11/01/2026
AL-SHABAAB INAY QABSATO MUQDISHO WAXAA NAGA XIGA WAQTI UUN - AFRICOM
Majallad uu soo saarro Taliska Militariga Mareykanka ee AFRICOM ayaa qortay in kooxda Al-Shabaab inay qabsato Muqdisho ay tahay arrin "waqti uun naga xigo".
Wargeyska ayaa soo bandhigay xogo Soomaalida ka qarsoonaa oo ay ka mid tahay weerarkii GODKA JILACOW ee 4tii Oktoobar in maxaabiis Shabaab lagu siidaayay.
Wargeysku wuxuu sheegay in Odowaa Yuusuf, oo ay qaraabo yihiin Xasan Sheekh ahna Taliyaha Ciidamada Soomaaliya, inuu Baarlamaanka u sheegay in 10,000 illaa 15,000 oo askari ay ku dhinteen dagaalka Shabaab, taasoo hoos u dhigtay niyadda ciidamada Soomaaliya.
Qabsashada Al-Shabaab ee Muqdisho waxay ku iman kartaa labo waddo, ayuu yiri wargeyska.
- Mid waa inay dagaal kula wareegaan.
- Ama inay qaab wada hadallo - oo haddaba u socda - ay kula wareegaan caasimadda Soomaaliya.
SOURCE:
The al-Qaida-linked terror group al-Shabaab has surrounded Mogadishu and threatens to seize Somalia’s national capital with ongoing, brazen attacks in and around the city, according to a recent report. In early October, the group used a car disguised as a military vehicle to bomb a branch of the S...