Kaalmeeye Medical Center

Kaalmeeye Medical Center

Share

[email protected] In Ay Naggu Soo Biiraan, Naggu Soo Booqdan, Nagga La Socdaan Official Page-ka Kaalmeeye Medical Center (DR:Jama-Raan.)

Waxaa Aan Aad Iyo Aad U Soo Dhaweeynayaa Bulsho Weynta Soomaaliyeed Ee Jecel Amba Daneeya, Xiisaysaa, Amuuraha Caafimaadka Iyo Arrimaha bulshaddaba. Waxa Aan Mar Labaad Si Sharaf, Xushmad, Iyo Qaddarin Leh Idinka Codsanaynaa In Aad Wixii Talo Iyo Tusaale Ahba, Noo Soo Dirtaan, Na Toosisaan, Wixii Aad Na dhaantan Nooggu Deeqdan.

{{WELCOME TO OFFICIAL PAGE OF Kaalmeeye Medical Center, DR:JAMA-RAAN}}.

29/03/2024

Ka hor-tagaa, Daaweynta xanuunka Cholera ( shuban biyoodka).

Shuban biyoodku waa Xaalad, ay keento bacteria-da loo yaqaanno ( Vibrio cholerae), taas bukaanku leeyahay ama uu la imaanayo, Shuban biyo ah oo isku xigxigaa, matag ama hungaaco badan, jidh xanuun, awood daro, fuuq bax bukaanka Ka muuqdaa jidhkiisa.

Maxaa ugu h**eeya oo la qaban karaa marka xaaladani timaado ama la arko?
1. Ka hortagaa, lagaga taxadaraayo fuuq baxaa, kuu dhacaaya bukaanka, iyadda oo loo kala saaraayo, saddexdii qaybood ee fuuq baxaa.
2. daaweey iyo dabiib.

Maxaa wasaaradda Horumarinta Caafimaadka la gudboon, iyo laamaha ay wadda shaqaynta leeyihiin, heer Qarran, heer gobol, heer degmo, heer tuulo?

1. Wacyi-geli balaadhan in la sameeyo.
2. Diyaar-garow naf hurnimo ah in la sameeyo.
3. Dalbasho talaalka cholera, iyanna la sameeyo.
Qof kasta waxaa saaran masuuliyad qofeed iyo mid qoys, Ka bilow Wacyi-gelinta qoyskaaga, meel dhow aynnu Ka eegno maalin walba khudaarta ay Isticmaalo waxaa ay inteeda badan innagga soo gashaa itoobiya oo la xaqiijiyeey in uu xanuunku Ka jiroo, dalkeenna Ka mid ah, iyo weliba goboladda iyo degmooyinka aynnu xadka la leenahay, sida ay sheegeen haay'ayaha Caafimaadka adduunku, in ay jiraan Xaalado la il daran xanuunka, iyo dhimashaba..

Kuu bararaagusanow halista xanuunka Shuban biyoodka ee innaggu soo siqaaya..

Allaa Mahad leh.

Dr. Jama Raan

14/10/2022

Wacyi-gelin.
Bulshada qoraalkaygan yari gaadhayo waxaa aan ku Wacyi-gelinayaa, ama aan uga digayaa, in aynna khalad fahmin Xaaladdan Caafimaad ee kuu soo cusboonatay waddanka iyo dunida in badan oo ka mid ah.

Ugu horrayn, Xaaladdani maaha mid sahlan ama xanuunaddii h**e loo arki jiray, ee waa mid innaggu cusub, isbedelada cimiladda awgeed waa xanuun dhashay, oo u soo talaabay geeska afrikada bari, waxaa gudbiya duumada la yidhaahdo (Aedes aegpti)

Haddaba Haddii aad isku aragto ama aad yeelatid calaamadahan Hoos ku qoran:-
1. Xumad sare
2. Kala-goysyo garaac iyo xanuun
3. Finan cas-cas oo ka soo baxa jidhka qaybo ka mid ah
4. Madax xanuun
5. Muruqyo xanuun
6. Lafo xanuun
7. Indhaha guntooda oo kuu xanuunaa
8. Yalaalugo ama matag
9. Dhiig goror, ka imaanayaa ( sanka, dabada, ciridka)

Fadlan ka feejigno qaadashada, ama liqista/ liqida xumad jebinta badan, ama isku eegista xumad daran.

Hana qaadan xumad baabi'iyaashan, ibuprofen, relief, naproxane, ibumol, diclofenac, tramadol, iwm.
Waxaa lagu ogol yahay xumad jabinta loo yaqaanno ( Paracetamol), noocayadeeda Kala duwan, maydhashada, maro qoysashada oo aad madaxa uun saaranaysid, cabista biyo badan.

* Teg xaruunta Caafimaad ee uu joogo dhakhtar, la soco Xaaladaadda Caafimaad, la tasho dhakhaatiirta.
* Ka sii daa biyaha fadhiyaa gurigaaga agagaarkiisa, nadiifi gurigaaga, goobaha shaqada, iskuuladda, malcaamadaha iwm.
* Meelaha kaneecaddu gasho ama kaneeco qabatidka fuufi ama daawee.
* Xidho shandarawe, ama maro kaneeco.

Allaa Mahad leh..

Photos from Kaalmeeye Medical Center's post 14/09/2022

Bushaaro Bushaaro Bushaaro.
Bulsho weyntaa, kuu nool gobolka Togdheer, gaar ahaan magaalo madaxdiisa Burco iyo nawaaxigeeda waxaa loogu bushaaraynayaa in Kaalmeeye Medical Center kuu sameeyey Qiimo dhimis 30% ah dhanka shaybaadhka, iyo card-ka Dhakhtarka oo bilaa lacag ah muddo labo isbuuc ah.

Is qorintu way socotaa, h**e u gaadh Kaalmeeye Medical Center, oo uu kuugu diyaar yahay, Dr. Jama Raan oo daawaynaaya xanuunadda maqaarka, ( Xasaasiyadda, Cuncunka, Canbaarta, Qawadka, Haaraha, Toxobta, Caano-gocotadda, infection-nadda haleela jidhka, iwm), cudurada guud iyo carruurta sida: maaraynta iyo xakamaynta dhiig-karka, macaanka, qaanjidh-ka thyroid-ka, gaasteriga, oof-wareenka, xoqodaha, shubanka, xanuunadda kaadi mareenka kuu dhacaa iwm...

Taariikhda 15/9/2022.
Ciwaanka dhinaca konfureed ee masjidka al-quduus ama ka soo hor-jeedka gurigii Suldaan yuusuf Cabdi Cawed ee h**e.

Mahadsanidiin..

30/08/2022

Bulsho weynta soomaaliyeed, Kaalmeeye Medical Center, waxaa uu u taagan yahay, Caafimaad qabkiinna, ugu kaalay tallooyin togan, iyo tilmaan sax ah..

Alla Mahad leh....

06/05/2022

Tips for a good mental health..

28/11/2021

Protect yourself from covid-19.

28/11/2021

Protect yourself from covid-19.
Awareness from WHO.

16/11/2021

Kaalmeeye Medical Center.

Ugu kaalay adeeg hufan, shaqaale carbisan, Daawo Tayo leh, iyo shaybaadh casri ah..

24/02/2016

Boggan Muddo Dheer Ma Soo Booqanin, Runtii Booqasho La'aantaydani Waxa Ay Ahayd Waqti La'aan, May Ahayn, Ka Caajisid, Amma Iska Dayn, Aad Ban Idiin Salaamayaa Dhammaan Asxaabtaa Ku Xidhan Page-kan!!!

Want your school to be the top-listed School/college in Changsha?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Changsha
410219