddadoodu ku biyo shubanayaa in kasmonafeedeyn-tu amase kasmo-ku tallaashan-tu (Psychologism) yahay waax ka mida falsafadda ifafaallaha, taas oo ay hawsheedu tahay in ay falanqeyso, jeerkaasna u yool dhexmaquurto heemaalka heykaleed amase qaabdhismeed ee ay khibraddu / waayo aragnimadu u aal-dhiganyihiin.
Adeegsiga ereybixintan waxaa sidoo kale lagu dhabqay oo qaammuuska eerybixinaha u soo doc fadhiistay tirada waxqabadyada iyo gorfenynaha ifafaafalleed ee horrey ba u jirey: sida kuwa afsaarra siyaaqyada iyo macnayaasha waayo aragnimada iyo xidhiidhada isku sargo’an ee ka dhexeeya waaxda iyo wadarta (Part-Whole relations and intentionality).

Waqabadka Huseeral ee “ Logicial investigartions “ wuxuu u muuqday oo laga dhadhansanayay in u karaarinayay ajandihiisa ka dhan ka ah silbashada iyo kaca-kufka ay la itaaldareysatay xaqiiq-raacdeynta meetafisikeed “ Metaphysical realism ” . Waxaannay ahayd yoolbaadh u dhigan ka dhidhiinta habraac xumada iyo tashiilxumada aan loo meeldayin ee ay falsafadda meetafisakadu baannanayso, maaddaama ay oo ay noqotay aragti falsafadeed oo majareheedii leexsamay, kolkii ay daadraacday falsafadda maaddiga ah ee iyadu qalabyadeeda iyo siyaaqdeeda uu gaarka ka duusha. Si kasta ha ahaate Huseeral wuxuu nuqulka koobaad ee diwaankiisa (IDEAS/IDEEN) ee guggii 1982kii soo baxay ku xusay in falsafadda ifafaalluhu tahay caynad aragti oo ku biyo shubata majaalka falsafadeed ee aydhiyaalka kala-gooshta dhaafaanka ah/Transcendental idealism. Isku daygan muuqda ee uu u badheedhay Huseeral, waxa iska soo taagay oo ganafka ku dhuftay mucaashiqiintii ugu horreysay ee adeecda ama ka biyo-cabba diiwaankiisii hirgelay ee " Logical investigations ", kaas oo ku naqdiyay maangelka, kuna dhalliilay kasmo-nafeed ku tallaashanka/ PSYCHOLOGISM. Qolyahaas waxaa ugu mudnaa Aaddoolf Reynash (Adolph Reinach). Qaabka ay doonta ha ahaate, Huseeral gadaal waxaa uu ku andoocaday in uu jeer walba ahaa aydhiyaaliste ku soo abaaabay––aydhiyaalka dhaafaanka ah amase aydhiyaalka kala-goosha/ transcendental-ka––intii uu badweynta sii ridan ee afkaarta iyo aragtiyaha ku dhex sabbeynayay. Huseeral waxaa uu diiwaankiisa " IDEEN 1 " ku soo qaatay, ku qada dhigey, kuna soo bandhigey mafhuum iyo fahan-bixin aad u kala tiqraarsan oo dabiicadda kasmo-doonimada baraadka ah (intentionality of consciousness), taas oo la xidhiidha jaadka uu dhexeeya dhabta (fact) iyo nuxurka (essence) iyo sidoo kale kala caynad duwanaanshaha u dhexeeya qoddada ifafaalleed (phenomenological attitude) iyo tan dabiiciga ah (natural attitude). Dhanka kale Maartin heydegger wuxuu ahaa kalkaaliyaha Huseeral, kaas oo falsafadda ifafaallaha u xambaarray amase u abqaallay jiho ugub oo xilligiisaas dhaqanka falsafadda iyo suugaanta carro degta galbeedka lama filaan ka ahayd, aadna loo majeertey. Waa heydegger'e, isaga oo ka biyo cabsan yoolka uu markii horreba jaallihii Huseeral ka duullay ee ahaa dardargelinta iyo shaandheynta aragtiyaha iyada oo la adeegsannayo gorfeyn ifafaalled, ayuu isagu wuxuu markiisa ku badhxay in xiise iyo u kuur-gelid absaluuut ah oo lagama kacaan ah lagu dengiiigsiyo weyddiinta asal- u doonka ah ee la xidhiidha maxaa ah jiraal iyo ahaansho. Aragtidiisan isaga uu gaarka ah, wuxuu ugu wanqallay "Grundlegende Ontologie " taas oo la macno ah gungaadhka aasaaasiga ah.

DHAMMAADKA Q1aad.

Jaalle Looshane

MAXA AY FALSAFADDU U TAHAY HURIWEYTO                         (BEERTARAND RUUSEL)Waxqabadyadii u alkumay kaahinkii iyo ka...
17/05/2025

MAXA AY FALSAFADDU U TAHAY HURIWEYTO

(BEERTARAND RUUSEL)

Waxqabadyadii u alkumay kaahinkii iyo kabaalkii qarnigii 20aad ee ‘ Beertaran Raasal ‘ waxa ay bud-dhigeen qalab jeedaal oo aad u heer sarreeya. Mufakiriin badan ayaa iska dhex arkay qotodheernaanta falsafadda ruusel ee aad ka u kadaalliga badan. Maqaalkannina waxaa u daarranyahay oo u kaahinaya dhab ahaan ujeeddada u ka laha kacdoonkii mar la arkayga aha ee uu beertaran ruuseel ku aslay falsafadda, iyo sida u qudhiisa ugu kanballay kalkaalinteeda iyo kalkaggeeddiga u maray iyada darteed. Beertaran Ruusel waxaa uu ahaa kaadiriintii ugu sitay qarnigii 20aad ee ina dhaafay. Waxaa loo aqoonsaday in u ahaa mid ka mida aasaasayaashii iyo bud-dhigeyaashii faslafadda gorfeynta ee casrigan. Waxqabadyadiisu waxa ay kaallin muuqata ku yeesheen tirodhigta/ xisaabta, loojiga amase maangelka cilmiga ah, indheergaradnimada gacan ku sameyska (artificial intelligence), sayniska baraadka (cognitive science) iyo sayniska agaasinka kala dhigan (computing science). Nolosha namuunta leh ee Ruuseel qaabeeysay waa mid aan laga gayoon karin oo dhiirigelin leh, sida ay waxqabadkiisuba tilmaamayaan ee ay u yihiin jaadgoonni. Waxaa dhalkacaanimadiisii laga soo eryay labada jaamacadood “ Cambridge Trinity College ‘ iyo ‘ New York City College “. Waxaa uu la soo kacaamay labadii dagaal ee edegta, waxaa uu laba gooraalaba la soo kulmay xabsi, jawr iyo jujuubid loogu eersannayay u olloleyn siyaaasadeed, illaa u ka gaadhayey darajada “ Order of Merit “, iyo ku guulleysigiisii abaalmarinta “ Nobel “ ka ee suugaanta. Kollal horre oo waayihiisanna waxaa u soo noqday qowsaar iyo hadaljeediye warbaahiinneed, oo ka qayb qqatay xiisad dejin lagu soo rogay dhinacyadii isku afsaarray xiisaddii gantaalada Kuubba. Russell ma ahayn keliya faylasuuf ku kooban meegaarada boodhka leh ee cufan ee aakaaddemiga. Ahaanshaha iyo dabeecaddii Russell waxaa laga yaabaa in sida ugu wanaagsan looga dheehan karro dhacdo halleeshay dhammaadkii noloshiisa. Kolkii da’diisu cago cageynnaysay 89 jirkiisii, waxaa loo taxaabay xabsiga oo u ku soo laacay 7 maalmood oo loo heystay amase loo gefey in u kul lulglahaa nabad-diidnimo, isago kolkaas loo qoonsaday in uu metelaad u yahay gacanka indheergaratada, waxaanna loo heystay “ burin nabadeed/ breach of peace “ maaddaamma u ka qayb qaatay gadood iyo bannaanbax lagaga soo horjeeday “farsameynta Bu’awga / nuclear “ (anti-nuclear demonstration). Mar u garqaadihii kiiskiisa gadhwadeynayay u soo jeediyay jeefaaf iyo in uu xabsiga ka saarrayo haddii uu naftiisa u leexiyo oo u ballanqaado in ay la jirsan doonto anshax wannaag-nanna; waxaa u ku qablamay “ Maya, ma yeelli doonno / ‘ No, I Will not ‘ “.
Intii uu ku gudojirey waayihiisa akkaademiyeed, ruusel waxa u qorey tiro kalaasiigga ah (classics), oo ugu horreeyey waxqabadkiisa mar la arkayga ah ee “ Principia Mathematica “ illaa uu ka gaadhayey waxqabadkiisa “ Human Knowledge: Its Scope and Limits “, ee u ku soo ebyiday caalamka qoraalka. Balse buug yaraha qaabka hordhaca ah u qoran ee ku saabsan falsafadda laguna magacaabo “ The Problems of Philosophy “ waa ka keliye xardhay ee laga dhadhansaday sida u Ruusel ugu miiggannaa beekhaaminta falsafadda. Dhigannahaasina waa ka uu ku soo qotomiyay tiro mawduucyo ah, abla ableyn ah oo hor leh, kedibna waxa u dusha ugu baxay taawinta iyo dhisidda jeedaal haashaar leh oo ku aaddan sababta ay falsafaddu u tahay lagama maarmaan iyo huriweyto “ on why philosophy matters “ . Waxa aannu u ku kala dhigdhigaya qaayaha ay leedahay in falsafadda wax lagu abqaallo, lagu dhaqmo oo lagu negaado.
Si aannu u muquurrano, Ruusel waxa uu qeexayaa sababta ay u jirraan iska hadalo la iska soo jaray iyo dabeecado diidmo ah oo ku wajahan falsafadda. Waa sida uu hadalka u dhigay’e, waxa uu leeyahay: “ Aadame badan oo ku hoos yuubban saameynta qarka weyn leh ee sayniska , ayaa u janjeedha in ay isweyddiiyaan haddii bal ay falsafaddu barro dhafsiisantahay waxyaallaha eersasha ka madhan ee ma dhallayska ah, is kala sooca la mooda sidii timo la kala gurayo iyo murannada ku saabsan arrimaha ku aaddan aqoonta aan la dhaadi karin ee loo caalwaayay. ´Many men, under the influence of science or of practical affairs, are inclined to doubt whether philosophy is anything better than innocent but useless trifling, hair-splitting distinctions, and controversies on matters concerning which knowledge is impossible “. Iska soo jarka diidmeysan (dismissive attitude) ee ka dhanka ah falsafaddu waa mid ku qotoma oo laga dheehan karro laba arrin oo waaweyn, waa sida uu ruusel qaba’e. Waa marka koowaad’e, waxaa loo celin karaa xaqiiqada jirta ee sheegaysa in falsafaddu aysan dhallin waxtar muuqda oo dhayda ka cad oo la taaban karro, sida sayniska iyo aal-qoolka. Waa marka labaad’e, falsafaddu ma awooddo inay banka keento warcellinaha inta badan weyddimaha ay qudheedu isweyddiiso . Maxay haddaba falsafaddu qiimo u leedahay, oo ay kaaga taalla?

• HUBAALWAAGU WAA LAGAMA MAARMAAN

Si kastoo u caal helno ka gungaadhidda rabitaannadeenna iyo u warcelinta faduulnimadeenna sii deysan—, ruuseel ayaa ku doodayee, – waa lagama kacaan in aynnu joogteynno xiisaha iyo rabitaanada aynu ka filan karno amase ka kubkusiigaalleynayno koonka. Xiisahaasiina waa ka ay dhici karto in u haaadan naga tuuro, haddii aynu ka gaabinno amase ka lugtoolno waxyaabaha mudan in la garto. Sabab?, maxaa yeellay, hubaantii la’aanta, maaha iyo mihayga ay falsafaddu inagu ladhaa waxa ay na dhaxalsiinayaan qaayasoorka iyo dhab ahaan lama hurraanimada falsafadda. waxa aannu Raaasal ku sii daray : “ Aadanaha aan falsafadda wax uga bilaabneyn ee ka aradanii, waxa uu weligii u afduubnaanayaa oo maxbuus u ahaan doonna iska soo gaadhyada (prejudices) laga soo dhirandhiriyey muctaqadaadka la caadeystay ee ka jira waayihiisa iyo edegtiisa iyo male ku rimisyada ku naaxay maskaxdiisan ee aan la soo saarrin gorfeynta iyo sababeynta. Sanku neeflahaas oo kalle, dunidu waxay ula muuqata oo uu malleystaa amase u bawsadaa wax go’anno sugan, idiltiran oo dhammays ah, cad oo madmadow ka nasahan, arrimaha shaacsannaha ah ee aloosannina kuma kurbeeyaan in uu weyddiin galo, filashooyinka iyo suurtogelnimada aannu la barrana si dhayalsi iyo quudhsi leh bu gannafeeya “.
Isla judha aannu u geyfano ka bogoshada falsafadda iyo in aannu wax falsafadeynno, si kastaba ha ahaatee waxaynu ogaannayna in “ xitaa waxyaallaha maallinlaha ah badankood ay inoolla muuqannayaan/ u arki doonno dhallanteed iyo madhaxnimo keliya ku hakada amase ku banjarma warcellino aan laga salgaadhin oo u baahan in la durkiyo.” Waa Raasal’e waxaa u markalle leeyahay “ Si kasto ay tahay, (falsafaddu) iyado gudhinaysa dareenkeenna hubantinimada ee ku aaddan dabeecadaha ay yeelan karaan waxyaallaha qaari amase weelleynaysa malleysiga aroorka dhabta ah ee wax gaar ihii yeellan karaan, ayay falsafaddu dhanka kallenna si weyn u tadhahinaysaa ogaalkeennu iyo aroorkeennu waxa ay noqon karaan, ee u salka ah. Waxa ay sidoo kale meesha ka saarraysaa gacan ku rimisyada iyo iska soo gaadhyada tookhaysan (arrogant dogmatism) ee ay qabaan kuwa aan weligood iyo waaqood u saanqaadin amase u guureyn edegta iyo aagga laga banto looyaanta, qalalabka, shakiga iyo hubaalwaaga ; waxaannay dib iskugu toollaysa oo naf kale ku afuufaysaa dhaadkeenna fillanwaaga iyo amakaagga , iyada oo nagu kallifaysa oo nagu durkinaysa in aannu waxyaallaha inala caadiga ah ka fiirrino xagal ka duwan ta aynu horre uga eegaynnay. “

• SURREYSIGA DHAAFSIISAN QUDHUU WAXAA INAGA DHIGA DAD ABYOON.

In aynu hoos u dhigno hubaal ahaanshaha oo jammiridda salka u soo daadijino waxay inoo horseedeysa qaaye iyo qiime umuc leh oo aan la tirin karin. Markaynu ka fikirayno, jeeqaaqayno amase jeedaalinayno halkudhigyada qotodadheer ee ka caagan dhaadashada, meehaalleysan ee ay daahsoonnaantu ku lammaantahay— ayay kaallinta iyo ujeeddada aynu ka leennahay carro edegtanni (way) bulaashaa oo beekhaamta illaa heer aynu gaashaanka u durno dareenada iyo danaha qofeed ee aynu ku gaarnahay. Dabeecadda noocaas ah la’aanteed, waxaa laga yaaba in aynu dawdarno oo dayacno jeeqaaqa aynu siin lahayn nuxur alla ama wax alla , yaannay ba si toos ah saammeyn noogu yeellane; ama ka sii darrane, waxay u fasirii xaallad walba iyo mawjad walba oo inala soo darista sidii in ay aagaan iyo bukur ku yihiin jeelashadeenna, jamashooyinkeenna iyo rabitaanadeenna. Sidaas darteed waxay indhogashiga caalamka ku dhaadno u kala tiqraari tagaabo iyo tabaallo, jaal iyo col. Beertaran Raasal oo arrinkaas ka hadlayaa––waxaa u leeyahay : Haddii aynnaan ballaadhin ahmiyad siinta aynu ku taabideyno caalamkan dibadyaalka ah ama ifyaalka ah, waxa aynu u go’i sidii ganle rakiban (garrison) oo dhex ool qalcad go’doonsan. Nolosha sidaa ihii ka jirri mayso nabdoonnani, bal’ee waxa ku ladhnaan doona loollan joogto ah oo u dhexeeya ku raadjoogyada rabitaanada iyo awood la’aanta higsiga iyo doonidda. Si kastaba ahaatee, haddii aynu u jeellannahay in ay nolosheennu noqoto mid guulleysata oo xornimo u dheertahay, waa in aynu ka libdhannaa xabsigan iyo afduubkan na takhantakheeyey. Jidadka aynnu u mari karno baxsashadaasina waa u fiirsashada, dhexmuquuridda iyo gorfeynta falsafadda. “
Marka aynu dhex jibbaaxno mawduucyada inaga tanka badan, waxa aynu ka taransan dareen deggennaan maskaxeed leh oo ay isduldhig iyo jeellanaan xadka bax ihii ku ladhantahay. Sida uu Raasal-ba ka dhaawajinayanna waxaa u leeyahay “ Koonkan sii socda uun ee aan hakad lahayn, caqliga gorfeeya ee ku dhexmuquura, waxaa u dhaxli oo hanti mug weyn oo sii deysnaan leh. “ Sidoo kalle, Ruuxda fekeraysa waxa ay dhexjibbaaxii oo abqaalli fallalkeenna iyo ficilladeenna. Sidaas darteeed, taasi iyada oo ay ina shidaalinayso, waxa ay meehaaladeennu iyo rabitaanadeennu u carismi qaabka ugu mudan uguna nuxurka balaadhan ee laga dhadhansan karo ilbaxnimo iyo macne guud.
Sidaas darteed, ta’amulkaas iyo fekerkaasii ma korriyo oo ma beekhaamiyo ku dhex suganayaasha dhaadkeenna oo keliya, bal’e iyanna waxa u bullaalsha dhexsuganayaasha qabadkeena iyo raadeynteenna: Ta’amulkaasii waxaa u innagga dhiga muwaaddiniin kowni ah oo meel dheer wax ka fiirsha, keliya maaha muwaaddiniin ku dhex go’doonsan magaallo meegaarran/ weegaaarran oo dagaal kula xarbiyeysa kuwo ka shisheyeeya’e. Sidaas darteed muwaaddinimadaas kowniga ihii—waxa ay koobsannaysa xornimada runta ah ee insaanka iyo ka libdhashada amase isbixinta uu kaga farobaxsannayo cabiidnimada meehaalka miiqan ee aan meelna gaadhsiisnayn iyo ka irdhoobidda cabsida. In la barto oo lagu dheygago falsafaddu, waxa ay innoo furraysa adduunyo cusub oo hor leh, waxa innaga dhigeysa kuwo ka fekera in dhaafsiisan ahaanshiyahooda si ay u daryeellaan muuqaallada ballaadhan ee lagama kacaanka ah ee ay noloshu inagu habayso.

Raasal-na waxaa u ku so gebagebaynayaa : “ Falsafadda maaha uun in loo gorfeeyo, loo barto oo lagu celcelsho sidii loo heli lahaa warcellino qeexan oo la duldhigayo weyddiimaheeda, maaddaamma uusan/ aysan jirrin warcellino qeexan oo aan laga dhaqaajin karin oo deeqtaaminaya weyddiimaheeda ay badana la soo golle fadhiisato. Sidaas darteed ka xeer ahaan, waa in aad raacdeysataa oo aad naftaada ku loollaamisa sidii aad u heli lahayd runta iyo xaqiiqada, adiga oo ka duullaya, indhahanna ku badinaya weyddiimaha ku hordhigan ee lagama kacaanka tahay in ay ku carriyaan, meehaalkaagana durduriyaan ; maxaa yeelayse weyddiimahannii waxa ay balaadhinnayaan oo ay beekhaaminayaan adduun aragga iyo shaandhada noo kala tiqraarta maxaa caqligel ah, maxaase ahayn. Sidoo kalle, waxa ay naaxisaa khiyaalka, garashada iyo hummaag bixinta fiiradu kalkaaliso, waxa ayna dhanka kalle dedefaysaa oo ay bakhtiisa been abuurada abka soo gaadhka ee la qaatay amase la liqay (dogmatic assurance), ee ay marka horreba surraha ahayd in ay oodaan oo birta ka aslaan siyaaqa xaqiiqada iyo maangelka ee uu maanku u hammuun qabay. Intaaba waxaa ka korreeya oo daymo mudan—innaga oo dhaadayna wacdaraha iyo qaayaha koonku la tadhahay ee uu ku agaasimo dabeeecadda, ayay falsafaddu dhankeedana ku feker baxaysaa, kana shidaal qaadanaysa weyddiin gelinta ay isla kownka gelinayso. Jeerkaas garashada iyo maanku waxa ay ku hanaqaadmayaan shaandheynta, kala haadinta ay ku beer-falannayaan xaqiiqada kownka iyo aroorka dhabta ah ee ay lagama maarmaanka in laga dhiteeyo dabeecadda iyo kownka. Intaas waxaa basharka uu dheer oo u tix-jibbaax iyo xigmad ka dhiteynii, jeerkaasna awood fallaagannimo oo nidaamyada ab ka soo gaadhka kaga xuubsiiban waa keliya in u la jirsado la midoobo kownkaas ay lagama dhibcaanka tahay in uu u seeso una milgeeyo heerkiisa ugu mudan ee ebyoonaan leh “.

DHAMMAAD

W/Q:Jaalle Looshane

Adresse

Berlin

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Hayaanka Aqoonta erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Die Schule/Universität Kontaktieren

Nachricht an Hayaanka Aqoonta senden:

Verknüpfungen

Teilen

Kategorie