Hassan Toora-Toorow

Directions

Hassan Toora-Toorow This page is an invitation to dive deeper than the depths of an oil well.

While I may be a petroleum engineer by day, here you'll find me venturing into the vast ocean of general knowledge.

Ciid wanaagsan
27/05/2026

Ciid wanaagsan

Ceelka la qorsheynayo in hadda la qodo ma aha ceel shidaal laga soo saarayo (production well), balse waa ceel sahmineed ...
14/04/2026

Ceelka la qorsheynayo in hadda la qodo ma aha ceel shidaal laga soo saarayo (production well), balse waa ceel sahmineed (exploratory well). Ujeeddada ugu weyn ee ceelkan loo qodayo waa in laga jawaabo su’aasha ah: meesha la qoday ma ku jiraan wax shidaal ah? (Marxaladdan waxa kaliya la xaqiijinayaa jiritaanka shidaalka, iyadoo aan weli la eegin xaddigiisa, noociisa, iyo astaamihiisa).

Haddii su’aashaas jawaab togan loo helo, waxaa xigi doona qodista ceelal qiimeyn ah (appraisal wells), kuwaas oo lagu ogaanayo in shidaalka halkaas ku jira uu yahay mid ganacsi geli karo iyo in kale.

Haddii la caddeeyo in uu ganacsi geli karo, waxaa la guda geli doonaa qodista ceelal horumarineed (development wells). Sidoo kale, qaar ka mid ah ceelashii qiimeynta ayaa loo rogi karaa ceelal horumarineed, haddii loo baahdo. Ceelashan dambe ayaa ah kuwa laga soo saarayo shidaalka, laguna diyaarinayo suuq geyntiisa.

Si kastaba ha ahaatee, hadal-heynta suuqa ka jirta maalmahan ee ku dhisan deg-degga iyo in si dhakhso ah laga tuuri doono dhiisha faqriga waxay u muuqataa arrin la mid ah “gosada gal, garoorna ka keen.” Taasina ma aha mid suurtagal ah.

Hassan Abdullahi ( Hassan Toora-Toorow )

Iyadoo uu socdo dagaalka Bariga Dhexe, isla markaana ay jiraan caqabado la xiriira  meelaha laga dhoofiyo shidaalka Cira...
13/04/2026

Iyadoo uu socdo dagaalka Bariga Dhexe, isla markaana ay jiraan caqabado la xiriira meelaha laga dhoofiyo shidaalka Ciraaq, haddana dalka Ciraaq ayaa kasoo xareeyey dhoofinta shidaalka lacag dhan 2 bilyan oo doolarka Mareykanka ah bishii Maarso ee dhawaan dhammaatay.

Sanadkii h**e, bishii ugu dambeysay ee Diseembar, waddanka Ciraaq wuxuu ka helay dhoofinta shidaalka lacag dhan 6 bilyan oo doolarka Mareykanka ah.

Qiimaha shidaalka oo markii h**e maraayay $110+  ayaa hoos usoo dhacay ka dib markii uu Donald Trump uu sheegay in dagaa...
09/03/2026

Qiimaha shidaalka oo markii h**e maraayay $110+ ayaa hoos usoo dhacay ka dib markii uu Donald Trump uu sheegay in dagaalka Iiraan inuu dhamaaday in badan oo ka mid ah.

Hadda qiimaha Shidaalka benchmark-ka WTI-ga waxaa uu maraayaa $85 halkii Barmiil, halka benchmark-ka Brent uu maraayo $88 halkii Barmiil.

Tolow ganacsatadii Soomaaliyeed ee markii h**e qaaliyeeyay shidaalka hadda ma raqiisin doonaan?!

Qiimaha shidaalka ayaa bilaabay in uu cirka isku sii shareero.
02/03/2026

Qiimaha shidaalka ayaa bilaabay in uu cirka isku sii shareero.

Ramadan Mubarak
17/02/2026

Ramadan Mubarak

Ka sokow shidaalka laga qodayo badda Soomaaliya, waxaa jira shidaal-qodis laga bilaabi doono barriga Soomaaliya.Inkastoo...
15/02/2026

Ka sokow shidaalka laga qodayo badda Soomaaliya, waxaa jira shidaal-qodis laga bilaabi doono barriga Soomaaliya.

Inkastoo ujeeddooyin amni dartood looga baaqsaday in si rasmi ah loo magacaabo goobaha dhanka barriga ah ee shidaal-qodista laga bilaabi doono, haddana sida la qiyaasayo, meelo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka mid ah goobahaasi shidaal-qodista laga bilaabi doono.

Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga ayaa ka bilaabi doonta shidaal-qodista, hase yeeshee waxaa ka horreyn doonta dhismaha waddooyinka gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan goobaha bartilmaameedka ah ee aagga magaalada Marka.

Ceelashii sahmineed ee h**e looga qoday gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka mid ahaa:

1. Ceelka Qoryooleey-1, oo shirkadda Sinclair ay qodday sannadihii 1960–1961.

2. Ceelka Qoryooleey-2, oo isla shirkadda Sinclair ay qodday sannadkii 1965. Ceelkan wuxuu muujiyay raadad gaas (gas shows).

3. Ceelka Marka-1, oo la qoday sannadkii 1959.

4. Ceelka Baraawe-1, oo isla shirkadda Sinclair ay qodday sannadkii 1963.

5. Ceelka Afgooye-1, oo isla shirkadda Sinclair ay qodday sannadkii 1966. Ceelkan waxaa laga helay gaas dabiici ah.

6. Ceelka Afgooye-2, oo la qoday sannadkii 1984. Ceelkan wuxuu muujiyay raad gaas (gas shows).

7. Ceelka Afgooye-3, oo la qoday sannadkii 1985.

8. Ceelka Mudun-1, oo shirkadda Amoco ay ka qodday meel u dhow magaalada Baraawe sannadkii 1990.

Sidoo kale, waxaa jiray ceelal kale oo sahmineed oo laga qoday gobolka Shabeellaha Hoose, sida ceelasha Dhoobeey-1 iyo Dhoobeey-2.

F.G: Sawirka hoose waxaan ku sameeyay AI, xogta uu xambaarsan yahay maaha mid daqiiq ah.

Hassan Abdullahi Sheikh Abdi ( Hassan Toora-toorow )

Xilli batroolku uu bilaash ka noqday meelo ka mid ah caalamka.Horay waligaa ma u maqashay sheekada ku saabsan xilli batr...
20/12/2025

Xilli batroolku uu bilaash ka noqday meelo ka mid ah caalamka.

Horay waligaa ma u maqashay sheekada ku saabsan xilli batroolku bilaash ka noqday meelo ka mid ah Maraykanka? Xitaa arrintu waxay gaartay heer la yiraahdo: "Walaalow, qaado hal barmiil oo batrool ah, annaguna lacag baan kugu dari doonnaa."

Waa sanadkii 2020-ka bishii Abriil 20-keeda.

Hassan Abdullahi Sheikh Abdi ( Hassan Toora-toorow )

"Petroleum" maaha Shidaal------------------------------------Inta badan dadkeennu marka ay maqlaan erayga “Shidaal”, mas...
16/12/2025

"Petroleum" maaha Shidaal
------------------------------------
Inta badan dadkeennu marka ay maqlaan erayga “Shidaal”, maskaxdooda waxa markiiba kusoo dhacaya batrooliyam (Petroleum) iyo gaas dabiici ah. Hase yeeshee, erayga “Shidaal” macnihiisu intaas wuu ka ballaaran yahay.

Erayga “Shidaal”, sida magaciisu muujinayo, waxa uu tilmaamayaa wax shidma, gubma, ama gubasho sameeya. Luqadaha qalaad waxa uu la micne yahay Fuel (Af-Ingiriisi), الوَقود (Af-Carabi), iyo 燃料 (Af-Shiine).

Erayga 燃料 waxa uu ka kooban yahay laba eray oo kala ah: “燃”, oo ka yimid “燃烧”, laguna micneeyo gubid, iyo "料" oo ka yimid ’’“材料”, oo loola jeedo walax.

Erayga ( الوَقود) gadgadoonka luqadeed ee uu maro waa ( وَقَدَ، يَقِدُ، وُقودًا ) tusaale ahaan
( وَقَدَ الشيءَ يَقِدُه وَقْدًا ووُقودًا: أي أشعلَه وألهبَه ).

Sidaas awgeed, erayadan (Fuel, الوَقود, 燃料) dhammaantood waxay tilmaamayaan walax gubata ama gubasho samaysa si ay u soo saarto tamar ama kul.

Waxyaabaha gubma ee tamar ama kul soo saara waxa ka mid ah: qoryaha ama xaabada, dhuxul dhagaxa, shidaalka bu’eed (nuclear fuel), shidaalka noolaha (biofuel), iyo shidaalka foosilka (fossil fuel) sida saliid dhadhaabeedka (petroleum) iyo gaaska dabiiciga ah, iyo kuwo kale.

Maaddaama erayga “Petroleum” aan si rasmi ah Af-Soomaali loogu turjumin, ama ugu yaraan aan turjumaaddiisu si fiican u faafin, dad badan ayaa u fahmay in erayga “Shidaal” uu si toos ah ula micne yahay “Petroleum”, ama “النفط”, ama “石油”. Hase yeeshee, shidaalku macni ahaan aad buu uga ballaaran yahay petroleum-ka keliya.

Anigu mar aan isku dayay in aan erayga “Petroleum” Af-Soomaaliyeeyo, waxaan u bixiyey “Saliid Dhadhaabeed”. Sababta aan u doortay turjumaaddan waxaad ka akhrisan kartaa qormada aan ku soo lifaaqay qaybta hoose ee faallada.

Hassan Abdullahi Sheikh Abdi ( Hassan Toora-toorow )

13/12/2025

Address

No. 18, Fuxue Road, Changping District
Beijing
102249

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hassan Toora-Toorow posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share