19/03/2026
عيد مبارك ✨
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال 🤲
Ciid wanaagsan dhammaan ummadda Muslimiinta 🌙
Allaha naga aqbalo soonkii, salaaddii iyo camalkii suubanaa.
Farxad, nabad iyo barwaaqo ayaan idiin rajaynaynaa adiga iyo qoyskiinna 💙
19/03/2026
🕌 زكاة الفطر
عن ابن عمر رضي الله عنهما قال:
فرض رسول الله ﷺ زكاة الفطر من رمضان على كل مسلم.
📌 Xusuusin:
Zakaatul Fitr waa waajib saaran qof kasta oo Muslim ah, yar iyo weyn, lab iyo dheddig.
⏰ Waqtigeeda:
Waxa la bixiyaa ka hor salaadda Ciidda.
17/03/2026
📸 Sawirro – Qeybta 2aad
Bixinta abaalmarinnada ardaydii kaalmaha h**e ka gashay tartanka Qur’aanka Kariimka ee bisha barakeysan ee Ramadaan, oo uu qabtay
معهد عمر بن الخطاب للدراسات القرآنية والإجازة بالسند.
🏆 Hambalyo dhammaan guuleystayaasha!
Waxaad tihiin iftiinka mustaqbalka iyo kuwa Qur’aanka kor u qaadaya. 🤍
16/03/2026
Sawirro – Qeybta 1aad
Xafladda xiritaanka tartanka Qur’aanka Kariimka ee bisha barakeysan ee Ramadaan oo uu qabtay Machadka Cumar Bin Khadaab.
Waxay ahayd munaasabad qurux badan oo ay ka muuqatay dadaalka ardayda, macallimiinta, iyo maamulka machadka. Tartankan wuxuu dhiirrigelin u yahay barashada iyo xifdinta Qur’aanka Kariimka.
Hambalyo dhammaan ardaydii ka qeyb gashay tartanka iyo kuwii ku guuleystay. Alle ha ka dhigo Qur’aanka nuur qalbiyadeenna ku jira. 🤍
…
16/08/2025
.إنالله وإنا إليه راجعون
Maamulka iyo ardayda Mac-hadka waxay si qoto dheer uga tacsiyeynayaan geerida naxdinta leh ee ku timid walaalkeen iyo ardaygii qiimaha badnaa إسحاق معلم إبراهيم oo ka mid ahaa ardayda wax ka baranaysay mac-hadkan.
Waxaan Alle uga baryeynaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, dembiyadiisana dhaafo. Qoyskiisa, ehelkiisa, iyo dhamaan asxaabtiisa samir iyo iimaan Alle ha ka siiyo.
Aamiin.
05/06/2025
MACHADKA CUMAR BIN KHADAB
بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
Maamulka, macallimiinta, iyo ardayda Machadka Cumar Bin Khadaab waxay idiin soo gudbinayaan:
Hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasabadda barakaysan ee Ciidul-Adxaa.
Waxaa la idinku leeyahay:
"Ciid Mubaarak, Allaah ha naga aqbalo camalkeena, haka dhigo ciid mid kheyr, barwaaqo iyo nabad gelyo leh."
Allaha naga dhigo kuwa ka faa’iidaysta fadliga maalmahan barakaysan, hana ina waafajiyo xoolo qalin iyo cibaado la aqbalay.
EID MUBAARAK – عِيدٌ مُبَارَكٌ
20/04/2025
Kusoo biir Machadka Cumar Bin Khadaab – Halka Qur’aanku Noqdo Nuurka Nolosha!
Ma doonaysaa in ilmahaaga uu yeesho xifdis sax ah, akhris Qur’aan oo hagaagsan, iyo barasho qoto dheer oo Carabi iyo Tajwiid ah?
Machadkeennu wuxuu bixiyaa barbaarin diini ah oo buuxda, barayaal khibrad leh, iyo jawi amni iyo barasho leh.
Waxaan bixinaa:
Qaybta Farbarashada & Qoraalka
Xifdinta Qur’aanka & Akhriska saxda ah
Tajwiidka, Qiraa’ada iyo Ijaasada
Barashada Carabiga iyo Mutoon-ka Diinta
Hal-ku-dheggayagu waa: "Khayrkiinna waa kan barta Qur’aanka oo baraya"
Goob: Wadajir, Muqdisho
Wac hadda: 0615813534 / 0617874372
Meelaha waa xadidan yihiin — isdiiwaangeli maanta!