12/12/2024
Dhalinyadda: Mustaqbalka dalka
Scheduled video
Abwaan xaaji Adan Af-qalooc AUN
Gabayga Dhaliyaro
Hadduu geed engego xaabadaa laga idlaystaaye
* Mid yar oo iniintiisa ahbaa soo awaal baxa e
* Isagaa anfaaciga hadhkiyo oodda kaafiya e
* Dadkana odaygu goortuu ka baxo iyo islaantiisu
* Ubadkooda hadhabaa tabcoo aayatiin hela e
* Markii Aadam iyo Xaawa iyo keynta la abuuray
* Sidaasay arwaaxdiyo dhirtuba ku isiraayeene
* Umaddaan shabaabkeedu hanan waa u ayaan xuma e
* Inamiyo hablahaba waxaad tihiin aarankii kacaye
* Itaal gabe dadkiinii h**e waydin aragtaane
* Idinkaa amaanada xilkii eeggan qaabilaye
* Iskaa wax u qabsada noloshu waa udub dhexaadkiiye
* Israafkiyo fadhigu waa waxaad ku anbanaysaane
* Axmaqnimo wakhtiga kaaga tagay oohin kugu reebye
* Ayaantii ku dhaaftana waa waxaan la eegayne
* Axadkii kaslaan ahi sabool abidkii weeyaane.